415 Milyan oo Doollar ku kharash-garayso casriyaynta Nidaamka Gantaallaha ee ay Ciiddanka Badda ee Boqortooyada Britain u adeegsadaan inay ku soo ridaan Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarrada ku qaada maraakiibtooda maraya Badda Cas.
Wasaaraddu waxay intaa ku dartay bayaan ay soo saartay in nidaamka difaaca hawada ee loo yaqaano โSea Viperโ lagu cusboonaysiin doono madaxyada ku rakiban gantaallada iyo barnaamij ka caawin doona inay ka hortagtagaan hanjabaaddaha gantaallaha balaastiga-ga.
Hirgelinta casriyeyntan waxaa qandaraas la galay shirkadda ingiriiska ee MBDA.
Bayaanka Wasaaradda Difaaca ayaa lagu yiri โMarkay xaaladda Bariga Dhexe ka sii darayso, waxaa lama huraan ah in aan la qabsanno si aan u ilaalinno UK, xulafadayada iyo saaxiibbadeenaโ.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in nidaamka โThe Sea Viper uu hormuud ka ahaa hannaanka la qabsiga, maadaama uu ahaa hubkii ay doorteen ciidamada badda ee iska horimaadkii ugu horreeyay ee lala beegsaday bartilmaameedka hawada in ka badan 30 sano.โ
Isha: BBC