Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabatayn kusoo rogayso Suudaan, kadib markii baaritaano ay sameeyeen lagu arkay in ciidamada milateriga dalkaas ay sannadkii hore adeegsadeen hub kiimiko ah xilli ay dagaal kula jireen ciidamada RSF. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in tallaabadan la qaaday kadib markii Xukumadda Suudaan ka dhago adeegtay in adeegsiga hubka Kiimikada ee wax gumaada. “Mareykanka wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Sudan inay joojiso gebi ahaanba adeegsiga hubka kiimikada, isla markaana ay ixtiraamto waajibaadka ka saaran heshiiska caalamiga ah ee adeegsiga Hubka Sharci darrada” ayay tiri Bruce. Inkasta oo faahfaahin buuxda laga bixin isticmaalka…
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay Macawiisleyda ay qiimo gaar ah ugu fadhiyaan Dowladd Soomaaliya, loona baahan yahay in la daryeelo loogana jawaabo baahiyahooda. Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli Ciidamada deegaanka ee loo yaqaan “Macawiisley” ay qeyb ka qaataan howlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah AS ee ka socda dalka gaar ahaan gobollada Koofurta iyo Bartamaha. Wasiirka Difaaca Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay dowladda dib u habeyn ku sameyn doonto Ciidamada Macawiisleyda ee ka barbar dagaalamaya Askarga Dowladda Federaalka. Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Macawiisleyda ay kaalin ku leeyihiin dagaalka AS, isaga oo tusaale…
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday halka labo kale ay ku dhaawacmeen kadib shil gaari xanuun badan oo ka dhacay isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis. Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhammaantood ahaa hal qoys, waxaana lagu soo waramayaa in ay ka qaybgaleen xaflad aroos ah. Wararka ayaa tilmaamaya in dadka geeriyooday ay u badnaayeen haween, marka laga reebo darawalkii waday gaariga. Shilkan ayaa dhacay kadib markii gaari Saaruf ah oo xawaare ku socday uu si lama filaan ah ugu dhacay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen Qoyska, xilli ay marayeen isgoyska Miranaayo. Labada ruux ee dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaallada…
Ruushka iyo Ukraine ayaa Jimcihii si wadajir ah u shaaciyey in mid kasta uu sii daayey 390 maxbuus dagaal, iyagoo sidoo kale ballan qaaday inay sii wadaan isweydaarsi ballaaran oo maxaabiis ah maalmaha soo socda. Isweydaarsigan ayaa la filayaa inuu noqdo kii ugu weynaa ee illaa hadda dhaca, tan iyo intii uu socday dagaalka u dhexeeya labada dal. Tallaabadan ayaa timid kadib kulan labo saacadood socday oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaas oo ahaa wadahadalkii tooska ahaa ee ugu horreeyey ee dhex mara Ruushka iyo Ukraine tan iyo intii uu dagaalku billowday in ka badan saddex sano…
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha dowladda Hirshabelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye iyo Xildhibaanno heer Fedaraal ah oo kala ah Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraalle iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey ayaa goordhow degmada Moqokori kulan looga tashaday dardar gelinta dagaalka Khawaarijta kula yeeshay Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta ee Ee Macawiisleyda. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Odayaasha dhaqanka guddoomiyaha degmada Maxaas Ciise Maxamuud Cabdi waxaana diiradda lagu saaray dar-dargelinta howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta. Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka…
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa caawa degmada Moqokori kulan looga tashaday dardar gelinta dagaalka Khawaarijta kula yeeshay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay hadda howlgalladu ka socdaan. Odayaasha ayaa Agaasimaha Hay’adda NISA uga mahadceliyey doorkiisa abaabulka iyo garab istaagga Ciidamada deegaanka ee dagaalka adag la galay Khawaarijta, kana difaacday deegaankooda. Odayaasha ayaa si gaar ah uga mahadceliyey daryeelka dhaawacyada, duqeymaha loo geysto Khawaarijta iyo garab istaagga ciidan ee dowladda ay ka helaan. Agaasime Sanbaloolshe ayaa odayaasha dhaqanka ee caawa uu la kulmay uga mahadceliyay sida…
Xarumihii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeymo lagu burburiyay + Khasaaraha – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo culus oo xalay lagu garaacay xarumo muhiim ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay gobollada Jubada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo lala beegsaday xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku leedahay labadaasi gobol. Weerarka koowaad oo bartilmaameed ahaa ayaa waxaa lagu qaaday xarunta ugu wayn kaydka hubka Al-Shabaab ee ku taalla gudaha degmada Jilib, iyada oo lala helay dhowr gantaal oo is-daba joog ah, waxaana lasoo wariyay in gebi ahaan ay…
Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Aboorey oo hoos taga degmada Buuloburde, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa in labo jiho ay ka weerareen Khawaarijta oo isku uruursanaysay aagga Aboorey, isla markaana uu halkaas weli ka socda howlgalka baacsiga cadowga As ah. Faahfaahinta howlgalka Aboorey oo dhameystran goordhow kala soco Warbaahinta radiohalgan.com
Dhinaca deegaanka Garas magan Khawaarijta waa lagu jabshay Maxaabiis ayaa laga qabtay Meydadkooda ayaa banaanka deegaanka tuban. Sidoo kale hub ayaa laga furtay Taarikhda cashar aaysan Khawaarijta hilmaami doonin ayaa loo dhigay. Dhinaca kale dagaal ayaa goordhow ka biloowday inta u dhaxeysa degmada Aadan-Yabaal iyo deegaanka Mabaax kaddib markii laga hortagay xubno Khawaarijta kamid ah oo gurmad ahaa. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Hon Muuse Salaad Wehliye ayaa maanta qaatay door weyn oo dagaal gelin iyo hoggaamin ah.
DEG DEG: Madaxweyne Deni oo gaaray Addis Ababa ee dalka Ethiopia 🇪🇹 Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Safarkan ayaa la filayaa inuu diiradda saaro xoojinta xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga ganacsi. Inta uu ku sugan yahay Itoobiya, Madaxweyne Deni ayaa la kulmi doona mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, si ay uga wada hadlaan arrimo muhiim ah oo khuseeya labada dhinac. Kulamadan ayaa la filayaa inay diiradda saaraan iskaashiga amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada sida…
