Author: radiohalgan.com

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa caawa ku hoyanaya furimaha dagaalka gobolka Hiiraan ee Hirshabelle. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wata gaadiidka dagaal oo dhan 40 oo 5 kamid ah Suugag yihiin ayaa maanta gaaray aaga Jiciboow hoostaga degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Argagixisada AS oo markii aay maqashay cududa ciidan ee furimaha dagaalka uu la yimid Madaxweyne ku xigeenka dowladda Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed waxa aay Argagixisada bilaabeen in aay isku diyaariyaan in aay isaga cararaan deegaanada dhaca Jiinka Wabiga shabeelle. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Hirshabelle…

Read More

Xildhibaan ka tirsan mucaaradka Israa’iil, Naama Lazimi, ayaa sheegtay in wiilka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu la masaafuriyay kaddib markii uu feeray aabbihiis. Lazimi waxay hadalkan ka sheegtay kulanka Guddiga Maaliyadda ee baarlamanka Israel ama Knesset-ka, iyadoo soo hadal qaadday maalgelinta safarka xaaska Netanyahu, Sara Netanyahu, ee Maraykanka iyo kharashaadka amniga ee loo qoondeeyay wiilkooda Yair Netanyahu, oo ku nool magaalada Miami. “Waxaan rabaa inaan wax ka weydiiyo joogitaanka muddo laba bilood ah ee xaaska Ra’iisul Wasaaraha, Sara Netanyahu, ee dibadda. Waxaan rabaa inaan ogaado cidda maalgelisay safarkan, kharashka ku baxay, iyo miisaaniyadda laga bixiyay,” ayay tidhi Lazimi. Waxay…

Read More

ANKARA — Iyadoo hoggaamiyayaasha Yurub ay u xusul duubayaan sidii ay u xoojin lahaayeen ciidankooda, iyadoo shaki laga muujinayo sida uu Mareykanka uga go’an yahay difaaca Yurub, ayaa Turkiga, oo ku faanaya ciidamada labaad ee ugu waaweyn NATO, wuxuu noqon karaa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshayaasha Yurub, gaar ahaan hawlgal kasta oo nabad ilaalineed oo ka dhaca Ukraine. Dorian Jones ayaa warbixintan ka soo diray Istanbul, Falastin Ahmed Iman ayaana soo jeedinaysa.

Read More

Friedrich Merz, ayaa lagu wadaa in uu noqdo hogaamiyaha cusub ee dalka Jarmalka, kaddib marki uu xisbiga uu hogaamiyo ee Sooshal Dimoqraadka uu kaalinta koowaad ka galay doorashadii guud ee Axaddii shalay. Hogaamiyaha kursiga kasii dagaya Olaf Scholz ayaa qirtay in xisbigiisa bidix-dhexe ee Social Democrats uu doorashada kala laabtay natiijo qaraar. Natiijooyinka hordhaca ahaa ee xalay ayaa muujiyay in xisbiga hadda talada haya uu u dhaadhacay kaalinta saddexaad. Saadaasha iyo natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujiyay in xisbiga muxaafidka ah ee midoobay ee CDU/CSU uu helay 28.5%, waxaa ku soo xiga xisbiga lidka ku ah soo muhaajiriinta ee loo soo…

Read More

Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, ayaa ka fal-celiyey hadal uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu furay kalfadhigga 6-aad ee baarlamanka, oo la xiriira dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish. Fahad ayaa ku eedeeyay in jawaabta dowladda federaalku ay si weyn dib ugu dhacday. Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Sabtidii ka hor hadlay Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday qorshe lagu dhisayo guddi qiimeyn iyo isku dubarid u sameyn doona kaalinta dowladda federaalka ee dagaalka lagula jiro Daacish. Si kastaba ha ahaatee, Fahad Yaasiin ayaa ku tilmaamay go’aankaas mid muddo dheer dib u dhacay. Xikmadaha Yamanta waxaa ka…

Read More

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo haatan ku sugan dalka Koonfur Galbeed ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan ee dalkaasi, isaga oo sidoo kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka Soomaliya. Rooble oo aan looga baran hadallada kul kulul ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashooyinka, wuxuuna uga digay inuu ku dhaqaaqo wixii uu shalay ka diiday Farmaajo markii uu ra’iisul wasaaraha ahaa. “Wixii shalay walaalkey Farmaajo aan kor ugu sheegay hoosna ugu sheegay ayaan rabaa inaan…

Read More

Muqdisho, Axad, 23 Febraayo 2025: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, ayaa ansixiyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP-2025-2029), si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay. Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale ansixiyey Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga. Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, ayaa mudnaan gaar ah u leh horumarinta reer guuraaga Soomaaliyeed, si loo helo hannaan…

Read More