Lataliyihii Madaxweyne JFS, Xildhibaan hore Cabdulqaadir Sheekh Xanafi, ayaa ka hadlay
“NIN AAN SHALAY WAX XASUUSAN, MAANTA HADALKIISU MARKHAATI MA NOQDO.”
Haddii maanta Dabageed uu leeyahay: “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xawaadle ka hor istaagay kursiga Hirshabeelle,” waxaa habboon in ka hor inta aan maanta la hadlin, dib loo milicsado mowqifyadii iyo go’aamadii shalay.
Siyaasi Abdulkadir Hanafi ayaa yiri Xilligii Madaxweyne Farmaajo, Hirshabeelle waxaa ka jiray dood iyo khilaaf ku saabsan dhismaha maamulka iyo cidda xaqa u lahayd hoggaanka.
Haddaba su’aashu waxay tahay: xaggee ayuu Dabageed ka taagnaa arrintaas xilligaas, gaar ahaan markii uu qabtay xilka Madaxweyne-ku-xigeenka Hirshabeelle, iyadoo Xawaadle ay ku doodayeen xaqooda hoggaanka ugu sarreeya?
Haddii maanta la leeyahay, “Xasan Sheekh ayaa naga diiday kursiga Hirshabeelle,” waxaa mudan in la isweydiiyo:
Maxaa shalay dhacay?
Maxaase maanta is beddelay?
Siyaasadda laguma qiimeeyo hadal ku dhashay dan siyaasadeed oo maanta taagan. Waxaa lagu qiimeeyaa mowqif joogto ah, taariikh la xasuusto iyo masuuliyad siyaasadeed.
Qofkii shalay mowqif lahaa, maanta waa in mowqifkiisa lagu cabbiraa wixii uu shalay sameeyay. Taariikhdu hadalka kama aamusto, waana markhaatiga ugu weyn ee siyaasiga.
Sidaas darteed, dood siyaasadeed waxaa lagu dhisaa xigmad, asluub, xaqiiqo iyo miisaan, ee laguma dhiso hadal kulul ama dano soo baxay maanta.
إِنْ أُرِيدُ إِلَّا الْإِصْلَاحَ مَا اسْتَطَعْتُ ۚ وَمَا تَوْفِيقِي إِلَّا بِاللَّهِ ۚ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَإِلَيْهِ أُنِيب
W/Q Abdulqadir sheikh Xanafi
#RadioHalgan #Somalia #WararkaSoomaaliya

