Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

    May 13, 2025

    DEG DEG Odayaal kasoo horjeestay in Maamul Cusub loo sameeyo Jubbaland oo Xabsiga la dhigay

    May 13, 2025

    Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagaga dhawaaqayo.

    May 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Odayaal kasoo horjeestay in Maamul Cusub loo sameeyo Jubbaland oo Xabsiga la dhigay

      May 13, 2025

      Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagaga dhawaaqayo.

      May 13, 2025

      Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa markale weerar afka ah kuqaaday madaxweynaha Jubbaland

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Odayaal kasoo horjeestay in Maamul Cusub loo sameeyo Jubbaland oo Xabsiga la dhigay

      May 13, 2025

      Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagaga dhawaaqayo.

      May 13, 2025

      TACSI Waxaa hadda iso gaartay Geerida Allah ha u naxariste Adeer Abdikadir Aadam Geddi. (cantoob)

      May 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Deni yuu doorashada ku dhammaan doonaa? Labada musharax ee uu kaga bad-baadi karo aargudasho

    Deni yuu doorashada ku dhammaan doonaa? Labada musharax ee uu kaga bad-baadi karo aargudasho

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 7, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo saacadihii u dambeeyay wajahaya culeysyo siyaasadeed iyo luminta qaar kamid ah xulafadiisa ayaa wararka ay heshay Caasimadda Online waxay tibaaxayaan inuu ka fikirayo qorshihiisa labaad haddii uu wareegga koowaad ku guuleysan waayo.

    Baaritaan dheer oo aanu ka sameynay hardanka saacadaha u dambeeya ayaanu ku ogaannay in Siciid Deni uu aad uga fogaanayo inay jagada kala wareegaan shuraakadii shalay ee Aaranjaan iyo Kooxda Mideeye ee ay bahwadaagta ku yihiin Asad Cismaan Diyaano iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse.

    Labadan kooxood ayuu Deni urkaa inay dadajin karto inuu lumiyo xukunka iyo saameynta dhaqaale ee ay qoyskiisa iyo xigtadiisu ku leeyihiin gudaha Puntland, waxayna noo sheegeen rag sarsare oo katirsan kooxda Ololaha dib u doorashiida in ay ka shaqeynayaan sidii ay rarka ugu wareejin lahaayeen musharax aan aarsi siyaasadeed iyo mid dhaqaale aan u gaysan, dhaawicinna mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo odaynimo ee Puntland.

    1. Dr. Guuleed Saalax Barre

    Caasimadda Online waxay ogaatay in Dr. Guuleed Saalax oo ay haatan ololihiisu riixayaan labeenta bulshada Puntland, dadaal wayna ka waday usbuucyadii lasoo dhaafay magaalada Garowe inuu haysto fursad aad u sarreysa maadaama uu saaxiib dhaw la yahay dhammaan isbahaysiga musharixiinta mucaaradka ah oo usoo gurman kara haddii uu ka gudbo wareegga koowaad.

    Sidoo kale, Saciid Deni ayaa u arka Guuleed qof uu isaga difaaci karo dagaalka kaga soo wajahan kooxda Aaraanjaan oo iyaga laftoodu ka fikiraya ciddii ay dhisi lahaayeen wareegga labaad haddii uu musharaxooda Xasan Shire Abgaal socon waayo.

    Wararku waxa intaa ku darayaan in fursadaha Axmed Ciise Cawad oo uu taageerayo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ay sii yaraanayaan sababo la xiriira dhaqalaaha. Hase yeeshee, waxaa hubaal ah in Cawad uu haysto taageerada Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo 3 xildhibaan oo laga soo magacaabay Nugaal oo ay jifo hoose isla yihiin.

    Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse iyo xulafadiisa Xisbiga Mideeye ee uu hoggaaminayo Asad Cismaan Diyaano ayaa iyaguna maleegaya olole xilka lagu dhaafinayo Saciid Deni.

