Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026

    Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

    February 11, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

      February 11, 2026

      Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

      February 11, 2026

      Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

      February 11, 2026

      DEG DEG Dagaal Xoogan oo ka socda Degaanka Yurkud

      February 11, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

      February 11, 2026

      Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

      February 11, 2026

      Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

      February 11, 2026

      DEG DEG Dagaal Xoogan oo ka socda Degaanka Yurkud

      February 11, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Gabadhii xaamilada ahayd ee ninkeedu ku gubay Muqdisho oo geeriyootay

    Gabadhii xaamilada ahayd ee ninkeedu ku gubay Muqdisho oo geeriyootay

    By radiohalgan.comFebruary 2, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ehaladaLuul Sheekh Cabdicasiis oo ahayd gabar xaamilo ah oo ninkeedu ku gubay dhawaan Muqdisho ayaa saaka ku geeriyootay cisbitaalka Digfeer.

    Camaadi Sheekh Cabdicasiis oo ay walaalo yihiin Luul ayaa BBC-da u xaqiijiyey geerideeda isagoo xusay in salaadii subax ka dib ay u geeriyootay dhaawacii darnaa ee ka soo gaaray gubashada.

    Allaha u raxmadee Luul ayaa maalmihii la soo dhafaay dhawaceeda lagula tacaalayey cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho qaybta xaaladaha culus.

    Dhacdadaas oo ahayd mid argagax leh ayaa ka dhacday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ka dib markii ninkeda nolosha ku gubay.

    Ninka oo lagu magacaabo Siid Cali Macallin Daa’uud ayay dadka deegaanka sheegeen inuu jirdilay xaaskiisa ka dibna uu qol ku soo soo xiray ka hor inta uusan dab qabadsiin guriga.

    “Walaashay Luul xaalad culus ayey soo martay, waxay gashay koomo, waxaana la dhigay qeybta xaaladaha culus ee (ICU) isbitaalka Digfeer” ayuu yiri Camaadi.

    Waxaa uu sheegay in ninka walaashiis dabka qabad siiyay ay is guursadeen muddo hadda laga joogo lix bilood, aysan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

    “Inta aan ognahay waxaa ay ahaayeen lammaane isku faraxsan haddii uu jiri lahaa dhib aan ognahay waan xallin lahayn, ma garan karo waxa u qarsoon haddii uu jiro oo uu ka dhaxeeyay” ayuu hadalkiisa sii raaciayay.

    Sidee ayay wax u dhaceen?

    Gaashaanle Saadaq Doodishe.
    Qoraalka sawirka,Gaashaanle Saadaq Doodishe.

    β€œWaxaa degmada Dharkenleey gaar ahaan waaxda labaad lagu gubay dhibbane hooyo Luul Sheekh Cabdi oo ahayd marwo hooyo ah, xaas ah isla markaana xaamilo ahayd, sida aan xogta ku heleynana waxaa ku eedeysan oo falkaas geystay seygeedii oo lagu magacaabo Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninkii qabay marwadaas.” Waxaa sidaas BBC-da u sheegay gaashaanle Saadaq Doodishe.

    Waxaa la sheegay in Siid Cali oo maseersan uu soo diyaarsaday baasiin iyo Jande-sigir ka dibna uu xaaskiisa ku soo xiray qolka, gaasna ku bilbilay oo uu sidaas ku gubay isagiina gaari u sii diyaarsanaa uu ku baxsaday. Sida uu BBC-da u sheegay Gaashaanle Saadaq Doodishe.

    β€œFalkaan marka uu dhacay ka dib ayaa dadkii deriska la ahaa ama goob-joogeyaashii ama ciidamada ammaanka gaar ahaan saldhigga ciidamada Booliska ee degmada Dharkeynleey falkaas ku baxay, wixii ugu horreeyay ee awoodda la iskugu geeyay ayaana ahaa in hooyada la badbaadiyo,” ayuu yiri gaashaanle Doodishe.

    Luul ayaa la sheegay in la badbaadiyay ka dib markii ay qeyliyeen carruurteeda oo ku jiray qolalka kale ee guriga oo ku argagaxay dabka taas oo sababtay in dadka dariska ah ay isu soo baxaan ayna sidaas ku badbaadiyaan hooyadan oo xaalad quus ah ku jirtay. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada aammaanka degmada oo goobta soo gaaray ay door ka qaateen badbaadinteeda.

    “Ninka markii uu guriga yimid qolka ayuu gabadha ku xiray baasiin ayuu ku shubay kadibna dab ayuu qabad siiyay, caruur ay dashay iyo dariska ayaa soo badbaadiyay, xataa mid ka mid ah caruurta ayaa sidoo kale dhaawac lugta kasoo gaaray,” ayuu yiri Camaadi Sheekh Cabdicasiis oo Luul ay walaalo yihiin.

    Luul ayaa horay u haysatay lix caruur ah oo ay u dhashay nin kale, ka hor inta aysan Siid Cali is guursan.

    Xaggee ayuu ku dambeeyay Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninka xaaskiisa gubay?

    Magaalada Muqdisho
    Qoraalka sawirka,Magaalada Muqdisho

    Markii la soo badbaadiyay hooyada la gubay ayaa waxaa xoogga la saaray sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysanaha falka geystay.

    β€œNasiib darro eedeeysanaha ayaa waxaa markii uu falka geystayba oo uu dabka bilaabanay ka baxsaday goobta welina gacanta laguma dhigin laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa in hawlgallo arrintaas u gaar ah magaalada ka socdaan meel-kasta oo laga heli karo.” Ayuu yiri Doodishe.

    Waxa uu sheegay in Sayid uusan ahayn qof raadkiisa, magiciisa iyo muuqaalkiisa la wayn karo. β€œWaa qof xitaa la yaqaano codkiisa ma ahan marka howlagallada eedeysanaha gacanta loogu dhigayo waa ay socdaan waxaa rajeynaynaa in haddii uu Alle idmo sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ugu soo dhigno.”

    Gaashaanle Doodishe ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid xanuun badan oo damiirka dadka taabaneyso sababtoo ah ayuu yiri in β€œmarwo hooyo ah, xaaskiiska ah, xaamilo ahayd dab loo isticmaalo marka wax si fudud aan u dhihi karno waxaas ayaa sabab u ah ma ahan waxaa dhigi kara dhakhaatiir ku takhasusutay cilmi nafsiga oo baari karta in waxaani ay dhimirka yihiin ama ay daroogo iyo muqaadaraad la xiriira yihiin waa wax baarista ku soo bixi doona, booliska ayaana hadda wada baaritaan la xiriira falkan.”

    Waxa uu sheegay in sababta ay waxaan u dhaceen ay kala caddaan doonto marka eedeeysanaha la qabto oo baaritaan lagu sameeyo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waxaa farxad iyo guul weyn ii ah in aan soo gabagabeeyo buuggii aan muddo dheer ku hawlanaa, kaas oo cinwaankiisu yahay Halgan

    January 25, 2026

    Sama fale Cabdicasiis Muudeey oo u dhaq-dhaqaaqa caawinta bulshada dan yarta ah ayaa weli wada caawinta iyo afurinta qoysaska danyarta ah ee beledweyne ku sugan. (SAWIRRO)

    March 19, 2024

    Sida khuuradu u dhibaateyn karto guurkaaga iyo xalka looga bogsan karo

    March 19, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani

    February 11, 2026

    Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid

    February 11, 2026

    Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?

    February 11, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.