Close Menu
    What's Hot

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mucaaradka oo la filayo inay cadeeyaan mowqifkooda kadib casuumada MW Xasan Sheekh

      May 3, 2026

      Warar ku saabsan kala shaki ka dhex jira Xisbiga Haybad-Qaran

      May 1, 2026

      Musharaxad Golaha Deegaanka Dr. Nasro Maxamed Cilmi Codkaaga waa isbeddelka Beledweyne—u Codeey

      April 28, 2026

      Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

      April 11, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Boqorka Baxrayn: Jinsiyadda waa laga qaadi doonaa qof kasta oo khiyaano qaran lagu helo

      May 1, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

      May 12, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Daawo: Arrin fool-xun oo ka dhacday kulanka BF ee maanta

    Daawo: Arrin fool-xun oo ka dhacday kulanka BF ee maanta

    By radiohalgan.comJanuary 20, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan kamid ah fadhiyadooda caadiga ah maanta ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, kaas looga doodayay hindise sharciyeedka beeraha oo la horgeeyay golaha.

    Inta aysan bilaaban doodda ayaa waxaa kulanka ka dhacday arrin fool-xun, kadib markii mid kamid ah gabdhaha xildhibaanada ah oo careysan ay biyo ku rusheysay Hab Dhowraha Baarlamaanka xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux), taas oo keentay buuq xoogan.

    Muuqaal ay duubtay warbaahinta ayaa waxaa laga arkayay gabadha xildhibaannada ah oo qaylineyso, isla markaana la cel-celinayo, kadib markii ay firdhisay biyaha oo xittaa gaaray miiska iyo kuraasta ay fadhiyaan xubnaha guddoonka sare ee Golah Shacabka Soomaaliya.

    Habdhowraha Golaha Shacabka oo si adag uga hadlay weerarka lagu qaaday ayaa sheegay inay foolxumo tahay in xildhibaannada qaar ay garan waayaan mas’uulitadda saaran.

    “Hadda xildhibaan baa noo yimid aanan garaneyn waxa uu ka hadlaayo oo aad u fool-xun waxa uu ku dhaqmayo” ayuu yiri Xildhibaan Nuux.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda uu ka dhammaaday dul-qaadkii marka la fiiriyo sida ay u dhaqmayaan xildhibaannada golaha, balse ay qaadi doonaan tallaabooyin adag.

    Waxaa moodaa saluuga iyo dhaqanka xildhibaanimadu inay ku saleysan tahay xeer hoosaadka golaha waxaad moodaa samirka iyo dulqaadka iyo qaabka aan u dhaqmeyno inay wax xoogaa xadkii aan ugu talagalnay ka baxday” ayuu sii raaciyay Hab Dhowraha.

    Waxaa kale oo uu yiri “Waxaad ogaataan xildhibaanno haddii aynaan dabaqin xeerarka inoo yaalla inuu goluhu  u ekaanayo meel fadhi ku diriid ah ama meel aan ku habooneen”

    Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay iskula laaban doonaan xeer hoosaadka iyo nidaamka u yaalla Baarlamaanka, haddii aynaan wax laga bedalin hab dhaqanada xun.

    “Haddii qofka mas’uulka ah uu garan waayo meesha uu taagan yahay waxaan baraya qaab dhaqanka xeer aan ku dhaqmeyno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Habdhowruhu.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.