    Balse culeyska kooxdan haysta ayaa ah in uu diiday Asad Diyaano inuu tartanka ka haro taasoo xoojin lahayn Musharax Huruuse. Wada galista tartanka ayaa cows geeriyaad u ah in midkooda u gudbo wareegga koowaad.

    Cillada kale ee haysta Abshir Huruuse waa inuu wali gacansaar la leeyahay mid kamid ah  labada masuul ee ugu sarreysa dalka iyo Taliyaha NISA oo dhaqaale iyo culeys siyaasadeed ku bixinaya inuu Huruuse yimaado Villa Puntland.

    Isku soow wada duub oo, Musharax Guuleed Saalax Barre oo oo ah siyaasi daljoog ah, muddo 20 sano ka badanna ka shaqeeyay Puntland, lana rumaysan yahay in uu Puntland gaarsiin karo doorashada dimuqraadiga ah ee la qorsheeyey.

    Waxaa kale oo jira inuu garab istaag ka haysto kooxaha bulshada rayidka ah oo ay hormuud u yihiin Hay’adda PUNSA ( Puntland Non State Actors) oo geed fadhi u ah arrimaha bulshada rayidka ah.

    Waxyaabaha kale ee sii xoojiyay ololaha gulufkii ugu dambeeyay ah ee Musharax Guuleed waxaa dad badan oo aanu la hadalnay noo sheegeen inay tahay taageerada xooggan ee uu ka helayo kooxda Nabad iyo Nolol oo taageero ballaaran ka haysta bulshada Puntland, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka iyo Isimada, bahda waxbarashada iyo dhallinyarada.

    2. Aadan Sheekhdoon Cali

    Musharaxa Aadan Sheekhdoon Cali oo ah kuwa ugu culus ayaa isagana loo arkaa Musharax aan dhib wayn u gaysan doonin Saciid Cabdullaahi Deni.

    Sheekhdoon wuxuu kamid yahay Urur Diimeekada Al Ictisaam, wuxuuna soo maamulay Shirkadda Golis ee ugu wayn Isgaarsiinta iyo Jaamacadda ugu faca wayn ee  Bariga Afrika.

    Laakiin Musharax Sheekhdoon maleh saldhig siyaasadeed oo Nugaal ah, waxaana saameynta xildhibaannada ka qaatay Danjire Axmed Ciise Cawad, halkan dareenka bulshada iyo siyaasiyiinta geedfadhiga ah uu kala wareegay Guuleed Saalax. Laakiin, marnaba lama dhayalsan karo saameynta kooxda Ictisaam ay ku leeyihiin Puntland, gaar ahaan ganacsiga iyo waxbarashada.

    Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Dr. Guuleed Saalax, Dr. Aadan Sheekhdoon iyo Xasan Shire Abgaal ayaa haatan u muuqda inay safka hore kaga jiraan. Waxaase saadaasha dhabta ah soo bixi kartaa saacadaha soo socdo keddib markii la ogaado awooddo dhaqaale musharax kasta oo kala reeb u noqon karto loolankooda.

    radio halgan kala soco waxyaabaha kusoo kordha gad-gadoonka ololaha doorashada Puntland iyo isu guur-guurka musharixiinta.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dabley hubeysan oo laba ruux ku dilay magaalada matabaan duleedka

    May 6, 2025

    Wararkii u dambeeyay dagaal ka dhacay Aboorey iyo dhaqdhaaqyo ka socda deegaankaas

    April 23, 2025

    Dhageyso:-Dhagaweyne oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa beeniyay warar shaqsiyaad u adeega Argagixisada baraha bulshada ku baahiyeen

    February 26, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

    May 13, 2025

    DEG DEG Odayaal kasoo horjeestay in Maamul Cusub loo sameeyo Jubbaland oo Xabsiga la dhigay

    May 13, 2025

    Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho lagaga dhawaaqayo.

    May 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.