Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dagaalkii ugu cuslaa oo u dhaxeeya Macawiisleeyda beesha Xawaadlle iyo Alshabaab ayaa ka socda deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan. Warkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Ururka 3-Aad ee ciidamada Duufaan ee NISA Cabdi Muumin Cilmi Xiish. Macawiisleeyda beesha Xawaadlle ayaa weerar ku qaaday maleeshiyaad Al-Shabaab kamid ah oo ku sugnaa duleedka Ceel-hareeri. Dagaalka ayaa dhowr jaho ka socda aad ayuu u xoogeestay, waxaana dhawaqa rasaasta dagaalka la isku adeegsanayo laga maqlayaa Aadan-yabaal iyo Ceel-hareeri. Kaalinta dowladda dhexe ayaa dagaalka ka maqan Macawiisleeyda beesha Xawaadlle ku jira dagaal xaq ah oo jiri taankooda iyo sharafkooda ku difaacayaan.
Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri. Waxaa caawa degan xaaladda deegaanka deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan kaddib Daagal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle iyo kooxda AS uu maanta ka dhacay deegaankaasi. Geesiyaasha Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle ayaa si buuxda gacanta ugu haaya deegaanka Ceel-hareeri waxa aayna fashiliyeen dhagarta kooxda AS waxaana jab xoogan la gaarsiiyay Kooxda As Kooxda Asoo ka faa’ideeysaneynsa xil ka qaadista Agaasimaha Nabad-sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ahaa masuul aay ka go’an tahay dagaalka kooxda iyo keenista Mahad Salaad oo Kooda As in lala heshiiyo…
Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay. Waa Cabdi Xuseen Cilmi waxa uu isku dhigay gaari Qarax ah oo Al-Shabaab aay waxyaabaha qarxa kasoo buux sheen oo aay doonayeen in aay ku bur-buriyaan Ceelbiyoodka deegaanka Ceel-hareeri. Mujaahid Cabdi Xuseen Cilmi waxa uu naftiisa u huray badbaadinta 100 ruux oo Macawiisley ahaa oo difaac ceelka ugu jiray nolosha dad badan shacabka ee deegaanka ku nool iyo Ceelbiyoodka deegaanka Ceel-hareeri. Markii meel fog laga arkay gaariga Qaraxa ee Al-Shabaab uu waday rasaas ayaa lagu furay xabado Saban ayaa lagu riday,…
Daagal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle iyo Khawaarijta ayaa ka socda deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xubno Khawaarijta kamid ah weerar qaraxyo ku biloowday aay ku qaadeen fariisin ciidamada Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Ceel-hareeri. Geesiyaasha Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle ayaa fa shiliyay dhagarta khawaarijta waxaana jab xoogan la gaarsiiyay. Al hhaaAAlaA oo ka faa’ideeysaneynsa xil ka qaadista Agaasimaha Nabad-sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ahaa masuul aay ka go’an tahay dagaalka Khawaarijta iyo keenista Mahad Salaad oo khawaarijta in lala heshiiyo qabo, ayeey Khawaarijta waxa aay…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, halkaas oo uu ku tagayo casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxwaynaha Dalkaas. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dalka Jabuuti, ayaa kawada hadli doona arrimo ay kamid yihiin; Amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada Dalka iyo dadkaba.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, kaasoo Muqdisho ka furmi doona boshan 15 June. War saxaafadeed Villa Somalia ka soo baxay ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixgelinauo muhiimadda ay leedahay wadatashiyo dhab ah ah oo ku dhisan xeerinra danta guud in Madaxweynuhu sii wadi doono kulamo wadatashi ah oo loogu gogol xaarayo shirkaas, sidoo kale diiradda lagu saarayo arrimaha hortebinta u leh dowlad dhiska oo ay ka mid yihiin amniga, ciribtirka argagixisada, dhameystirka Dastuurka, Midnimada iyo dhab u heshiisiinta.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad. Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA. Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali muddadii uu xilka hayey shaqadii…
Maxamamada derajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa xukunno kala duwan ku riday rag lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Al Shabaaab, kuwaa oo dilal qosheysan oo madax jabis ah fullin jiray. Raggan eedeysaneyaasha oo kala ah Maxamed Nuur Cali, afgarashadiisuna tahay Cabdimajiid, Cabdullaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre Balse kooxda dhaxdeeda loogu yeero Cumar oo dhamaantood isku wada tabbabar ah, ayaa shabakadaan uga wakiil ahaa Ddilalka qorsheysan ee gaadmada ah. Ciidanka NISA oo ku duulaysa xogo sirdoon ayaa samaysay holwgallo Qorsheysan oo ka hortag ah seddex gooodna ka kala dhacay, waxayna ku soo qabatay eedeysaneyasha iyo…
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa hadda kala noqon kara sharciga in ka badan 500,000 oo muhaajiriin ah oo ku nool Mareykanka, maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka ayaa xukuntay Jimcihii. Xukunka ayaa hakiyay amarkii hore ee xaakim federaali ah oo maamulka uga hortagayay inuu soo afjaro barnaamijkii socdaalka ee uu bilaabay madaxweynihii hore Joe Biden kaasoo lagu ilaalinayay soogalootiga ka cararaya qalalaasaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalkooda. Amarka cusub ayaa dhigaya in ku dhawaad 530,000 oo muhaajiriin ah oo ka yimid Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela ay halis ugu jiraan in la tarxiilo. Garsoorayaasha Ketanji Brown Jackson iyo Sonia Sotomayor, oo ah…
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda Hirshabelle, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore), ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan olole wacyigelin ah oo ku saabsan dhismaha goleyaasha deegaanka. Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Buulobarde, oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo si diirran u soo dhaweeyay hirgelinta goleyaasha deegaanka, xilli muddo ku siman 30 sano aysan degmada yeelan gole deegaan oo rasmi ah. Bulshada ayaa u mahadcelisay…
