Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo billaabay qorshe culus ka hor gogosha Garoowe – Xog

    Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo billaabay qorshe culus ka hor gogosha Garoowe – Xog

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 4, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sidaan hore u baahinay intii Garoowe loo joogay cameelo-saarka Saciid Deni ma dhicin kulan gaar ah oo dhex-maray madaxweynaha Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni.

    Labada nin ayaa mid walba ka gaabsanaayay in la furo waxyaabaha la xiriira khilaafkooda, si aan loo jiirin mowduucii loo tegay magaalada Garoowe.

    Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kale oo la fahamsanaa in uusan rabin inuu galo shir gaar ah isaga oo ilaalinaya dareenka ra’iisul wasaarihiisa Xamza Cabdi Barre.

    Hadda inta aan la gaarin shirka magaalada Garoowe loo madlan yahay, labadii madaxweyne ee hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo raadinaya dhibco siyaasi ah, sidoo kalena raba in shirka Garoowe lagu dabro xawaaraha uu ku socda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay qorshe cusub.

    Farmaajo iyo Shariif ayaa raadinaya in shirkaasi uu qabsoomo, iyada oo Xasan Sheekh iyo Saciid Deni uusan khilaaf shaqsi ah dhex oolin, kaasi oo haddii uu sii jiro keenaya marwalba in mowduucyada ay wadaan laga muhiimsanaado.

    Sidoo kale waxay bilaabeen inay diirada saaran in khilaafkan hoos loo dhigo, iyaga oo la hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni labadaba, islamarkaana weydiistay in arrimaha gaarka ah ee labada nin ka dhaxeeyay tan iyo magacaabistii kursiga ra’iisul wasaaraha inay dhex-dhexaadin ka sameeyaan.

    Madaxweyne Xasan iyo Deni ayaa sidoo kale lasoo warinaya inay labaduba soo dhaweeyeen oo ay aqbaleen wada-hadalka ay garwadeenka ka yihiin labadii madaxweyne ee hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.

    Farmaajo iyo Shariif ayaa lagu wadaa in asbuucyada soo aadan ay tagi doonaan magaalada Garoowe, si ay wada-hadallada u bilaaban.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo inta badan lagu yaqaano in uusan diidin wada-hadallada ayaa dhinaca kale la fahamsan yahay inuu dhawaan qaadi doono tallaabooyin la xiriira arrimaha dhameystirka dastuurka, taasi oo haddey dhacdana aan la ogeyn sida ay wada-hadalladaan iyo shirka Garoowe-ba u qabsoomi karaan

    .

    Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa waxay aaminsan yihiin in iyaga iyo Saciid Deni waxa ay isku hayaan inay yihiin arrimo shaqsi ah, sidaas awgeed uma badna inay waqti galinayaan in arrimaha qaar dartiisa loo xayiro, si gaar ah howsha dhameystirka dastuurka, tii oo dhinaca kale la xasuusto waxyaabihii waaweyna ee u hirgalay intii Saciid Deni carada ku maqnaa.

    Dad badan waxay is-weydiinayaan labada nin ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ma ku guuleysan karaan dhex-dhexaadintaan.

    Waxayse taasi ku xiran tahay hadba sida ay labada dhinac tanaasul u muujiyaan, sida ay iyaga naftooda waa Shariif iyo Farmaajo uga fogaadaan inay isku milaan dhibco raadintooda siyaasadeed iyo dhayida boogaha khilaafka.

    Iyada oo dhinaca kale la filan karo inay wax walba istaagaan haddii uu Saciid Deni markale miiska keeno doodda kursiga ra’iisul wasaaraha, maadaama uu madaxweyne Xasan Sheekh uu weli la dhacsan yahay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.