Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay Madaxweynaha Kumeelgaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, magaalada Riyadh, Saudi Arabia. Kulankan ayaa ah kii ugu horreeyay ee madaxda labada dal yeeshaan muddo 25 sano ah. Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku uu qaaday dhammaan cunaqabatayntii saarneyd Suuriya, isagoo sheegay in tani ay fursad u tahay Suuriya si ay u gaarto nabad iyo horumar. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay al-Sharaa inuu la saxiixdo heshiisyada Abraham Accords si loo hagaajiyo xiriirka Suuriya iyo Israa’iil, isla markaana uu dalka ka saaro kooxaha jihadyinta gaar ahaan kuwa Falastiiniyiinta ah.  Al-Sharaa, oo horey uga tirsanaa kooxaha…

Read More

Shirwayne looga dhawaaqayey xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa caawa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana xisbigan ku  midoobay Madaxda DF sida Madaxweynaha, RW, Gudoomiyeyaasha labada aqal golaha Wasiirada iyo madaxda maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland Waa markii ugu horeysay ee Xisbi noocan ah ay ku  kulmaan dhinacyadan, waxaana xisbigan uu go’aamin doonaa nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa taasoo ah mid dad badan ka yaabin doonta. Shirwaynaha Xisbigan Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa si rasmi ah u doortay Xubnaha Guddiga Fulinta oo kala ah Dr. Xasan Sheekh Maxamuud Guddoomiyaha ahna Musharraxa Ururka JSP Xamza Cabdi Barre Guddoomiye Ku-xigeenka…

Read More

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KU BIIRAY URUR SIYAASADDEEDKA CADAALADDA IYO WADAJIRKA. Munaasabadda la xiriirta ku dhawaaqista Urur Siyaasaddeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa caawa ka dhacday magaalada Muqdidho. Ugu horeyn waxaa lagu meelmariyey dastuurka uu Urur Siyaasaddeedka Cadaallada iyo Wadajirka uu ku shaqeynayo iyo qaab-dhismeedka ururka. Guddoomiyaha Fulinta ee Ururka waxaa noqday Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. “Waxaan qeyb ka ahay geeddiga cusub ee Urur Siyaasaddeedka Cadaaladda iyo Wadajirka, tani waxa ay horseedi doontaa in muwaadinka uu ku ciil-baxo codkiisa.” Waxaa sidaas goobta ka yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle. Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa hambalyo…

Read More

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo ay ku mideysan yihiin Madaxda DFS iyo Madaxda saddex dowlad goboleed ayaa caawa lagu dhawaaqayaa, iyadoo shirweyinihii u horreeyay ee uu yeelanayo Golayaashiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya Guddoomiyaha ahna Musharaxa JSP, iyadoo uu yeelanayo illaa afar Guddoomiye Kuxigeen oo lagu salleeyay saami qeybsiga dhanka beelaha, kaddib todobaadyo si adag la isugu hayay qaab dhismeedka dhanka hoggaanka. Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in Xisbigan uu yahay mid isku qaatay dhammaan awooddii dowladda dhexe iyo tan Dowlad Goboleedyada Koofurta, waxaana sidaas meesha uga baxaya kalsoonida lagu qabi karo siyaasad loo dhan yahay…

Read More

Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan Doorashada Qof iyo Codka ah Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan ayaa maanta shaaca ka qaaday in khuburro reer Somaliland ah qeyb ka guddiga madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka Soomaaluya. Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in xubnaha khubarada ee Somaliland ay ka caawinayaan hagista iyo nidaaminta doorashada qof iyo cod ah. “Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka waxaa xubno ka ah laba xubnood oo ah khubaro aan ka keenay Somaliland oo si weyn u yaqaano hanaanka shaqo ee hirgalinta doorashooyinka golaha deegaanka,…

Read More

Trump oo Sacuudiga ka saxiixday maalgalin dhan $600 oo bilyan USD Maalgalinta Sacuudiga ee Mareykanka ayaa sida warar hordhac ah sheegayaan isugu jirta hub, tamar, iyo iskaashiyo dhaqaale oo aan la shaacin waxa ay yihiin. Hubka Sucuudigu ka iibsanayo Mareykanka ayaa lagu qiyaasay $142 bilyan USD oo ay ku jiraan diyaaradaha casriga ah ee F-35. Trump oo raynrayn ka muuqato ayaa saxiixa kabacdi sheegay in uu Mareykanku “u gurmanayo dadka tabaalaysan ee reer Qasa, uuna Is<raa’iil cadaadis horleh saari doono.” Trump in uu ka dhabeeyo gurmad Qasa waa hawl kale oo aan la hubin, waa se tuurtagal sida falaanqeeyayaasha siyaasadda…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa difaacay qorshaha uu ku doonayo in hadiyad ahaan u helo diyaarad cusub oo nooca raaxada ah oo Boeing, kaddib markii ay warbaahintu sheegtay in uu diyaarad ka heli doono qoyska boqortooyada Qatar, si uu u beddelo diyaaradda hadda uu isticmaalo Madaxweynaha Mareykanka. Diyaaraddan oo nooceedu ah Boeing 747-8 jumbo jet, ayaa waxaa telefishinka ABC News ku tilmaamay “qasri duulaya”, isagoo sheegay inay suurtogal tahay inay noqon doonto hadyad tii ugu qaalisanayd ee abid ay hesho dawladda Maraykanka. Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in aqbalka hadiyaddan oo kale ay jabin karto shuruuc adag oo…

Read More

Odayaal mucaaraday dowladda Madaxweyne Xasan oo xabsi Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in xabsi la dhigay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmadaasi, kuwaa oo shalay warbaahinta la hadlay eedeyna u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh. Telefishinka ku hadla afka maamulka Jubbaland, ayaa baahiyay in ciidamo ka amar qaata maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh in xabsiga dhigeen odayaashan kahor yimid qorshaha dowladda Jubbaland uga jareyso gobolka Gedo. Odayaasha xabsiga la dhigay, ayaa si adag uga dhiidhiyay sida dowladda Soomaaliya ula dhaqmeyso maamulka Jubbaland iyo qorshaha gobolka Gedo uga jareyso maamulka Jubbaland, waxa ayna caddeeyeen odayaasha…

Read More

Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa la qorshaynayaa in si rasmi ah loogaga dhawaaqo urur… Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa la qorshaynayaa in si rasmi ah loogaga dhawaaqo urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbigii hore UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh oo la balaariyey ayaa la qorsheeyay in lagu dhawaaqo Toddobaadkii hore, balse wuxuu u baaqday Khilaaf ka dhashay awood qeybsiga xilalka sare ee ururkaan. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo horay uga biyo diidey saami qaybsiga xilalka sare ayaa wararku sheegayaan in lagu…

Read More

#TACSI إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ Waxaa hada iso gaartay Geerida Allah ha u naxariste Adeer Abdikadir Aadam Geddi. (cantoob) #Allah ha u naxaristo Qabrigiisa Allah u waasiciyo Waxaan Ilaahay uga baryeynaa marxuumka inuu dambigiisa dhaafo, Jannatul firdowsana ka waraabiyo Amiin. Dhaman Ehelka ugu horeeyan Reer Aadam Mire iyo qaraabo samir iyo iman ebbe ha inaga wadasiiyo #Waxoow kamid ahaay Saraakiishii Booliska #Soomaaliyeed waxa badan u soo shaqeeyay #Dalka #Korneel Cantoob Aadam mire

Read More