Author: radiohalgan.com

Markab wada Shixnad hub ah oo ay leedahay dawladda Soomaaliya oo taagnaa biyaha Muqdisho ayaa hadda dajintiisa laga bilaabay dekeda, iyadoo loo daabulayo keydad hubeed oo ay dawladda faderaalka leedahay. Hubkan ayaa qeyb ka noqonayo shixnado hub ah oo ay heshay dawladda Faderaalka, kaasoo ay bixiyeen dalalka Soomaaliya ka taageera dhinaca amniga Hubkan ayaa iskugu jira hub laga soo iibiyey Masar iyo qeyb ay deeq ahaan u bixisay, iyadoo hubab hore oo la keenay aan wali tixraac loo heynin sida loo isticmaalay. Waxaa la joojiyey dhamaan howlihii dejinta iyo dhoofinta ee ka socday dekeda Muqdisho, iyadoo la fasaxay shaqaalaha rayidka…

Read More

Hogaamiyayaasha Kongareeska Mareykanka ee ka kala socda labada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa Axaddii shalay ku heshiiyay, miisaaniyad saddex bilood ah oo maalgelin doonto socod-siinta howlaha hey’adaha dowladda federaalka Mareykanka. Hindise sharciyeedka kharashaadka muddada gaaban ee Coogareeska ayaa meesha ka saaraya, in qeyb ahaan ay istaagto shaqada Dowladda Federaalka Mareykanka marka la gaaro billowga miizaaniyad sannadeedka Mareykanka oo sanad walba billowdo 1-da bisha October. Go’aanka kama danbeysta ah ee dhameystirka miisaaniyadda cusub ee Mareykanka ayuu Koongareeska u riixay marka laga gudbo doorashada madaxtinimada oo dhaceysa 5-ta bisha November. Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Mike Johnson ayaa dhambaal uu u diray mudanayaasha…

Read More

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo kala jeeda beelaha Abakar iyo Waceysle oo ka kala tirsan Abgaal iyo Murusade , ay heshiis ka gaareen rag ay labada dhinac kala afduubteen iyo xiisad xooggan oo taagneed. Dhinacyada kulmay ayaana wararku seegayaan in ay ku heshiiyee in xiisada u dhaxeysa labada beel ee wada degta bariga gobolka Galgaduud la qaboojiyo, waxa ay sidoo kal kawada hadleen sidii loo sii deyn lahaa ragga labada dhinac u kala xiran. Mid kamid ah odayaasha kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in heshiis KMG ah labada dhinac ee dariska ah ka gaareen…

Read More

Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Uganda, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, oo sidoo kale ah wiilka madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa shaaciyay inuusan u tartami doonin doorashada madaxweynaha ee 2026. “Waxaan rabaa inaan ku dhawaaqo inaanan u tartami doonin hogaaminta doorashada 2026,” ayuu Janaraal Muhoozi ku qoray fariin uu ku baahiyay shabakadda X (hore loogu yiqiin Twitter). “Eebbe weyne wuxuu ii sheegay inaan diiradda saaro arrimaha Ciidamada marka hore. Sidaas darteed, waxaan si buuxda u taageersanahay Madaxweyna Yoweri Museveni doorashada xigta,” ayuu ku daray. Fariin kale oo uu soo dhigay, ayuu ku adkeeyay ballanqaadkiisa inuu u adeegayo Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF). Shaacinta ayaa…

Read More

Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, hubka sharci darrada ayaa Soomaaliya ka soo gala dhowr jiho oo ay ka mid tahay gacanka cadmeed. Marka loo eego natiijooyinka sanadkii 2023-kii Global Organised Crime Index, Soomaaliya waxay martigelisaa mid ka mid ah suuqyada ugu baahsan ee ka ganacsiga hubka ee Afrika. Tirada hubka sharci darrada ah ee dalka ku dhex wareegaysa oo isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa khafiifka ah ayaa ah mid aad u badan oo ay ku lug leeyihiin kooxaha dambiilayaasha ah ee kala duwan. Marka laga soo tago maleeshiyo beeleedyada deegaanka iyo shabakadaha dambiilayaasha caalamiga…

