Author: radiohalgan.com

Ayadoo weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii isafgarad ee 1dii Janaayo ay Addis Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa soo baxaya hadal cusub oo u muuqada in Itoobiya ay si ka duwan sidii hore u wajahayso arrintaas. La taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Redwan Xuseen ayaa bartiisa X (Twitter) ku soo qoray qoraal u muuqda in Itoobiya ay ka hadlayso halka ay ka taagan tahay arrinta madax banaanida Soomaaliya iyo duurxul ku socda Masar oo Soomaaliya ugu yaboohday garab istaag milateri, ayadoo Masar iyo Itoobiyana ay ka dhaxayso xurguf ka dhalatay biya xireenka weyn…

Read More

Xildhibaan hore Cabdulqaadir Sheekh Xanafi ayaa yiri Soomalaiya iyo marxaladaSiyasadeed ee geeska, Somaliya maanta waxay mareysaa marxalad xasaasi ahOo u baahan in si qoto dheerLoo darso lana iftiimiyo qatarahaCadowga gudaha oo sameyn weyn ku yeelan kara midnimadaIyo madaxbanaanida dalka. Waxaa tusaale cad noogu filanHashiis beenaadkii lagu sheegay is-afgarad ee laguSaxiixay Adis Ababa 5/1/202Oo ah halis soo wajahday qaranimada somaliyaHadaba aqriso qodobada halista ah ee dhaawici KaraMadaxbanaanida dalka-: Qodobka: 1aadMaamulada dalka sida somaliland puntland jubalandHirshabeele, konfurgalbeed iyoGalmudug intaba waxay xiriirToos ah iyo mid qarsoon lawadagaan cadawga umaddaSoomaaliyeed ee Itoobiya ayagaOo ku xadgudbaya shuruucdaIyo dastuurka dalka uyaal. Wazaradda arimaha dibada iyo iskaashiga…

Read More

9 Daqiiqadood ka hor Madaxweynaha Jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Golaha Guurtida dib ugu celiyay xeerarka doorashooyinka oo ay hore goleyaasha wakiillada iyo guurtidu u meelmariyeen. Madaxweynaha ayaa soo celintiisa ku sababeeyay in qoraal ay Golaha Guurtidu usoo direen oo ay kaga codsadeen in uu usoo celiyo. Tallaabadan ayaa dib usoo noolaysay khilaafkii doorashooyinka ee u dhexeeyay xukuumadda iyo mucaaradka. Kahor inta uusan Madaxweyne Biixi xeerkan kusoo celin Golaha Guurtida, cabashada way taagneyd, iyadoo mucaaradku ay hore u qabeen dareen ah in madaxweynuhu uu xeerkan dib usoo celin doono. Mucaaradka Somaliland ayaa…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad. Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab. Madaxweynaha ayaa kasoo duulay dalka Masar, halkaasi oo uu shalay kulan mira-dhal ah kula qaatay dhiggiisa dalkaasi Cabdulfataax Al-Siisi. Kuanka gaarka ah ee…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal culus oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab. Howl-galkaan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab. Weerarka oo ay fuliyeen ciidanka xoogga oo kaashanaya ciidanka cirka ee Mareykanka ayaa ka dhacay deegaan 45KM waqooyi berri kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ee dowlad-goboleedka Jubbaland, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Howl-galkan ayaa waxaa lagu dilay ilaa afar xubnood oo mid ahaa koox ka tirsan Shabaab oo isku abaabulayay goobta la…

Read More

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay wax ka beddelka dastuurka ayaa dowladda uga digay inay xilligaan xasaasiga ah isku deydo meel-marintiisa. Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel-gaarka ah, si looga fogaado buu yiri khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin. “Dowladda, waxaan kula talinaynaa in ay ku mashquulaan arrimaha horu-tabinta u leh danaha Qaranka Soomaaliyeed, waqtigaan la joogana uga shaqeeyaan si taxaddar leh,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maanta ay…

Read More