Waxaan aqriyey Qormo dheer oo uu qoray Fahad Yaasiin, cinwaanna uu uga dhigay CIIL WALAAL taas oo xambaarsaneyd waxyaabo badan oo isugu jiray macluumaad, eedo culculus iyo wax aan u arkay meel ka dhacyo uu qoraaga qormadaasi uu si toos ah ugu geysanayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Ugu horreyn waxaan qirayaa Fahad Yaasiin inuu yahay Saxafi hore oo aan is leeyahay dhammaan shuruucda saxaafadda iyo isdhaliilidda waa ku khabiir, welina waa uu xusuustaa. In kastoo uu soo maray siyaasad majare adag oo awood badan uu lahaa muddo xileedkii Farmaajo, markaas oo lagu eedeynayey inuu sharciga ka sare maray, haddana qofka inuu hilmaamo xirfaddiisa aasaasiga ah ma badna.
Qormada CIIL WALAAL oo aan aqriyey labo mar waxaan go’aansaday in aan ka iraahdo dhawr kalmadood, si gaar ahna aan u dul istaago goldalooladeeda, aniga oo qoraaga toos ugu jawaabaya.
Ugu horreyn, Billowga qoraalka waxaad Fahadow ku sheegtay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu mar walba doonayo in ay Soomaaliya ku jirto qalalaase joogto ah. Waa eed culus, dad badanina kulama qabaan sida aan is leeyahay, yeelkeede adigana dooddaas uma yeelin caddeyno iyo xigashooyinka marqaati kacaya eedda aad huwisay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Midda labaad waxaad sheegtay in markii Abiy Axmed uu billaabay inuu ku dhawaaqo “Bad ayaan u baahan nahay” inuu Ismaaciil Cumar Geelle la xiriiray Abiy, iskana jeediyey oo uu ku yiri “Soomaaliya ayaan bad kaaga dhameynayaa e aniga iga leexo”.
Haddii eeddaas si dhab ah loo eego, waxaa soo baxeysa in hadalkaaga uu ka hor imaanayaa dhawrkan arrimmood.
1. Abiy Axmed badaha uu u qaylo dhaaminayey kama mid aheyn midda Jabuuti, waana la wada og yahay taas, sidaas darteed sabab uu Ismaaciil isaga sasabo Abiy ma jirto.
2. Itoobiya wax yaabaha dibadda uga yimaada ama ay u dhoofiso 90% waxay marsiisaa Jabuuti, taas oo ah dano dhaqaale oo weyn marka lagu eego indhaha Jabuuti, sidaas darteed Madaxweyne Ismaaciil Cumar ma caawin karo nin doonaya inuu ka xiro ishaas dhaqaale ee weyn dalkiisa.
3. Barta ay Itoobiya dooneyso inay ciidan badeedkeeda degsato waa meel ka mid ah xad badeedka u dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya, waxayna taasi keeni kartaa halis amni oo weyn oo ku timaada Dalka Jabuuti. Madaxweynaha Jabuuti ma aqbali karo arrinka noocaas, waayo dalkiisa dan uguma jirto, haatanna ma aqbalsana inta la og yahay.
4. Jabuuti iyada ayaa aqoonsan karta Somaliland haddii ay dooneyso, uma baahna in ay Itoobiyaan la qalqaaliso, kaddibna dhulbadeed 20KM ah la siiyo si aqoonsi loogu helo Somaliland.
5. Dadka dhulkoosa la qaadanayo ee ku nool Awdal waa beelaha Ciise iyo Samarroon, kuwaas oo kala ah beesha uu ka dhashay Madaxweyne Ismaaciil iyo beel kale oo reer Soomaaliya iyo Reer Jabuuti labadaba ah, dadka la siinayana waa Oromo iyo Qowmiyado kale oo haatan Gudaha Itoobiya ku gumaada Beesha Ciise iyo Soomaalida kale.
Marka la eego dhammaan arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo aanan dooneyn in aan hadda waqti ku lumino waxay muujinayaan in Ismaaciil Cumar Geelle uusan raalli ka noqon falka uu sameeyey Abiy.
Madaxweyne Geelle waxaad ku eedeysay sanadkii 1977 inuu caawin jiray nimaadkii uu hoggaaminayey Mingistu, sidoo kale inuu hub u iibin jiray jabhadihii Soomaalida iyo in shirkii Carta uu ku dhabar jabinayey shir u qorsheysnaa Maxamed Ibaraahim Cigaal (AHN). Intuba waa macluumaad nagu cusub, adiga uun baan maanta kaa heynaa, waxaana loo baahan yahay caddeymo.
Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu Madaxweyne noqoday 24 sano ka hor, 1977-diina waxaa ka soo wareegtay 46 sano, waana xilligii Jabuuti ay Madaxbanaani qaadaneysay, Xilligaas Xilka uu Geelle hayey ee uu Mingisto ku taageerayey muxuu ahaa?
Dhinaca kale waxaad eed weyn huwisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaad sheegtay;
1. In la khiyaameeyey oo uusan fahmin dabinka uu u dhigay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
2. Inuu isaga wax ka ogaa heshiiska Badda la saxiixay.
3. Ajende qarsoon oo ay wateen Madaxweyne Ismaaciil iyo Abiy in loo bandhigay.
4. Inuu doonayey isaga in uu badda saxiixo taas oo ka dhigeysa ajandihii qarsoonaa inuu si fudud ku ogolaaday.
5. Isaga iyo Abiy in ay teleefoon ku wada hadleen inta uu joogay Jabuuti, weliba isaga oo Ismaaciil la fadhiya in Abiy qadka la soo galiyey, kaddibna laga dhameystay in Badda la saxiixo.
6. Inuu ka xumaaday saxiixa uu Abiy la saxiixday Muuse Biixi iyo Aqoonsiga Somaliland ee uu diyaar u ahaa inuu badda Soomaaliyeed isaga saxiixo
Intaasiba waa eedeymo culus, laakiin qofka caqliga leh wuxuu is weydiin karaa Fahad siduu ku ogaaday intan oo dhan? Yaa u soo khabrayey? Haddiiba uu wax ogaa muxuu ummadda ugu sheegi waayey inta aan wax la saxiixin? iyo su’aalo kale.
Dhanka kale, haddii aad fiiriso dhawrkan arrimood ee aan hoos ku tixayo, eedeymahaaga ku aaddan Madaxweyne Xasan Sheekh iyaga ayaa is burinaya.
1. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Maamulka Somaliland, mar uu ka jawaabayey sababta uu is-af-garadka ugu saxiixay degdegga wuxuu sheegay shirkii Jabuuti in uu rajo beel galiyey, in Koonfur lama midoobayana ay u sawirantay.
2. Dowladda Jabuuti caro daran ayey ka muujisay falka uu Muuse Biixi sameeyey, waxayna Go’aano adag ka qaadatay xiriirkii kala dhexeeyey maamulka Somaliland.
3. Madaxweynaha Jabuuti wuxuu isugu yeeray Madaxda IGAD, shirkana isaga ayaa guddoominayey, waxaana lagu taageeray Somalia, halka Itoobiya ay ka baaqatay shirka.
4. Wasiirkii ugu horreeyey ee iska casilay maamulka Somaliland waa Wasiirka Gaashaandhiga Maamulkaasi, kaas oo ka soo jeeday beesha Ciise ee degta Deegaanada la bixinayo, waana nin ay isku beel yihiin Madaxweynaha Jabuuti.
5. Jabuuti waxay olole weyn oo Somalia lagu taageerayo ka dhex qaaday jaamacadda Carabta, mowqifkeedana way caddeysay.
6. Safiirka Jabuuti ee UN-ka wuxuu la duubnaa Ergada Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey.
Dhammaan qodobadaas waxay muujinayaan sida ay Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle aysan shuqul ugu laheyn eedeynta aad u jeedisay ee la xiriirta ka qeyb qaadashada qorsheynta falka waallida ah ee uu Abiy Axmed ku kacay, laakiin taas bedelkeeda carada ay ka qaadeen waxaa ay ka muuqatay falcelintooda min shacab illaa madax.
Arrinta kale ee yaabka leh waxay tahay, eedeymaha aad u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaad u dhigtay sida in aad carruur u sheekeyneysa oo kale. Qaabka aad u sifeysay Madaxweynaha dalka waa qaab maskaxda aqristaha ku sawiraysa qofka laga hadlayo inuu yahay ilmo yar, taasi kaliya gef kuma aheyn isaga, annaga qormadaada aqrineyna xitaa gef ayey nagu tahay, waayo qaabkii carruurta loogu sheekeyn jiray oo kale ayaad inoola hadashay.
Waxaad inoo sheegtay:
1. Xasan Sheekh inuu Ismaaciil soo wacay, ka codsaday in uu la kulmo Somaliland, Xasan inuu iska aqbalay, balse ajandaha waxba ku laheyn.
