Close Menu
    What's Hot

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mucaaradka oo la filayo inay cadeeyaan mowqifkooda kadib casuumada MW Xasan Sheekh

      May 3, 2026

      Warar ku saabsan kala shaki ka dhex jira Xisbiga Haybad-Qaran

      May 1, 2026

      Musharaxad Golaha Deegaanka Dr. Nasro Maxamed Cilmi Codkaaga waa isbeddelka Beledweyne—u Codeey

      April 28, 2026

      Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

      April 11, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Boqorka Baxrayn: Jinsiyadda waa laga qaadi doonaa qof kasta oo khiyaano qaran lagu helo

      May 1, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

      May 12, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Fahad Yaasiin: Madaxweyne dharbaaxo rag bey kugu dirtaa ee kaama dhiciso

    Fahad Yaasiin: Madaxweyne dharbaaxo rag bey kugu dirtaa ee kaama dhiciso

    By radiohalgan.comJanuary 22, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Mudane Madaxweyne,

    Aqoonta aan kuu leeyahay, waxaan si buuxda u oran karaa inuu dhab kaa yahay dareenkaada iyo khudbadaha kala duwan ee aad jeedisay. Waxaan hubaa, inay run kaa tahay caadifaadaas. Marqaati ayaan u ahay, muddo xilaadkaadii koowaad in damac kasta laguu sheegay si aad tanaasul uga sameeyso qodobo taabanayey dhulka iyo badda Soomaaliya, maantana kalsooni taas lamid ah baan ku qabaa inaadan saxiixeynin wax taabanaya gobonnimada qaranka.

    Mudane Madaxweyne,

    Aqoonta kale ee aan kuu leeyahay waxay tahay inaad si saaid ah gaabis u tahay, go’aannadaadu jilicsan yihiin, culayska khudbadahaaga iyo cagajiidka tallaabo qaadkagana isma lahan. Soomaalidu waxay ku maahmaadaa, dharbaaxo rag bey kugu dirtaa, ee kaama dhiciso.

    Madaxweyne, hadallada aad ku khudbeysay, hadallo ka culus oo la oran lahaa majirto. Waxaad ku dhawaaqday kalmado dagaal oo duullaan hubaysan soo dadajin karay. Laakiin nasiib darro, diyaar garawgeedii kaama muuqdo.

    Itoobiya waxaa u dhiman oo kaliya waa iney lugaha soo dhigto xeebaha Soomaaliya, oo ciidan iyo cudud keensato, intaan ogahayna gorshahaas waa u diyaarsanyahay, weyna ku dhaqaaqayaan, colkana ka hortag buu ku qurxanyahay.

    Mudane Madadweyne,

    Waxaan hawada kuu soo marinayaan tallaabooyinkan oo dhamaantood ka hortag ah.

    1. Itoobiya si buuxda ugu jar xiriirka diblomaasi, sidaasna xiriirka ha u jarnado ilaa ay ka noqoneyso heshiiska aan dhaqangalka ahayn ee ay la gashay maamulka aan sharciga ahayn.

    2. Ciidanka Itoobiya ee dalka jooga kuwooda ATMIS kamid ah iyo kuwooda aanan kamidka ahayn labaduba dalka ka saar, muddo ay dalka uga baxaanna u gabo. Haddii ay ka bixi waayaana, haloo aqoonsado, ciidamo gumaysi ku jooga dalka. Muddadaas loo qabtay iney dalka uga baxaan, waxaad raadsataa dalkii buuxin lahaa goobaha ay ka baxayaan, weyna jiraan wadamo diyaar u ah iney booskaas buuxiyaan.

    3.  Dowladda inay qaado olole diblomaasiyadeed oo dalalka Afrika kusoo wareega oo ka dhaadhicaya in Midowga Afrika xaruunteeda laga raro Addis Ababa, bacdamaa ay ku xadgudubtay xeerarakii u dagsanaa ururka.

    4. In hawada Soomaaliya laga xidho duulimaadyada diyaaradaha laga leeyahay ama ka diiwaan gashan dalka Itoobiya.

    5. Dalalka aan walaalaha nahay sida Turkiya, Ereteriya iyo Masar waxaad lasoo gashaa iskaashi difaac, waxaadna dalka ka sisaa saldhigyo milatari si ay qayb uga nogdaan amniga gobolka, amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

    Mudane Madaxweyne,

    Waxaad isku hallaysaa rabigaa iyo umaddaada, waxaadna ogaataa awoodaha aad leedahay iney ku filanyihiin difaaca dalka. Si sahal ah, baad uga hortagi kartaa damaca gurracan ee Itoobiya, waase haddii aad isku tashato.

    Marna ha moodin taagero iyo xoog dibadda kaaga imanaya inuu joojin karo damaca waalan ee Abiy Axmed. Dunidu, mar walba, waxay oran doontaa xaaladda hala dajiyo, xitaa marka ciidanka Itoobiya ay xeebaha Soomaaliya yimaadaan oo ay qabsadaan.

    Mudane Madaxweyne,

    Naxariista calamka ha sugin, hana ku tashan ee waxaad sacabadaada ka buuxsan kartid iyo kaararka culculus ee gacantaada ku jira isticmaal oo daafac iyo duulaan ka dhigo.

    Mudane Madaxweyne,

    Marka gobonnimada dalka lagu soo xad gudbo waxaa qarsoomaya muxaafid iyo mucaarad. Sidaas awgeed, waxaan diyaar u nahay inaan ku garab galno, cadawga dalkana aad tusto dadkaaga oo midaysan. Waxaase khasab ah in la arko hogaamintaada oo leh karti ay ku uruuriso awoodaha kala duwan ee ku dhex duugan dadka Soomaaliyeed.

    W/Q: Fahad Yasin
    17-ka Janaayo 2024

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.