Close Menu
    What's Hot

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

    February 24, 2026

    Puntland, ayaa cambaaraysay xarig sharci darro ah oo Muqdisho loogu geystey Suxufi halkaas ka hawlgala.

    February 24, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Puntland, ayaa cambaaraysay xarig sharci darro ah oo Muqdisho loogu geystey Suxufi halkaas ka hawlgala.

      February 24, 2026

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Puntland, ayaa cambaaraysay xarig sharci darro ah oo Muqdisho loogu geystey Suxufi halkaas ka hawlgala.

      February 24, 2026

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Daawo-Wasiirkii difaaca Somaliland oo isku casilay heshiiskii badda, shaaciyey sir culus

    Daawo-Wasiirkii difaaca Somaliland oo isku casilay heshiiskii badda, shaaciyey sir culus

    By radiohalgan.comJanuary 7, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Cabdiqani Maxamuud Caateeye, oo ahaa wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland, ayaa iska casilay xilka xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ee wakhtigeedu dhamaady, sida uu goordhaw baahiyey Talefeshinka Horyaal ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

    Wasiir Caateeye ayaa is casilaadiisa u sababeeyey in uu kasoo horjeedo heshiiska Soomaalidu ka carootay ee Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya, kaas oo  1-dii bishaan magaalada Addis Ababa ku dhex maray Biixi iyo Abiy.

    Wasiir Cabdiqani Caateeye ayaa ka soo jeeda beesha Ciise ee degta Saylac, wuxuuna sheegay in umadda Soomaaliyeed ee diiday damaca Muuse Biixi iyo Itoobiya uu ku qalbi yahay, isagoo wacad ku maray in marnaba aysan Xabashi iman doonin dhulka Soomaaliya.

    “Waxaa isku casilay, sidaa ogtihiin madaxweynaheenu wuxuu heshiis la soo galay Itoobiya, wuxuu wareejiyey 20 KM oo ka mid ah badeena, arrinkaas si weyn ayaan uga soo horjeeda dhulka Soomaaliyeedna uma ogolaa karo Xabashi,” ayuu yiri wasiirka iska casilay xukuumadda Muuse Biixi.

    Cabdiqani Caateeye wuxuu xusay in Itoobiya uu ku maqan yahay dhul hore oo Soomaalida ay ka dhacday, hadana uu ku jiro damac kale oo dhul Soomaaliyeed ay ku dhacayaan.

    “Hadaan Soomaali nahay dhul hore ayaa nooga maqnaa Xabashida, cadowga koowaad ee umaddaan Soomaaliyeed waa Itoobiyaan, ninkii qeyb ka mid ah dhulkeena heystay in maanta uu badeena soo haweysto anigoo xukun joogana yeeli maayo, hadaan dibadda ka joogo xukuumadana waxaan yeeli doonaa wixii rag la gudboon, insha allah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Caateeye.

    Wuxuu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu kala dooday arrintaan, isla markaana ay isku fahmi waayeen oo ku soo kala tageen maanta, wuxuu intaas ku sii daray, in Muuse Biixi uu qabyaaladeeyey arrinta.

    “Madaxweynaha markii aan doodnay waa qabyaaladeeyey arrinta. Wuxuu yiri Saylac iyo Lughaya ayey degtaa beeshaada Ciisaha, laakiin soohdintaan soke ee beeluhu deriska ka yihiin ayaan Itoobiya ka siineynaa dhulka, aniguna waxaan ku iri dhamaan dhulka Soomaaliyeed waa isugu key mid in Xabashi la siinaya ma ogolaan karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirkii Difaaca Somaliland oo is casilay caawa.

    Banaanbaxyo ka dhan ah damaca Itoobiya iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo Boorama ay ugu horeyso, iyada oo shacabku ku qeylonayeen “Baddeenu iib ma aha.”

    Sida oo kale Mid kamid ah Banaan-baxayaasha magaaladda Boorame cod dheer ku yiri” Soomaaliya waa 18 Gobol, waxaan ka mideysanahay nin Addis Ababa tagay inuusan baddeenna iibin”.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Yusuf Garay ayaa Yiri Farriimaha Saddexda ah ee Galdogob

    February 9, 2026

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

    February 24, 2026

    Puntland, ayaa cambaaraysay xarig sharci darro ah oo Muqdisho loogu geystey Suxufi halkaas ka hawlgala.

    February 24, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.