Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Dhirta Soomaaliya ay caanka ku tahay iyo dhibaatada haysata

    Dhirta Soomaaliya ay caanka ku tahay iyo dhibaatada haysata

    By radiohalgan.comFebruary 4, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Inkastoo la heli karo dhowr waxyaabood oo Soomaalida u gooni ah, laguna yaqaanno, haddana kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah dhir u gooni ah oo ka baxda dhulka Soomaalida.

    Sidaasoo ay tahay, deegaannada Soomaalida mid kasta dhir u gooni ah oo lagu yaqaanno ayuu leeyahay.

    ”Dhulka webiyada u dhaxeeya wuxuu caan ku yahay dhirta qodaxda leh ee dheecaanka uu ka yimaado, kaas oo xabag isku beddela, sida Malmasha, Luubaanta iyo cadaadda, waxaana Soomaaliya laag helaa 25 geed oo noocaas, halka Afrikada bari oo dhan laga helayo 7 ilaa 8 geed” sidaa waxaa yiri Cismaan Geeddow Caamir oo ah khabiir aad u yaqaanna dhirta iyo Shimbiraha, haatanna ah agaasimaha matxafka qaranka ee Soomaaliya.

    Wuxuu intaa ku daray in dhulka buuraleyda ah sida Cal Madow iyo Daalo lagu arko dhirta caleemaheedu bal-balaaran yihiin oo deegaannadaas ay caanka ku yihiin.

    Dhirta Soomaalida

    ”Gobollada waqooyi iyo kuwa dhexe waxaa u badan oo lagu yaqaan geedka dacarta, dhinaca Puntland-na waxaa lagu yaqaan maydiga iyo beeyada oo ka baxa buuraha gobolka Bari” ayuu sii raaciyey.

    Dhanka gobollada uu maro webiga Jubba wuxuu shegay in laga heli karo dhirta caleemaha waaweyn ”ee aan qodxaha lahayn, kuwaasoo ku teedsan dhulka xeebaha iyo jasaa’irka jubbada hoose ilaa iyo Zanzibar, waxaana dhirtaas ka mid ah geedka loo yaqaano Mangrove oo ah geed ka baxa dhulka biyuhu fadhiyaan, waana dhir uu deegaankaas caan ku yahay oo ilaa lix nooc oo kala geddisan laga helo” ayuu sii raaciyey Cismaan Geed dow Caamir.

    Wuxuu sheegay in afar meelood oo meel dhirta hadda yaqaanno ay Soomaaliya u gooni tahay ”waxaan gacanta ku hayna 3,165 nooc oo geedo ah, 927 ka mid ah waxay khaas u yihiin Soomaaliya, meel kalena lagama helo” ayuu sii raaciyey, wuxuuna intaa raaciyey in dhulka uu ka hadlayo uu yahay Soomaaliya iyo Somaliland.

    Dacar
    Qoraalka sawirka,Dacar

    Waxtarka dhirta Soomaalida

    Wuxuu ka hadlay in dhirta inteeda badan ay manaafacaad u leedahay aadanaha iyo deegaanka.

    ”Siyaabo kala duwan ayaa dhirtaas loo isticmaalaa, waxaana ka mid ah daaq, dawo, cunto, guryo dhisasho iyo seereyn ama ood, laakin nasiib darro dhirta waa la xaalufiyaa, waxaana ugu wacan Soomaalida oo u badan xoolo dhaqato guurguurta”.

    Wuxuu sheegay in sibirka oo dacarta laga sameeyo uu waxtar caafimaad leeyahay. Waxaa kaloo jira dhir kale oo uu sheegay in faa’iido leeyihiin, mustaqbalkana haddii cilmi baarid sax ah lagu sameeyo noqon kara kuwo dawooyin laga sameeyo.

