Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin xasuus iyo sharaf leh oo ku asteysan midnimada, qaranimada iyo halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xorriyadda. “Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.” Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xor ka…
Beesha caalamka ayaa ka argagaxday’ tirada xadgudubyada xuquuqda aadanaha’ ee ka socda Itoobiya waxayna ku baaqeen in wax laga qabto. Isbaheysiga oo 45 dal ka kooban ayaa walaac ka muujiyay tirada badan ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay Itoobiya ka dib kalfadhiga 57aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM. “Afduubka iyo xarigga aan sharciga ahayn, dilka iyo dhaawaca dadka rayidka ah, jirdilka, cabsi galinta, xadgudubyada galmada iyo jinsiga ku salaysan, iyo weerarrada hantida rayidka ah” ayay Itoobiya ku eedeeyeen. Itoobiya ayaa waxaa ka taagan dagaalo culus oo dhexmaraya ciidamada maamulka Abiy Ahmed iyo jabhado ku kacsan oo ka soo…
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay xaafad ku taalla Carwada Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeedn oo wayn Dabka oo ka billowday kaalin shidaal ayaa ku fiday guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla halkaaasi , sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ah isku raran, waxaana daganaa dad shacab ah, iyada dukaamo iyo mootooyin nooca Bajaajta ay gubteen. Axmed Khaliif oo kamid ah dadka ku hanti beelay dabkan ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha, wuxuuna sheegay in 9 qol…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea. Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulan xasaasi ah la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Labada masuul ayaa la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika. Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah oo safarkaan ku wehlinaya wasiirka arimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi. Madaxweynaha ayaa isla maanta inta uusan u safrin magaalada Asmara ee dalka Eritrea tegay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu gacanta ku hayo…
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilalkan u magacaabay:- 1. Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim waxaa si KMG ah loogu magacaabay Wasaarrada Batroolka iyo Macdanta. 2. Xuseen Jeelle Raagge waxaa si KMG ah loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarrada Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa.
GUDOOMIYE KU-XIGEENKA SIYAASADDA IYO MAALIYADA GOBALKA HIIRAAN MUDANE XASAN IBRAAHIM CABDULLE OO AAY WEHLIYAAN GUDOOMIYE KU-XIGEENKA DIB U-HISHIISINTA IYO FADARAALKA MAAMULKA GOBALKA HIIRAAN ISKU-DUWAHA MAALIYADA GOBALKA MUDANE CIILOOW CABDULAAHI CAWAALE (JOOBANE ), IYO GUDOOMIYAHA DEGMADA MATABAAN EE Maamulka Gobolka Hiiraan MUDANE BASHIIR SHEEKEEYE, AYAA KA QEEYB-GALAY MUNAASABADA DABAALDAGA CURASHADA DOWLADA HIRSHABELLE OO LAGU QABTAY DEGMADA MATABAAN EE GOBALKA HIIRAAN. Xaflad heer sare ah oo aay soo agaasimeen Maamulka heer gobal iyo heer degmo Kana Qeeyb-galeen gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda Iyo maaliyada gobalka hiiraan oo aay wehliyaan Gudoomiye ku-xigeenka dib-uhishiisinta iyo Fadaraalka , isku duwaha maaliyada gobalka Hiiraan iyo gudoomiyaha degmada Matabaan…
Munaasabadda dabaal-degga Aas-aaska Dowladda Hirshabelle oo Xalay ka Dhacay dhammaan degmooyinka Waaweyn ee gobolka Hiiraan, ayaa munaasabadda Maalintadda Hirshabelle ee 5-ta Oktoobar waxaa caawa lagu qabtay degmada Buula-burde. Guddoomiyaha degmada Buula-burde Mudane Xasan Maxamed Cabdi Duqa degmada Mudane Cabdisalaan Hagar iyo qeybaha bulshada ayaa ka qeyb-galay munaasabadaasi. Madaxda iyo bulshada degmada Buula-burde ayaa hambalyo u diray dhammaan dadka ree Hirshabelle, waxa aayna u Mahadceliyeen Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ka shaqeeyay Hirshabelle loo dhanyahay mideeysan biloowday in aay Argagaxisada iska xoreyso isla markaana ku talaabsatay horumar baaxad leh oo muuqda.
Senator Canjeex Madaxweyne “Cali Guudlaawe meel uma socdo waa soo laabanaa qof cusubna ma rabno” https://youtu.be/ae83JBAMSs8?si=iVh_6jaoSpwVEDAJ
“Waxaan rabaa in Cali Guudlaawe kursiga kusoo laabto waana dhiseynaa” Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar https://youtu.be/XLMPltjbOPs?si=PjGfi-a7qWepFxHo
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay inuu dhawaan billaaban doono howlgal cusub oo badali doona ciidanka ATMIS. Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub AUSSOM, haddii aysan ka noqon heshiiska ay Itoobiya. “Howgalgalka cusub ee AUSSOM dhowaan ayuu billaabanaya wuxuuna badali doona ATMIS, Itoobiya kama mid noqon doonto haddii aysan ka laaban heshiis beenaadka ay la gashay Maamulka Somaliland” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya. Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu sheegay in ay ciidamada xoogga ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan guud…