Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Roob xooggan oo dhaliyay khasaarooyin kala duwan ayaa xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, waxa uuna roobka ahaa mid si xooggan ku socday oo biyo badan dhigay waddooyinka caasimadda. Inta la xaqiijiyay haweeney iyo gabar yar oo ay habayar u tahay ayaa ku geeriyooday roobkii xalay ka da’ay Muqdisho, kaddib markii uu kusoo dumay guri ay qoyskaasi degnaayeen oo kuyaalla degmada Xamar Jajab. Roobkii xalay ka da’ay Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa in ay ka dhashaan Khasaarooyin kale oo badan, waxa ayna biyaha roobka qaadeen gaadiid, mootooyin, halka ay burburiyeen guryo badan oo kuyaalla magaalada. Garoonka diyaaradaha…
: Dawladda Mareykanka, gaar ahaana Wasaaradda arrimaha dibada qeybteeda qaabilsan Afrika ayaa si xoogan u durtay dhammaan go’aanadii Madaxda DF & Dawlad gobaleedyada qaarkood ka soo saareen shirkii Muqdisho. Dawladda Mareykanka ayaa u sheegtay Villa Somalia in loo baahan yahay in go’aanada la xariira arrimaha Faderaalka (Maamulada) & doorashooyinka ay tahay in laga qeybgaliyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah. Si cad ayay Mareykanka u sheegeen in go’aanada aan haysan wadar ogolka iyo wadatashi dhan ay halis ku yihiin daganaanshaha aysana sharciyad dhab ah aheyn. Go’aanadii madasha ayaa lagu sifeeyey in ay halis ku yihiin Amniga & dibu kabashada…
Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah oo Shiinuhu sameeyay, gaar ahaan diyaaradaha dagaalka J-10C iyo gantaallada cirka laga rido ee PL-15E, intii uu socday dagaalka ay la gashay Hindiya. Warbixino ayaa sheegay in diyaaradahan ay soo rideen diyaaradaha Rafale oo Hindiya leedahay. Tijaabo dhab ah: Dagaalkani wuxuu noqday tijaabadii ugu horreysay ee milatari ee weyn oo lagu sameeyo hubka casriga ah ee Shiinaha, taas oo siinaysa Beijing xog muhiim ah oo ku saabsan waxqabadkooda dhabta ah. Fursad istaraatiiji ah: Shiinuhu wuxuu fursad u helay inuu falanqeeyo xeeladaha milatari ee Hindiya, isla markaana uu muujiyo awoodda hubkiisa—arrin sare…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda Janaazadda ku tukaday AUN Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib tacsi gaar ah la wadaagay qoyska iyo qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Ugaasku. “Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaaho Ugaas Faarax, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygiisa ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay marxuumku” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeybgalay tukashada Salaadda Janaasada Madaxwaynaha Dowlad Goboleeeka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi…
10 sano ka hor waxaan galay qalad ka dhan ah bulshada gobolka Hiiraan, Waxaan ahaa qof-Kii saxiixay Maamulka Hirshabelle, Laakiin Maanta waxaan Bulshada Gobalka ka dalbanayaa Cafis buuxo. Laga bilaabo maanta, waxaan Hogaaminayaa halgankii ay bulshada Hiiraan iyo Shabeellaha Sare wadeen si ay u helaan maamul ay iyagu leeyihiin. Ma lihi Madaxweyne ayaan ahay, balse waxaan baaq udirayaa waxgaradka, odayaasha, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iney isku yimaadaan oo dhistaan maamul u gaar ah. Cid kasta oo u qalanta hoggaamintiisane ay iyaga doortaan Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Cabdifitaax xasan Afrax.
Madaxweyne Trump, ayaa lagu warramayaa inuu xiriirka u jaray RW Israel Netanyahu , taasoo lagu wargeliyay saraakiisha Israa’iil, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay raadiyaha ciidanka Israa’iil. Isbeddelka laga arkay dhinaca Trump , waxaa qeyb ka ah Trump wax wargelin la xiriira socdaalkiisa bariga dhexe inuusan la wadaagin Netanyahu, waxaa kaloo uu meesha ka saaray dadaalladii uu ku doonayay inuu ku cadaadiyo Sacuudiga si ay u helaan warshadaha tamarta nukliyeerka inay xiriir diblomaasiyadeed la yeeshaan Israa’iil. inta uu ku sugan yahay Riyadh ayaa la sheegay Trump inuu dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga la gaari doono heshiis difaac…
Qarax dhimasho & dhaawac. geystay oo Muqdisho ka dhacay Qarax xoogan ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Dayniile iyo Daru-salaam ee gobolka Banaadir kaasoo loo adeegsaday miino wadada hareeraheeda la dhigay. Daryanka qaraxan ayaa laga maqlay meelo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari Surf ah oo ay ay wateen Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada ee maamulka degmada Dayniile iyo gudoomiye waaxeed ka tirsan degmadaas. Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxaas ay ku naf waayeen labo qof oo la socday…
DEG-DEG: Madaxtooyada Magaalada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyahii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax. Xubnaha caawa qabsaday madaxtooyada & xafiisyada maamulka ayaa ujeeddadoodu tahay raadinta xuquuqda dastuuriga ah ee Gobollada Hiiraan & Shabeellaha Sare, waxa uuna qorshuhu yahay in ay ku dhawaaqaan halgan Umadeed oo Labada gobol kaga baxeyaan Hirshabeelle. Berri ayaa la qorsheynayaa in siyaasiga Cabdifataax Afrax & saraakiishu ay si rasmi ah u qabtaan shir jaraa’id oo quseeya Xuquuqda dastuuriga baadi goobka labada Gobol ee Hiiraan & Shabeellaha Sare.
Waxaa weli taagan xiisadda u dhaxeysa dalalka Pakistan iyo Hindiya, ka dib markii ay Hindiya shalay gantaallo ku weerartay dalka Pakistan iyo qeybta ay Pakistan maamusho ee Kashmir, oo labada dhinac ku muransanyihiin. Labada dal ayaa is dhaafsanaya hadallo kul kulul. Raysal wasaaraha Pakistan, Shabaz Shariif, ayaa sheegay in Hindiya ay ku degdegtay go’aankii ay ku weerartay Pakistan, isagoo wacad ku maray inay u aari doonaan dhigii daatay. Hadalkan ayuu sheegay xili uu khudbad u jeedinayay shacabka dalkiisa. Tallabada Hindiya ayu uku tilmaamay mid “fuleynimo ah. Waxaa uu sheegay in ciidamadooda cirka ay soo rideen diyaarado dagaal oo ay leedahay…
Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay. Saddexdii maalmood ee ugu dambaysay roobka gu’ga ayaa si xooggan uga hooray meelo kala duwan oo dalka Soomaaliya ah, iyadoo bariga, bartamaha, koomfurta, waqooyiga iyo galbeedkaba raxmadda roobku gaartay, inkastoo gobollada roobku ku kala badanyahay, welina ay jiraan deegaanno da’idda roobku ay aad u hoosayso. Inkastoo weli heerka barwaaqo uusan gaarin halkii u sarraysay, haddana waxaa aad hoos ugu dhacday saadaal horay loo qabay oo muujinaysay gu’gaani in uu noqon karo mid seeg-seeg ah, siiba marka la joogo Puntland, Kicinka cireed ayaa weli ah mid…
