Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025

      DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

      May 20, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

      May 21, 2025

      DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

      May 21, 2025

      Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

      May 20, 2025

      DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia

      May 20, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Itoobiya oo shaacisay in lasoo wareejiyey kulankii QM ee xiisadda badda Soomaaliya

    Itoobiya oo shaacisay in lasoo wareejiyey kulankii QM ee xiisadda badda Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 5, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

     Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo jeediyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay khilaafkooda xal ka gaaraan IGAD iyo Midowga Afrika. 

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay ka carooday Muqdisho. IGAD weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Itoobiya. 

    Golaha Ammaanka, waxay 29-kii bishii January qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay shirkaas. Si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faah faahin ah kama uusan bixin shirkaas. 

    Soomaaliya, oo cuskatay qodobka 35-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka inay faragelinta Itoobiya wax ka qabtaan iyadoo sheegtay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu ku xad-gudbaynayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

    Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles, wuxuu si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii lagu jiray shirkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    “Mawqifka Itoobiya waa in dadaalkeeda ku aaddan gelitaanka badda ay horseed u yihiin arrimo dhaqaale. Waxay kaloo ku saabsan tahay is-dhexgalka gobolka iyo sidoo kale arrin nabadeed iyo amni. Tani waa ajandaha cad ee ay Itoobiya ku celisay shirkii Golaha Ammaanka,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles.

    Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan wada-hadal la geli doonin Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland.

    IGAD ayaa ah madal ay maamusho Itoobiya oo wixii ay doonto ay ka sameysan karto, mana muuqato in Soomaaliya ay aqbali doonto kulan kale oo arrintan uu ururka ka yeesho.

    Waxa ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ay diidan tahay ayaa ah; in arrintan loo rogo khilaaf ka dhaxeeya labada dhinac oo u baahan in wada-hadal laga galo, halka xaqiiqda ay tahay in Itoobiya ay xadgudub ku sameysay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. 

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha

    May 21, 2025

    DEG DEG Dagaal culus oo ka socda dagaalka Aboorey

    May 21, 2025

    Faafina dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalada ka socda Hiiran

    May 20, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.