Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Macawisleyda Beesha Xawaadle oo shalay illaa maanta casharro cajiib ah u dhigay Shabaabka arxan laawayaasha ah ee dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ka ganacsada. Aragtidooda gurracan ayaa u sheegtay Shabaabka iney weeraraan Mubaax oo katirsan Hiiraan isla markaasna ay joogaan sooma jeestayaasha aan xabadda ka cabsan ee Macawisleyda Xawaadle, waxaase ay la kulmeen in la jabiyey oo laga furtay shalay hub, dagaalkana looga gacan sarreeyey. Saakay aroortii ayey mar kale soo weerareen iyagoon quusan Shabaabku Mubaax oo Macawisleydu joogto, saakay sida loo ceyrsanayey Aadan Yabaal oo ay kasoo duuleen ayaa lagu geeyey, waxaana Macawisleydu hadda hareereeyeen Aadan Yabaal oo Shabaabka ay…
Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, Madaxwaynaha ayaa khudbadiisa uga uga hadlay qodabo muhiim ah oo uu kamidyahay mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin. Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus,” ayuu yiri madaxwayne Xasan Sheekh. Dhanka kale madaxweynaha ayaa la wadaagay Hoggaamiyeyaasha Carbeed dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u…
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axme Macalin Fiqi oo safar ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalkaasi, Thaabit Al-Cabaasi. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka milatariga iyo wada-shaqeynta istaraatijiyadeed. Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka Difaaca, si la isku dhaafsado khibradaha la dagaalanka Ururada AS iyo Daacish. Wasiirka Difaaca Ciraaq ayaa ballanqaaday in ay khibradooda Militeriga la wadaagi doonaan Ciidanka Soomaalida, iyaga oo dareensan in labada dal ay isku xaalad iyo dagaal Sokeeye soo wada mareen. Dhankiisa, Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Ciraaq martigelinta…
Miletariga Soomaaliya ayaa billaabay baaritaano lagu sameynayo dilka allaha u naxariistee Taliyahii guutada 26-aad ee xoogga dalka, Col. Cabdirahman Xujaale oo la dilay isaga oo ku sugan deegaanka Mubaax u dhaxeeya Magaalooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal. Baaritaannada horudhaca ayaa tilmaamaya in askariga dilka geystay oo tirsana guutada Taliyaha, waxaana xogaha ay tilmaamayaan in gacanta lagu dhigay askariga dilka geystay lana filayo in la keeno magaalada Muqdisho. Deegaanka Mubaax oo ku yaalla xuduudda u dhexeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa xilliga dilka dhacayay waxaa ka socday dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo AS. Col. Xujaale ayaa ahaa sarkaal si weyn…
Update : Taliyihii Guutada 26-aad ee Gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan Xujaale, oo lagu dilay gudaha saldhiggiisa. Askartiisa ayaa loo heystaa dilka! Warar hadda naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in Cabdiraxmaan Xujaale, taliyihii guutada 26-aad ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, si lama filaan ah loogu dilay gudaha saldhigga uu ka taliyo. Dilkan ayaa sida xogaha horudhaca ah sheegayaan ka dhacay gacanta askar ka tirsan ciidankiisa, iyadoo lagu fuliyey qori nooca dhashiikaha ah, oo sababay dhaawacyo halis ah oo u geystay taliyaha, isla markiiba naftiisana ku waayey. Dhammaan askartii eedeysanayaasha ahayd waa la qabtay, waxaana ay ku jiraan gacanta…
Taliye Ku-xigeenka Ciidanka milateriga Dalka Uganda Gen. Sam Okiding ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar. Imaanshana taliye ku xigeenkada ciidamada Uganda ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay la xiriirto xoojinta iskaashiga milatari iyo wada shaqeynta Dalalka Soomaaliya iyo Uganda iyo xaaladda adag ee heysata howlgalka AUSSOM. War ka soo baxay xafiiska Taliyaha Ciidamada Dhulka xoogga Sahal Cabdullaahi ayaa u qornaa sidan:. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar” Ganeraal Khaalid” ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada…
Muuqaalkaan Ayaa Maanta Qabsaday Guud ahaan Baraha Bulshada ay Kuxariirto iyo Warbaahinta Caalamka Waa Madaxweyne Erdogan iyo Madaxweynaha Faransiiska imaanuwal Makroon Madaxweyne Makroon Ayaa isku Dayey inuu ihaaneysto Madaxweyne Erdogan Wuxuu Gacanta Kaqabtay Erdogan isagoo Aad uruxay Gacanta Erdogan Wexey Lamicno Tahay Diblumaasiyad ahaan Awood Sheegasho Hayeeshee Erdogan oo Fahansan ayaa islamarkiiba ugu Kajwaabay Wuxuu Erdogan Gacantiisa Kale isagana Kugaraacay Gacanta Makroon Tasoo iyadana Lamacno ah Diblumaasiyad ahaan Aniga ayaa Kaa Awood Sareeya Makroon ayaa Markale iskudayey inuu Gacantiisa Kale Kudulgaraaco Gacanta Erdogan Balse Erdogan ayaa ilbiriqsi Gacanta Makroon si Awood ah Uqabtay Waliba Farta Dhexe ayuu Hoos udhigay Erdogan…
DEG DEG: Taliyihii Guutada 26aad ee Ciidamada Soomaaliya Xujaale oo la dilay xili uu dagaal kasocday
AUN Taliyahii Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Sare Cabdiraxmaan Xujaale oo Maal Mahaan xogge Hoose sheegayen in Loo magacaabi Rabay Qeeybta 27-AAD ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waxaa Maanta dhabarka,iyo madaxa ka atoogtay Askari Ka tirsan Ciidankiisa Taliye xijaale AUN Wuxuu ahaa Geesi Dagaal yahaan ah in badana Dagaalo la galay Kooxda Khawaarijta AS. INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN.
Sagaal qof ayaa ku dhintay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ku qaadeen bas rakaab ah oo marayey waqooyi bari ee dalka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha ku sugan deegaankaas. Sidoo kale Maamulka milatariga gobolka Sumy ayaa sheegay in afar qof oo kale lagu dhaawacay magaalada Bilopilia subaxnimadii saakay. Bahda caafimaadka, shaqaalaha gurmadka degdega ah iyo booliiska ayaa hadda ka shaqaynaya goobta uu weerarku ka dhacay. Weerarkan ayaa imaanaya saacado uun kadib markii Ruushka iyo Ukraine ay ku yeesheen Turkiga wadahadal nabadeed oo toos ah tan iyo 2022-kii. Natiijadda wadahadaladda ayaa wali soo shaacbixin iyadda oo uu Turkigu…
Magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq oo sanado ka hor aan lagu dhiira karin in la tago ayaa martigelinaysa Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta. Ciraaq oo muddo dheer la daalaa-dhacaysay dagaallo iyo xasilooni darro siyaasadeed, ayaa doonaysa in shirkan uu noqdo fursad ay ku muujineyso soo kabasho iyo kaalinteeda cusub ee Siyaasadda gobolka. Dowladda Ciraaq ayaa dadaal badan gelisay diyaarinta shirkan, iyadoo la adkeeyay amniga, laguna casuumay dhammaan madaxda Carabta. Shirka Madaxda Carabta ayaa diirada lagu saari doona xaaladda Falastiin, nabadgelyada gobolka, la-dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha, iyo iskaashiga tamarta. Ciraaq waxay si gaar ah uga codsatay waddamada Carabta in ay mideeyaan mowqifkooda…
