Author: radiohalgan.com

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta booqday qaar kamid ah xeryaha duleedka Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ay ku leeyihiin ciidamada Xoogga. S/Guuto Odawaa Yuusuf ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS, waxa uu sheegay in ay ku garab taagan yihiin saraakiisha hoggaamineysa sidii loogu dhaqaaqi lahaa howlgalladaas. Taliye Odawaa waxa uu kamid ahaa mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Odayaal dhaqameed ka qaybgalay aas Magaalada Baladweyne loogu sameeyay allaha u naxariistee ciidan katirsan Xoogga Dalka oo Ceel Baraf lagu dilay. Bilihii u dambeeyay waxaa istaagay howlgalladii ka…

Read More

Magaalada Beledweyne waxaa maanta Aas-Qaran loogu sameeyay 6-Askari oo ka tirsanaa CXD oo lagu dilay degmada Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe. Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage Ugaaska beesha Xawaadlle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Imaamka Muddulood Imaam Daahir Wasiirka Wasaaradda Badroolka xukumadda Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Oow-bakar Dhagaweyne Xildhibaanno heer fedaraal ah Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye Maayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa munaasabadda Aas-Qaran ka qeyb-galay. Hoos ka Daawo Muuqaal https://youtu.be/byLe96M1drY?si=hAqKdWaDFpU9jFgM

Read More

Soomaaliya oo dhowaan xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka QM, ayaa fadhiggii ugu horreeyey ee ay ka qeyb-gasho ugu baaqday Israa’iil inay joojiso dagaalka Gaza, ayna ixtiraamto shuruucda bani’aadannimada iyadoo u oggolaanaysa in gargaarka la gaarsiiyo malaayiin rayid ah oo dhibaataysan ka hor cimilada qabowga. Baaqan ayaa waxaa jeediyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan “Baali”, isagoo warbixintii ugu horeysay siiyay Golaha Ammaanka. Abuukar ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Golaha Ammaanka yeeshay oo looga hadlayay Gaza iyo Bariga Dhexe, iyadoo xubnaha Goluhu ay warbixin ku saabsan xaaladda dagaalka Gaza ka heleen Madaxa Xuquuqda Aadanaha…

Read More

maalin kadib waxaa lagu wadaa maanta in Magaalada Baladwayne lagu aaso dhalinyradii ka tirsanaa ciidanka xooga dalka ee sida bahalnimada ah loo dilay deegaanka ceelbaraf. Saraakiil Ugaasyo Imaamyo Odayaal Siyaasiyiin iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa soo gaaray goobta Saaladda Janaasada lagula dukan rabo Meydadka Askartii CXD ka tirsaneed ee lagu dilay degmada Ceel-baraf oo goordhow lagu wado in Aas-Qaran loogu sameeyo magaalada Beledweyne. Maanta ayaa lagu wadaa in baladwayne lagu aaso askartii dhawaan algu dilay deegaanka ceelbaraf ee gobolka shabellada dhaxe. Dhawaan waxaa magaalada baladwayne soo gaaray taliyaha ciidanka xooga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raagge oo ka qaybgalay aaska maanta…

Read More

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykabka Antony Blinken ayaa maanta oo Axad ah ay u billaabmeysaa, booqashadi u danbeysay ee uu dal dibadda ah ku tago, ka hor inta uusan dhammaan muddo xileeda dowladda uu ka tirsanyahay 20-ka bishaan Jannaayo. Blinken ayaa tagi doona dalalka Kuuriyada Koofureed, Japan iyo France. War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arribadda uu madaxda dalalkaasi kula kulmi doono magaalooyinka Seoul, Tokyo iyo Paris laga billaabo maanta oo Axad ah. Kuuriyada Koofureed ayaa waxaa hadda ka jira qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay xal ka qaadisti madaxweynihi hore Yoon Suk Yeol. Halka Japan…

Read More

Wararka ka imaanay deegaanka Ceelbaraf ee gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa waxaa gaaray qeyb kamid saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida; iyaga oo halkaas kula hadlay Ciidamada Xoogga Dalka. Gaashaanle Maxamed Amiin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka kula hadlay degmada Ceelbaraf; isaga oo uga digay in ay milmin daagaallada qabiilka salka ku haya. Dowladda Soomaaliya dagaallaadan qabiilka ee soo noqnoqda waxa uu kaga daran yihiin dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab”. ayuu yiri, Gaashaanle Maxamed Amiin Sidoo kale, waxa uu gaashaanlaha carrab ku adkeeyay in ay soo qabtaan maleeshiyaadkii lixda askari ku dilay degmada Ceelbaraf…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday deegaan hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii halkaasi lagu dilay wiil iyo abtigiis. Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Cadayga oo u dhow Balcad, waxaana ka dambeeyay maleeshiyaad hubeysan oo goobta ka baxsaday. Wiilka iyo abtigiis ayaa ahaa ganacsatoo, si weyn looga yaqaanay deegaanka, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo dilay. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna sheegay in marxuuminta loogu tegay gurigooda, kadibna la dilay. Kooxo hubeysan…

Read More

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan dagaalka ay ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari. Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore madaxda Puntland iyo ciidamada ku boggaadiyay dagaalka ay la galayaan kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dhulka buuraleyda ah. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in maamul goboleedyadala dagaalamaya kooxaha argagixisada ah ay siiso taageero deg-deg ah, si meesha looga saaro. “Dowladda federaalku waa inay u muujisaa taageero siyaasadeed iyo mid amni oo ku wajahan dhammaan Maamul Goboleedyada si meesha looga saaro…

Read More

Haweeney u dhalatay dalka Japan, oo diwaanka Guinness World Records uu u aqoonsaday haweeneyda ugu da’da weyn adduunka, ayaa geeriyootay iyadoo 116 jir ah. Tomiko Itooka ayaa ku geeriyootay guri dadka da’da ah lagu xannaaneeyo oo ku yaalla magaalada Ashiya. Waxay noqotay qofka ugu da’da weyn adduunka kadib markii Maria Branyas Morera oo Spain u dhalatay ay geeriyootay bishii August 2024 iyadoo jirtay 117. Ms Itooka ayaa dhalatay May 1908 – lix sano kahor Dagaalkii Koowaad ee Adduunka iyo isla sanadkii gaariga nooca Ford Model T lagu daah-furay Mareykanka. Bishii September 2024 ayaa la xaqiijiyay inay tahay qofka ugu da’da…

Read More

Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha maamulka Hirshabelle Abdirahaaman Daahir Guure Karoore ayaa waraysi gaar ah uu siiyay ideecda hiiraanwayn ugu hadlay halka ay marayaan dadaalada lagu daminayo xiisadii ka dhalatay askartii lagu laayaay deegaanka ceelbaraf. Wasiirka ayaa sheegay in meel fiican ay marayaan dadaalada ay wadaan maamulka Hirshabelle isagoona sheegay in lagu raad joogo dambiilayashii gaystay falkii ka dhacay ceelbaraf Cadaaladane la horkeni doono. Karoore waxa uu ka dhawaajiyay in Hirshabelle awoodeeda ay isku gaysay daminta falcelin ka dhalata xiisadaasi taasina ay ku guulaysteen. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay ineey Siyaasiyiin udhashay deegaanka ay dhabar jabinayaan dadaalada ay wadaan maamulka hirshabelle,…

Read More