2. Ismaaciil inuu lahaa Ajande qarsoon oo kulanka Somaliland iyo Somalia uu iska ahaa mid raad tirasho ah.
3. Xasan in loo bandhigay Ajandaha qarsoon oo uu durba iska aqbalay ayaad inoo sheegtay.
4. Ismaaciil inuu Abiy ka baqayey oo iska maaweelinayey ayaad inoo sheegtay.
5. Xasan inuu soo aqbalay in Itoobiya bad la siiyo, balse isaga uu saxiixo, ayaad inoo sheegtay.
6. Xasan inuu ka carooday in heshiiska aan waxba looga hanbeyn ayaad inoo sheegtay, iyo waxyaabo kale oo badan.
Qodobadaas qofka sameeyey ee laga hadlayaa Madaxweyne dal ma ahan, malahayga canug yar uun baa sameyn kara.
Fahadow! Haddii arrimahan aad xustay ay sidan sahlan u dhici karaan, ma laga yaabaa in ay falalkan oo kale oo badan soo dhaceen xilligii aad aheyd ninka dalka ugu awoodda badan, madaxweyne Farmaajona uu ahaa Madaxweynaha Dalka? Maxaan su’aashaas kuu waydiiyey?
Waxaa jira arrimo dhawr ah oo aan jawaab loo heyn, kuwaas oo dhacay xilligii dowladdii Madaxweyne Farmaajo, waxaana ka mid ah:
1. Heshiiskii seddax geesoodka ahaa ee Somalia, Itoobiya iyo Eritrea dhex maray!
2. Heshiiskii Itoobiya u ogolaanayey 4 dekadood in ay adeegsato.
3. Madaxweyne Farmaajo safaradiisii ugu badnaa ee uu dal shisheeye ku tago intii uu xilka hayey wuxuu ku tagay Itoobiya, heshiisyo badan ayaana la sheegay in la saxiixay, balse wax natiijadooda weli shacab iyo Baarlamaan loo bandhigay ma jirin.
4. Abiy Axmed wuu ka xumaaday in Farmaajo uu soo laaban waayey, muddo ayeyna qaadatay in isaga iyo Xasan Sheekh ay is arkaan, xiriirkoodana ma qurxoonaan weli.
Haddii hoos loo eego hadalkaaga oo ah mid ka yimid shaqsi soo qabtay xilal badan oo sare, sida:
1. Agaasimihii Sirdoonka Dalka.
2. Agaasimihii Madaxtooyada Dalka.
3. lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.
4. Iyo Saxafi sare oo hore
Waxaa la is weydiin karaa “Fahad eedeymaha tolow ma xog buu ku saleeyey mise khibrad hore ayuu ku saleyeeyey?”, waayo sida ay wax u socdaan waxaad ka dheehan kartaa miraayaddii xilligiinii.
Fahadow! Waxaan qirayaa in aad XAQ buuxa u leedahay in aad eedeyso Madaxda, dhaliisho qofkii aad u aragto inuu dhaliil leeyahay, qalinkaagana ku muujiso aragtidaada, si taas la mid ah annaga aqristayaasha ahna waxaan xaq u leenahay in aan ku weydiino caddeymaha aad u heyso wixii aad inoo sheegtay.
Haddii ay arrintu tahay Madaxda Maanta Somalia joogtaa waa mucaaradkaagii shalay eh ka aarso, Ismaaciilna xilligii aad Ereteriya ka xigsateen ayuu idin carooday e usha la sii mar, waa inta kaliya ee aan ka famay ujeedka qoraalka eh, taas kuma filna eedeyn intan la eg inta aad soo bandhigto in aan iska dhuganno, iskana aamusno.
UGU DANBEYNTII, Waxaan qirayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu yahay Hiilka ugu weyn ee ay Soomaali heysatay, welina ay heysato, wax walba ee uu Soomaaliya iyo Soomaalida u qabtayna ay ahaayeen ama yihiin HIIL WALAAL, mana mudna oraahda aad ku tilmaantay ee CIIL WALAAL. Aniga ayaa ka xaalsiiyey Madaxweyne Geelle Gefkaas.
Madaxda in gaabiska shaqadooda lagu dhaliilo waa xaq dastuuri ah, laakiin in eeddooda lagu fogaado caddeymo la’aan waa arrin kale, adiguse hadda kuma lihi kaddaa, waayo WAYSO NIN AY U DHAWRAN TAHAY AYEY KA BURTAA.
=Dhammaad=
W/Q: Abukar Albadri
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan radiohalgan.com, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.