Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay hawgal saaka ka dhacay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degmada, waa sida lagu yiri war ka soo baxay dowladda.
Howlgalkaan ayaa dowladda Soomaaliya ku sheegtay in ay si wada jir ah u fuliyeen ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo saaxiibada Caalamka, kuwaas oo hawgalka ku dilay 20 xubnood ka tirsan Al-Shabaab.
War ay daabacday wakaaladda wararka ee SONNA ayaa lagu yiri, “Howlgalka waxaa sidoo kale lagu burburiyay Idaacad Khawaarijta halkaas ay ku lahaayeen iyo xarun ay ku diyaarin jireen Qaraxyada iyo weerada.”
Dhanka kale warsaxaafadeed kooban oo lagu dabacay barta X ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu yiri, “Ciidanka NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa maleeshiyaad Khawaarij ah ku laayay howlgal lagu burburiyay xarumo Khawaarijta ku lahaayeen degmada Galhareeri.”