Author: radiohalgan.com

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in caawa lasoo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo loo yaqaano (Faadumo Kaftan). Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay ku eedeysan tahay in ay ku kacday falal anshax-darro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in isna la xiray Catoosh Yare oo caan ka ah baraha bulshada, inkastoo booliska Soomaaliya aysan shaacin xarigiisa. Booliska Soomaaliya ayaa horay u xiray dhalinyaro badan oo ku eedeysan inay baraha bulshada ku soo gudbinayeen muuqaalo anshax darro ah, kuwaas…

Read More

Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Sabtidii laashay dacwado hore iyo xakun 7 sano ah oo horay loogu xakumay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan iyo xaaskiisa, balse saraakiisha ayaa markiiba is hortaagay in Khan xabsiga laga sii daayo. Baab’inta danbiga uu u xirnaa Khan ayaa la xiriiray sharci ahaanshaha guur uu ra’isulwasaarihi hore ee Pakistan uu sannadki 2018-ki guursaday xaaskiisa saddexaad Bushra Bibi, kaas oo marki hore ay dacwad oogayaasha ku sheegeen inuu ahaa mid aanan loo marin sharciga. Kiiskan ayaa u muuqay caqabadi ugu danbeysay ee sii deynta Imran Khan, kaddib ku dhawaad muddo sannad ah oo uu…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray La-taliyihii hore ee amniga madaxweyne hore Farmaajo, kaasi oo soo jeediyay in xukunka dalka loo baneeyo Al-Shabaab haddii aan la iska dhicin karin damaca guracan ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa X (ex-Twitter) ayaa ka jawaabay soo jeedinta Cabdisaciid Muuse Cali, isaggoo nasiib darro ku tilmaamay in hadal noocaan uu kasoo yeero masuul hore. “Waxaan la socdaa hadal uu dhawaan wasiir hore Cabdisaciid ku sheegay waraysi uu siiyey BBC Somali,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi Waxa uu intaas…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo ka dhalatay dil wadareed loo gaystay gabar iyo hooyadeed. Wararka ayaa sheegaya in dilkan uu gaystay askari ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo weerar kusoo qaaday qoyskan oo degan xaafadda Faanoole ee degmada Kaaraan. Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in askariga uu horay u qabi jiray gabadha, balse haatan ay guursatay nin kale, kadibna oo sidaas kusoo weeraray, kuna dilay. Goobjoogayaal ayaa iyaguna u sheegay Caasimada Online in xilliga uu dhacayay falkan ay bannaanka…

Read More

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii dhaawac madaxa ah uu soo gaaray balse xaaladdiisa ay wanagsan tahay, sida uu sheegay ololihiisa doorashada kadib markii rasaas lagu furay isaga oo ka hadlay isu soo bax olole doorasho oo ka dhacay gobolka Pennsylvania. War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto. “Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka…

Read More

Dadka dawarsada ama tuugsado ee ku nool magalada Beledweyne iyo gabi ahaan dhulka soomalia ma ahan kuwa gaajo keentay waa kuwa mashruuc loo keenay waxana keenay dad soomaliyeed ayaga ayaa simi kaar u furay mobile u gaday haddane dhahay soo tuugsada wana mashruuc la rabo in dalka sidaan ku joogan haddane 10 ka sano ee socoto ayago oromo ah ama xabashi ah ayaay degan ahaan xildhibaan yalaan doonan mana didi kartid wayo deganka waa kula joogan cunuga yar ee 8 jirka ah beri 10 sano kadib waa 18 jir ka xoog badan siyaasada beenta ah waxaa ka daran mid deganka…

Read More

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay kulanka baarlamaanka ayaa dood wayn ka keenay canshuuraha iibka (Sales Tax) oo haatan dowladdu ay bilaabeyso qaadisteeda, taas oo noqoneyso 5%, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa ka horyimid arrintan, wuxuuna tilmaamay in dhibaato horleh ay ku tahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama buu yiri canshuur laga qaadayo lacagaha taleefoonada la’isugu diro sida EVC, eDahab ama lacagaha kale ee qaabka Wallet-aka ah. “Waxaan arkaayay Wasiirka Maaliyada oo leh EVC-ga ayaan canshuur ka qaadayaa, hal doolar oo aan qof u diray ayaa canshuur layga waydiinaaa…

Read More

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta qaabilay Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Saciid Deni iyo Jamees Swan ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan siyaasada, amniga, mashaariicda, bini’aadanimada iyo daadejinta adeegyada dowladda. Madaxweyne Saciid Deni oo kulanka ka hadlay ayaa faah-faahiyey qodobada ay ka wada-hadleen isaga iyo wadiga QM, wuxuuna uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Booqashadiisa Magaalada Garoowe iyo taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed. Deni ayaa sidoo kale hoosta…

Read More

Ciidanka Israaiil ayaa si lama filaan ah isaga baxay Xaafado kamid ah Magaalada Gaza kaddib markii iska caabbin culus ay kala kulmeen dhinacyada hubeysan ee dagaalka kala soo horjeeda, Dadka ayaa kusoo baraarugay goobo badan oo Haawanaya. Meelaha ay ka baxeen Ciidanka Israaiil waxaa lagu arkay Dad rayid ah oo ay ku dileen mudaddii ay joogeen kuwaas oo jirkooda isbaddelay waxaana goobahaas ka qaaday Saraakiisha Caafimaadka Magaalada Gaza. Dadka inta badan Maydkooda la helay waxa ay u badnaayeen Dumar iyo Carruur kuwaas oo ku go’doomay Xaafadahooda isla markaana si arxan-darro ah waxaa u dilay Ciidanka ku duulay ee Israaiil sida…

Read More

Isaga oo doonaya in uu dib u soo nooleeyo ololihiisa dib-u-doorashada ee halganka ku jira, ayuu Madaxweyne Joe Biden Jimcihi shalay ku qabtay magaalada Detroit ee gobolka Michigan isu soo bax dadweyne oo naadir ah. Biden ayaa qaar ka mid ah taageerayaashiisa Ditroit oo aad u faraxsanaa u sheegay, in aanu ka bixi doonin tartanka isaga oo uga digay in Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga uu iyaga ku yahay khatar weyn. Biden, oo 81 jir ah, ayaa isku dayaya in uu iska leexiyo diiradda iyo hadal-heynta siiyadda ee maalmihi lasoo dhaafay ay shacabka Mareykanka uga hadlayeen awoodihiisa maskaxeed…

Read More