Xiddigii hore ee kooxaha Liverpool iyo Barcelona ee Luis Suarez ayaa shaaca ka qaaday qaabkii uu ugu dhawaaday in uu ku biiro Real Madrid.
Sidoo kale Suarez ayaa shaaciyay in ay Real Madrid doonaysay in ay Benzema ka iibiso kooxda Arsenal isla wakhtigaas.
โKahor Koobkii Adduunka 2014, Real Madrid waxay dooneysay inay ila soo wareegto, wax walbana waa la dhameeyayโayuu yidhi.
โWaxay qorsheynayeen inay Benzema ka iibiyaan Arsenal, wax walba waa la sameeyay. Markii uu billowday koobkii adduunka, Barca ayaa ku biirtay tartanka [si ay aniga ila soo wareegto].โ
โSida iska cad waxaan doorbiday Barca. sabab la xidhiidha qaniinyadii aan sameeyay, Real ayaa hoos u dhigtay xiisaha ay u qabtay saxiixayga Barca ayaa aad u xiiseyneysa. Dhammaadkii, waxaan haystay labada doorasho, waxaan doortay Barcelona sababtoo ah waxay ahayd riyadeyda. โ

