Tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya, ee qeybo kamid ah badda Soomaaliya loogu saxiixay Itoobiya, ayaa waxaa isa soo tarayay tallaabooyinka looga jawaabayo arrintaasi.
Marka laga imaado qaraarka ay ku diiday heshiiskaasi dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa bilowday isku-day ka dhanka ah Abiy Axmed oo la doonayo in looga xayuubiyo billadda Nobel Peace Prize, oo kal hore la siiyay.
Qurbajoogta Soomaaliyeed oo codkooda ku biiriyay sida ay uga soo horjeedaan weerarka qaawan ee ay dowladda Itoobiya kusoo qaadday madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, ayaa sameeyay codeyn dhanka khadka ah oo Soomaalida ku muujinayaan rabitaankooda ah in Abiy Axmed lagala laabto billadaasi.
Sidoo kale waxaa socda dadaallo ay qurbo joogta Soomaaliya u qaadeen arrinkaasi, iyaga oo baaq u diray guddiga bixiya billadda nabadda ee Nobel Peace Prize, uguna baaqay inay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ka xayuubiyaan billadda, maadaama uu meelo ka baxsan xudduudiisa ka abuurayo colaado.
Soomaalida ku nool dalka dibadiisa ayaa sidoo kale qorsheynaya qabashada garyqaanno gaar ah oo codsigaan gudbiya, kadib marka uu helo saxiixa shacbiga Soomaaliyeed.
Heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20KM, ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.
Madaxda sare ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.