Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Muwaadin Maxamed Mahdi Muuse “Kuusoow” oo kasoo muuqday baraha bulshada ku xiriirto isagoo fariin codsi ah u diraya Madaxweynaha.
Madaxweynaha oo ka jawaabayay codsiga muwaadinkaan ayaa ku wareejiyay mootadii uu codsaday si uu ugu maareeyo nolosha qoyskiisa.