Author: radiohalgan.com

Taliyaha hay’adda sirdoonka dibadda Ingiriiska ee MI6, Richard Moore ayaa shaaca ka qaaday inay dhiseen xiriir qarsoodi ah oo ay la yeelanayaan ururka Hayat Tahrir al-Sham oo hoggaamin jiray Axmed Sharac,Xirirrkan ayuu sheegay inuu jiray ka hor inta aysan ku dhaqaaqin howlgalkii ay kula wareegeen Dimishiq, isagoo tilmaamay xiriirka hore inuu fududeyay soo noqashada deg degga ah ee diblomaasiyadda Ingiriiska iyo Suuriya.Hadalkan wuxuu daahqaaday in sirdoonka galbeedka uu jiray xiriir hore oo ay la lahaayeen Axmed Sharac ka hor inta uusan xilka la wareegin,Tan ayaa muujinaysa sida ururrada ay galbeedka mar u yaqaanaan argagixiso dib ugu dhisaan xiriirkooda si ay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Marwo Ramla Cali oo dalkeenna ku matasha ciyaaraha feerka caalamiga ah. Madaxweynuhu ayaa bogaadiyey doorka iyo dedaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkaystay una dhabar adaygtay mataaladda qarankeeda, waxa uuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay iyo kaalinta ay ku leedahay dhiiri-gelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.

Read More

War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska Saldhigga degmada Hodan ay gacanta ku soo dhigeen afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay falal khatar gelinaya amniga waddooyinka iyo badqabka bulshada. Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabay: 1. C/Risaaq Maxamed Faarax 2. Najiib C/llaahi Mire 3. Feysal Cismaan Maxamed 4. C/maalik Maxamuud Daahir Booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan ay muuqaallo khatar ku ah naftooda iyo tan bulshada ku faafiyeen barta TikTok, iyagoo isku dhigayay gaadiidka waddooyinka maraya, taas oo sababi karta shilal iyo khasaare naf iyo maalba leh. “Eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliska,…

Read More

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada Qadar kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka dalkaasi Mudane Tamim bin Xamad Al Thani. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu kulanku socday waxa uu la wadaagay Amiirka dalka Qadar sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin walaalahooda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in aan marnaba la aqbali karin in lagu xadgubo madaxbannaanida, sharafka iyo amniga Dowladda Qadar. Dhankiisa, Amiir Tamim ayaa uga mahadceliyay Madaxwaynaha  garab-istaagga iyo taageerada walaalnimo ee ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed u muujiyeen Dowladda Qadar, isaga oo sidoo kale ka dhawaajiyay ahmiyadda xiriirka iyo iskaashiga…

Read More

Shir madaxeed degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dowladaha Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu qabtay 15-kii Sebtembar 2025 magaalada Doha ee caasimadda Qatar, kaas oo diiradda lagu saaray weerarkii Israa’iil ku qaaday dalka Qatar. War-murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa si xooggan loogu cambaareeyay falka Israa’iil, iyadoo lagu tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah nabadda iyo amniga caalamka. Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ayaa muujiyay mowqif mideysan oo taageero buuxda u ah dowladda iyo shacabka Qatar, iyagoo ballanqaaday in la difaaco madax-bannaanida iyo amniga dalalka xubnaha ka ah. Shir-madaxeedka ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday baahida loo…

Read More

Israa’iil ayaa kordhisay duqeynta ay ku hayso magaalada Qasa – saacado ka dib markii Ra’iisul Wasaaraheeda, Benjamin Netanyahu, uu kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, magaalada Quddus. Wariyeyaasha maxalliga ah ayaa sheegaya in ay jireen duqeymo joogto ah oo ay Israa’iil geysatay, madaafiic iyo rasaas lagu ridayo magaalada Qasa. Guryo ayaa la sheegay in la burburiyay, dadna ay ku xayiran yihiin burburka hoostiisa. Ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan wararka warbaahintu ay sheegayso ee ah in duullaan dhulka ah oo ballaaran oo muddo dheer la qorsheynayay lagu qaadayo magaalada. Mr. Rubio ayaa la filayaa…

Read More

Maamulka Waqooyi Bari ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kadib markii 13-kii Sebtembar 2025 lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Jinacyo ee degmada Ceelbuh, gobolka Sanaag, taasoo lagu naafeeyay nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibrahim. War-saxaafadeed ay soo saartay dowladdu ayaa lagu sheegay in dilkaasi uu yahay fal foosha xun oo liddi ku ah dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana dhaawac ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda ayaa si adag u cambaareysay diyaaradaha aan la garanayn ee ka hawlgala hawada gobolka Sanaag, kuwaas oo loo arko khatar ku ah shacabka iyo deegaannada gobolka. Sidoo kale,…

Read More

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan MadaxdaTurkiga ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tallaabooyin adag ka qaaddo Israa’iil ,ka dib markii ay duqayn cirka ah ka geysatay magaalada Doha ee dalka Qadar. Ergeyga Turkiga ee Qaramada Midoobay Ahmet Yildiz oo cambaareeyay weerarka foosha xun ee Israel ku qaadday Qadar ayaa falkaasi ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka horimaanaya madax banaanida dhulkeeda iyo amniga qaranka Qadar. Mas’uulikaasi ayaa ku nuuxnuuxsada in weerarka Israa’iil uu yahay mid argagixiso oo la doonayo in khalkhal lagu galiyo xasilloonida iyo ammaanka gobolka Bariga Dhexe,isagoo soo jeediyay in…

Read More

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa salaadda Subax kaddib waxaa ay weerar ku bilowday Qaraxyo ay ku qaadeen Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Goobjoogayaal ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen degmada Ceeldheer, halkaasi saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada xoogga. Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan uu socdo dagaal xooggan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka xoogiisa ayaa xiligan ka socda bannaanka degmada Ceeldheer sida dadka  ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka. Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa maleeshiyaadka Al-shabaab laga saaray saddex sano ka hor december 2023-ka.…

Read More

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay duqayntii cirka ee Talaadadii lagu qaaday caasimadda Qadar ee Doha, inkastoo aanay magacaabin Israa’iil inay ka dambaysay weerarkaas. Dhammaan shan iyo tobanka xubnood, oo u ugu jiro Maraykanka, ayaa isku raacay bayaanka, kaasoo xoojinayay xasilinta xaaladda iyo ixtiraamka madaxbannaanida Qadar. Washington ayaa caadi ahaan ka ilaalisaa Israa’iil tallaabooyinka ka dhanka ah ee Golaha Amniga, laakiin Madaxweyne Trump ayaa markan ka carooday weerarkii Israa’iil ee Talaadadii ka geysteen Doha, kaas oo lagu beegsaday saraakiil sare oo Xamaas ah oo halkaas deggan. Aas qaran ayaa loo sameeyay dadkii ku dhintay weerarka, inkastoo…

Read More