    Dhir geed geed gaab ah

    Caqabadaha dhirta haysta

    ”Reerka markuu guuro wuxuu rabaa inuu odd u helo meesha uu degayo iyo xerada xoolaha, qaarna dhuxul ayaa laga dhigaa oo waaba laga ganacsadaa, taasna waxay baabi’isay geedihii waaweynaa ee dalka lagu yaqaannay, waxaana intaa dheer isbeddelka cimilada” ayuu sheegay Cismaan Geeddow.

    Cismaan Geeddow wuxu kaloo soo qaaday arrinta daaqa xoolaha isagoo sheegay in dalka Soomaaliya laga helayo malaayiin neef oo ah xoolaha la dhaqdo, kuwaasoo ku nool daaqa.

    ”Soomaaliya waxay leedahay ugu badnaan ilaa 63 Malyan oo neef oo ah xoolaha la dhaqdo, kuwaasoo u baahan maalin kasta wax ay cunaan, waxaana halkaas ka dhalanaya cadaadis soo food saaraya dhirta”.

    ”Ma jiro qorshe loo dajiyey halkii la daaqi lahaa iyo halkii la degi lahaa, dadkuna waa reer guuraa hadba aada meesha u roob ka da’o, sidaa ayeyna dhirtu ku baaba’aysaa” ayuu yiri isagoo tusaale u soo qaatay xoolaha dhirta sare daaqa sida Geela iyo ariga oo uu sheegay in ay yihiin tirada ugu badan ee xoolaha Soomaalida, sidaana ay geedaha halis ugu jiraan haddii aan la helin qaab loo maareeyo daaqa.

    Geedka Garan-waaga (Cali Garoobka)

    Garanwaa

    Cismaan Geeddow Caamir wuxu ka sheekeeyey dhibaatada uu geedka Garan-waaga ama Cali Garoobka la yiraahdo ku hayo dhirta kale iyo deegaanka, iyo waxa uu uga duwan yahay dhirta kale.

    ”Waa geed dalal kale nooga yimid, mana jiro wax cadaadis ku haya, taasi macnaheeda waa in geed kasta uu leeyahay wax cadaadis ku haya taarankiisa sida cayayaan mirihiisa burburiya, ama xayawaan cuna ubaxiisa, geedkanna wax cadaadinaya ma leh”

    Wuxuuna sheegay in markiisii hore loo keenay in loo isticmaalo bacaad-celinta iyo yaeraynta xaalufinta. ”Qaxootigii ka dhashay dagaalkii Somalia iyo Itoobiya ee dalka ku soo jabay 1978 waxay keeneen in dhir badan ay xaabo ahaan u shitaan, geedkan waxaa looga dan lahaa in uu buuxiyo booskii ay ka baxeen dhirta, waxaana dalka soo galiyey hay’adihii gargaarka ee waagaas”.

    ”Waa geed aad u fidaya, wuxuuna sun ku sii daayaa geedaha hareerihiisa ka baxa, ka dibna kaligiis ayaa meesha ka baxaya

    Dawladda Soomaaliya ayuu ka codsaday in maareyn loo sameeyo daaqa, iyo qorshe looga hortagayo xaalufinta.

    Wuxuu ku taliyey in la isticmaalo hanaan ay dhirtu si iskeed ah dib isugu soo celin karto oo la xiriira qaabka dabiiciga ah ee ay u nooshahay, ”taasna waxay ku xiran tahay in la sameeyo hanaan deegaanka uu si iskiis ah isugu dayac tiro, waxaana yaraanaysa Kharashka loo baahan yahay in lagu hagaajiyo, dhowr sano ka badanna ma qaadanayso hawshaas” ayuu yiri Cismaan Geeddow, wuxuuna dadka ka dalbaday in deegaanka iyo dhulka ”cadaadiska saaraan laga khafiifiyo si uu dib ugu soo kabto.

    Inkastoo Geeddow uusan carrabka aad ugu adkayn, haddana dhibaatada ugu weyn ee dhirta Soomaaliyeed haysata ayaa in labadan waxaa lagu tilmaamay inay la xiriirto dhusha sharci darrada ah oo loo aanaynayo in ay mas’uul ka tahay malaayiin geed oo sannad kasta la jaro.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.