Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi, waxayna is arkeen dhiggiisa Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah. Qoor Qoor ayaa casuumaad uu ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed ku tegay halkaasi, waxaana shalay si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud oo ku yaalla magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. “Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, kaddib casuumaad oo ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed” ayaa lagu yiri…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada. Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Read More

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO U KUUR-GALAY QASAARAHA KA DHASHAY DABKII KA KACAY SUUQA MAGAALADA JOWHAR. Musiibada dabka ayaa dhalisay qasaaro hantiyadeed oo soo gaaray ganacsatada suuqa magaalada Jowhar waxana uu u rajeeyay beddel wanaagsan iyadoo uu tilmaamay in wadajir gacan looga geysan doono sidii ay ganacsatada uga soo kaban laheyd. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faray Hay’addaha ammaanka baaris deg deg ah oo la xiriirta sida uu ku yimid dabka. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kaga tacsiyeeyay ganacsatada musiibadii ku dhacday Waxaan uu ugu baqaay Maamulka Degmada Jowhar iyo Guddiga Ganacsatada Suuqa Magaalada Jowhar in laga wada arinsado sidii xal loogu heli…

Read More

Laba Qarax Ayaa Ka Dhacay Degmada Jalaqsi ee Gobalka Hiiraan gaar ahaan dhanka galbeed ee dagmada jalalaqsi Qaraxyada ayaa aha kuwa miinada dhulka lagu aaso ah waxaa jiro Qasaaro dhimaasho iyo dhawac ah inta la xaqiijiye 3 roux ayaa Ku dhimatay 3 kale WA Ku dhaawacmeen Waxii  waraar ah oo kusoo korodho kale Soco ish warar  Radiohalgan.com

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kicitimay Turkiga si ay uga qeyb galaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya Wafdiga Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo ah Sabti u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara. Wafdigan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaa wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga. Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024, kaasoo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa. Kulamadan ayaa looga…

Read More

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay gudaha magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. Maslax Macalin Cali, xogaha degmada Xarardheere oo la hadlay warbaahinta Mustaqbal ayaa xaqiijiyay dagaalka maanta ka dhacay gudaha magaaladaasi in uu ka dhashay khasaare kale duwan. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa ilaalo qaran iyo ciidamo deegaanka ah oo ku wada sugan magaalada. Xoghaye Maslax ayaa sheegay in dagaalka uu ku geeriyooday hal ruux oo shacab ah, halka uu ku dhaawacmay askari kamid ah kuwii dagaalamay. Sidoo kale, xoghayaha ayaa sheegay in la xiray dhammaan askartii…

Read More

Dowladda Brazil ayaa sheegtay in ay baareyso shilka Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo ay la socdeen in ka badan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in Jimcihi shalay ay ku burburtay magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil. Shilkaan ayaa waxaa ku geeriyooday 61 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda iyo shirkadda diyaaradda leh. Diyaaradda Voepass ee maxalli ah, ATR 72-matoorka mataanaha ah ee turboprop, ayaa ku wajahneyd garoonka caalamiga ah ee Sao Paulo oo ay la socdaan 58 rakaab ah iyo afar shaqaale ah markii ay dhacday Jimcihii. Waxaa goobta gaaray saraakiisha baarista, kuwaas oo ogaanayo sababta keentay shilkaan diyaaradda.…

Read More

Dab geystay inta la xaqiijiyay Khasaara maaliyadeed ayaa ka kacay Suuqa Degmada Jowhar Xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxaa socda dedaal lagu daminayo Dabkaas si uusan ugu gudbin goobaha kale ee ku dhow Dhismaha gubanaya. Si dhab ah looma ogaan waxa uu ka dhashay Dabkaan, keliya waxaa hadda socda dedaalka lagu daminayo si looga hortago khasaare ka badan kan uu hadda sababay sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo Jowhar ku sugan. Dad u badan Ganacsatada Suuqa iyo kuwa degen agagaarka Suuqaas ayaa sameeyay isku day xooggan oo ay ku daminayaan Dabkaan, waxa ay adeegsanayaan Biyo iyo Carro si ay…

Read More