Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Faahfaahin la xiriirta ninka xaaskiisa oo xaamilo ahayd ku gubay Muqdisho

    Faahfaahin la xiriirta ninka xaaskiisa oo xaamilo ahayd ku gubay Muqdisho

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 27, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dhacdo argagax leh ayaa xalay ka dhacaday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ka dib markii nin uu xaaskiisa nolosha ku gubay.

    Ninka oo lagu magacaabo Siid Cali Macallin Daa’uud ayay dadka deegaanka sheegeen inuu jirdilay xaaskiisa ka dibna uu qol ku soo soo xiray ka hor inta uusan dab qabadsiin guriga.

    Gabadha la gubay oo lagu magacaabo Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa hadda waxaa lagula tacaalayaa qeybta xaaladaha culus ee isbitaalka Digfeer, sida uu BBC-da u sheegay Camaadi Sheekh Cabdiziiz oo ah walaalkeed.

    “Walaashay Luul xaladdeedu waa mid culus. Hadda waxaa ay ku jirtaa koomo qeybta xaaladaha culus ee (ICU) isbitaalka Digfeer, dhaqaatiirta ayaana la tacaalaya” ayuu yir Camaadi.

    Waxaa uu sheegay in ninka walaashiis dabka qabad siiyay ay is guursadeen muddo hadda laga joogo lix bilood, aysan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

    “Inta aan ognahay waxaa ay ahaayeen lammaane isku faraxsan haddii uu jiri lahaa dhib aan ognahay waan xallin lahayn, ma garan karo waxa u qarsoon haddii uu jiro oo uu ka dhaxeeyay” ayuu hadalkiisa sii raaciayay.

    Sidee ayay wax u dhaceen?

    Gaashaanle Saadaq Doodishe.
    Qoraalka sawirka,Gaashaanle Saadaq Doodishe.

    “Abbaare 10-kii iyo 25 daqiiqo ayaa waxaa degmada Dharkenleey gaar ahaan waaxda labaad lagu gubay dhibbane hooyo Luul Sheekh Cabdi oo ahayd marwo hooyo ah, xaas ah isla markaana xaamilo ahayd, sida aan xogta ku heleynana waxaa ku eedeysan oo falkaas geystay seygeedii oo lagu magacaabo Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninkii qabay marwadaas.” Waxaa sidaas BBC-da u sheegay gaashaanle Saadaq Doodishe.

    Waxaa la sheegay in Siid Cali oo maseersan uu soo diyaarsaday baasiin iyo Jande-sigir ka dibna uu xaaskiisa ku soo xiray qolka, gaasna ku bilbilay oo uu sidaas ku gubay isagiina gaari u sii diyaarsanaa u uku baxsaday. Sida uu BBC-da u sheegay Gaashaanle Saadaq Doodishe.

    “Falkaan marka uu dhacay ka dib ayaa dadkii deriska la ahaa ama goob-joogeyaashii ama ciidamada ammaanka gaar ahaan saldhigga ciidamada Booliska ee degmada Dharkeynleey falkaas ku baxay, wixii ugu horreeyay ee awoodda la iskugu geeyay ayaanaa ahaa in hooyadaa la badbaadiyo,” ayuu yiri gaashaanle Doodishe.

    Luul ayaa la sheegay in la badbaadiyay ka dib markii ay qeyliyeen carruurteeda oo ku jiray qolalka kale ee guriga oo ku argagaxay dabka taas oo sababtay in dadka dariska ah ay isu soo baxaan ayna sidaas ku badbaadiyaan hooyadan oo xaalad quus ah ku jiratay. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada aammaanka degmada oo goobta soo gaaray ay door ka qaateen badbaadinteeda.

    “Ninka markii uu guriga yimid qolka ayuu gabadha ku xiray baasiin ayuu ku shubay kadibna dab ayuu qabad siiyay, caruur ay dashay iyo dariska ayaa soo badbaadiyay,xataa mid ka mid ah caruurta ayaa sidoo kale dhaawac lugta kasoo gaaray,” ayuu yiri Camaadi Sheekh Cabdicasiis oo Luul ay walaalo yihiin.

    Luul ayaa horay u haysatay lix caruur ah oo ay u dhashay nin kale, ka hor inta aysan Siid Cali is guursan.

    Xaggee ayuu ku dambeeyay Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninka xaaskiisa gubay?

    Magaalada Muqdisho
    Qoraalka sawirka,Magaalada Muqdisho

    Markii la soo badbaadiyay hooyada la gubay ayaa waxaa xoogga la saaray sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysana falka geystay.

    “Nasiib darro eedeeysanaha ayaa waxaa markii uu falka geystayba oo uu dabka bilaabanay ka baxsaday goobta welina gacanta laguma dhigin laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa in hawlgallo arrintaas u gaar ah magaalada ka socdaan meel-kasta oo laga heli karo.” Ayuu yiri Doodishe.

    Waxa uu sheegay in Sayid uusan ahayn qof raadkiisa, magiciisa iyo muuqaalkiisa la wayn karo. “Waa qof xitaa la yaqaano codkiisa ma ahan marka howlagallada eedeysanaha gacanta loogu dhigayo waa ay socdaan waxaa rajeynaynaa in haddii uu Alle idmo sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ugu soo dhigno.”

    Gaashaanle Doodishe ayaa sheegay in dhacdada ay tahay mid xanuun badan oo damiirka dadka taabaneyso sababtoo ah ayuu yiri in “marwo hooyo ah, xaaskiiska ah, xaamilo ahayd dab loo isticmaalo marka wax si fudud aan u dhihi karno waxaas ayaa sabab u ah ma ahan waxaa dhigi kara dhakhaatiir ku takhasusutay cilmi nafsiga oo baari karta in waxaani ay dhimirka yihiin ama ay daroogo iyo muqaadaraad la xiriira yihiin waa wax baarista ku soo bixi doona, booliska ayaana hadda waada baaritaan la xiriira falkan.”

    Waxa uu sheegay in sababta ay waxaan u dhaceen ay kala caddaan doonto marka eedeeysanaha la qabto oo baaritaan lagu sameeyo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.