Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlada Jubaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay dugsiga Tababarka Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee xerada (Ma dhammaato).
Waxaa uu halkaas kula hadlay Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland oo uu tababar u socday mudooyinkii lasoo dhaafay
Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa u sheegay Ciidamadan cusub inay qeyb ka yihiin dadaalka xoogga leh ee loogu jiro sidii amaanka dalkeenna u sugi lahaayeen isla markaana shaqadaas baaxada leh ay tahay inay ka soo dhalaalaan.
Waxaa uu intaas ku daray in macalimiinta iyo tababarayaasha dugsiga ay shaqo adag qabteen sidii ay u soo saari lahayeen jiil caaboon oo muhiim u ah sidii looga adkaan lahaa al shabaab