Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo maanta ka qayb-galay dibadbaxii ka dhacay Muqdisho ayaa si adag uga hadlay heshiiska badda ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
Abshir Bukhaari ayaa weerar culus ku qaaday Itoobiya oo soo damaacisay badda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay waligeyd ahayd cadowga Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan u saartagelaynin damaceeda ku aadan la wareegitaanta qayb kamid ah badda Soomaaliyeed.
βSoomaalidu waa inay ogaataa Itoobiya waa cadow gun ah, Itoobiya waa walaalaheenΒ been waayay waxay dhiseysaa guri aan dhismeyninβ ayuu yiri Abshir Bukhaari.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan difaaca qaranimadooda.
βLaga bilaabo maanta waxaa nahay askarta kaydka ah, waa inaan u diyaar garownaa difaaca dhulkeenna iyo baddeennaβ ayuu mar kale yiri wasiiru dowluhu.
Dhinaca kale dadkii ka qayb-galay dibad-baxa maanta oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca Muqdisho ayaa si toos ah farriin ugu diray raβiisul wasaaraha dalka Itoobiya.
Qof walba oo maanta halkan taagan waxay u joogtaa inay kuugu imaato Itoobiya, ma kuugu sugeyno Salac, Soomaaliya hanoolaatoβ ayay iyaduna tiri Haboon oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta ka qayb-galay dibadbaxa ka dhacay Muqdisho.
Waa dibad-bixii labaadΒ oo ka dhaca Muqdisho, loogana soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku aadan badda Saylac ee ay u saxiixday Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed, kaas oo Itoobiya loogu saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.