Read More

Booliiska koonfurta Pakistan ayaa toogasho ku dilay dhakhtar lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay nabi Maxamed – nabadgalyo dushiisa ha ahaato – arrintaas oo ay cambaarayeen kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda. Dr Shahnawaz Kanbhar waxaa lagu dilay “si kadis ah” markii ay rasaas isweydaarsadeen askar aan ogeyn inuu isaga yahay, sida uu sheegay taliyaha booliiska deegaanka ee gobolka Sindh Niaz Khoso. Dr Kanbhar ayaa dhuumasho bilaabay Talaadadii ka dib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay nebiga iyo inuu baraha bulshada ku faafiyay waxyaabo aflagaado diineed ah. Waa tuhmanihii labaad ee looga shakisanaa in uu aflagaadeeyay diinta ee Pakistan lagu toogto muddo toddobaad gudihiis…

Read More

Gaari uu lahaa agaasimaha ciidanka PSF General Maxamuud Cismaan ayaa lagu rasaaseeyay gudaha magaalada Boosaaso, sida uu xaqiijiyay agaasimaha. General Maxamuud oo la hadlay telefishanka SBC ayaa sheegay in gaariga la rasaaseeyay uu ahaa Land Cruiser ah ama loo yaqaano Layla Calaawi, xilli uu marayay magaalada. Xilliga la rasaaseeyay gaariga waxaa saarna qoyska agaasimaha, oo uu sheegay in markaas ay kasoo laabteen safar xaggaa bax ah. Agaasimaha PSF ma faah-faahin khasaaraha iyo sida ay dhacdadu u dhacday, wixii kasoo kordha dhacdadana waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah. Dhacdadan ayaa imaneysa xilli ay magaalada Boosaaso ka taagan tahay xiisad…

Read More

Somaliland ayaa weli si weyn ugu dhagan heshiiska Itoobiya ee 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay qalinka ku duugeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Heshiiskan oo Itoobiya looha kireynayo dhul badeed dhan 20 km, ayey Somaliland uga beddelaneysa aqoonsi, xilli ay in ka badan 30 sano ku doodayso inay tahay dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya. Heshiiskan ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah qarannimadeeda, ayaa qaaday olole ay caalamka ku tuseyso gafka ay Itoobiya ku kacday, taas oo keentay in Itoobiya ay ku dhiiran weydo dhaqan-galinta heshiiskan. Haddaba,…

Read More

Dowladda Masar ayaa soo saartay amar ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland, xilli dhawaan ay Somaliland xirtay Maktabaddii Masaarida ee Hargeysa. Masar ayaa waxay ugu baaqday kuwa hadda ku sugan gudaha Somaliland inay uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Safaaraddda Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan la qaaday, iyada oo la eegayo saamaynta nabad-gelyo la’aanta ay ku leedahay ammaankooda, xilli ay xiisadda labada dhinac kasii dartay kadib heshiiskii Muqdisho iyo Qaahira. “Xaaladda ammaan ee hadda jirta ayaa xadideysa awoodda howlihii qunsuliyadeed ee loo fidin lahaa Masaarida ku…

Read More

Balad weyne Malin khamis ah 18-jun-2009. Wixii wax ogaada dila, Intaan wax ogeyna dila, Ogaalka naftiisa dila, Si aan waxba loo ogaan!” #Mustafa_sheekh_Cilmi omar xaashi Aadan:- 1942, ayuu ku dhashay Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan 1947, waxow bartay Barashada Diinta Islaamka ku qaatay isla degmadaasi B/ weyne 1949, wuxuu tacliintii Dugsiga Hoose ee Talyaaniga ku soo qaatay Degmada B/weyne 1960-68-kii, wuxu ku biiray ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ka soo kala shaqeeyey, Degmooyinka: Waajid iyo Xudur, xilligaasoo uu ka mid ahaa ciidamada Daraawiishta, wuxuuna ka qeyb galay dagaalkii 1964-tii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo helay Derejeda Sarkaal Xigeen, isla markaana…

Read More