Close Menu
    What's Hot

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mucaaradka oo la filayo inay cadeeyaan mowqifkooda kadib casuumada MW Xasan Sheekh

      May 3, 2026

      Warar ku saabsan kala shaki ka dhex jira Xisbiga Haybad-Qaran

      May 1, 2026

      Musharaxad Golaha Deegaanka Dr. Nasro Maxamed Cilmi Codkaaga waa isbeddelka Beledweyne—u Codeey

      April 28, 2026

      Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

      April 11, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Boqorka Baxrayn: Jinsiyadda waa laga qaadi doonaa qof kasta oo khiyaano qaran lagu helo

      May 1, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

      May 12, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Daawo: Booliska oo aqoonsaday raggii xalay afduubtay ee dilay Abuukar, kana warbixiyey kiisas kale

    Daawo: Booliska oo aqoonsaday raggii xalay afduubtay ee dilay Abuukar, kana warbixiyey kiisas kale

    By radiohalgan.comFebruary 22, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Booliska Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dhacdooyin dilal iyo dhaawacyo isugu jira oo saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana shir jaraa’id qabtay afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali (Doodishe).

    Afhayeenka ayaa warbixintiisa ku bilaabay waxa laga ogyahay dilka ganacsade Abuukar Axmed oo rag hubeysan ay xalay ku soo afduubteen gaarigiisa xili uu ku sugnaa degmada Heliwaa, waxayna ku dileen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

    “Waxaa la garanayaa raggii dilay Abuukar, baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday, laguna soo helay meydkiisa, waxaana ragii dilay ku raadjooga hey’adaha amniga, markii soo qabashadooda lagu guuleystana waxaa la hor keeni doonaa cadaaladda,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

    Sidoo kale Afhayeenka ayaa ka warbixiyey kiiska Xildhibaan hore Axmed Aadan oo ka soo jeeday gobollada waqooyi, kaas oo xalay ku geeriyooday hotel ku yaalla degmada Xamarweyne, isagoo sheegay in la soo qabtay qof lala xiriirinayo geeridiisa.

    “Waxaa na soo gaartay xogta in xildhibaan hore uu ku dhex suuxay hotel uu ka deganaa Xamarweyne, waxaa ku baxay ciidamada amniga oo u tegay isagoo suuxay, waxaa la geeyey isbitaalka Martiini,halkas ayuuna ku geeriyooday, waxaa la hayaa eedeysane ay baaritaano ku socdaan si loo ogaado waxa sababay geerida marxuumkaas,” ayuu yiri Doodishe.

    20 kiis oo shilal ah ayuu sheegay afhayeen in Muqdisho iyo gobollada dalka ay ka dhaceen toddobaadkaan, dhimashada labo qof kaliya ayuu sheegay inay sababeen shilalkaas, halka ay sababeen 9 kiis oo dhaawacyo culus ah iyo 12 kiis oo dhaawacyo fudud ah.

    Ilaa afar dambiile oo maxkamaduhu xukumeen ayuu sheegay in toddobaadkaan loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Xamar, halka la sii daayey 24 qof oo dembiyo lagu waayey.

    “18-kii Febraayo deegaanka Jaaw oo ka tirsan gobolka Galgaduud wuxuu eedeysane lagu magacaabo Gacal Makraan wuxuu rasaas ku dilay Cadar Isaaq Odawaa oo ku dhalatay Guriceel, wuxuuna ninkaas oo ka soo jeeday degmada Maxaas isku dhuftay xabad markii uu dilay gabadha, eedeysanaha isagoo dhaawac ah ayaa lagu dabiibayaa Muqdisho, waxaana kiiskiisa gacanta ku haya booliska Galmudug,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

    Hoos ka daawo

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.