Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
RW Xamse oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo sanadkan ay u fariisanayaan in ka badan 39,000, arday oo ku kala sugan gobollada dalka. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta waxbarashada dalka, isaga oo xusay in imtixaanka shahaadiga ah uu yahay mid muhiim u ah ardayda Soomaaliyeed iyo horumarka mustaqbalka dalka. “Marka laga…
Guutada 3-aad ee Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigtay argagaxiye ajnabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish ee lagu jebiyey dgaalada ka socda Cal-miskaad. Ninkaan oo u dhashay dalka Turkiga ayaa ciidanka difaaca dowladda Puntland qabteen xilli uu biyo ka dhaansanayey ceel ku yaalla togga Baalade isagoo hubeysan Qori A47, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidanmadu. Mid kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka kujira hawlgalka Hillaac ayaa sheegay in ninkaan uu ku dhawaaqayey “Ha Idilinina”, haseyeeshee uusan wax kale ka aqoon luuqadda Soomaaliga.
Dowladda Iiraan ayaa markii u horreysay ka hadashay khasaaraha soo gaarey goobaha lagu keydiyo macdanta laga sameeyo Hubka Nukliyeerka. Afhayeen u hadlay ururka tamarta Atomiga ee Iran ayaa sheegay in khasaare xadidan una badan burbur uu soo gaarey goobaha Kobcinta macdanta laga sameeyo Nukliyeerka. “Waxaa jiray burbur xaddidan oo soo gaaray meelaha qaar, waxaan goobta ka saarnay qalabka iyo agabka, mana jirin waxyeello soo gaartay macdanta” ayuu yiri Afhayeenka. Dhinaca kale, Iiraan waxaa ay sheegtay in ay sii wadi doonto gantaallada ay la bartilmaameydsaneyso gudaha Israa’iil, kuwaasi oo dhaliyay khasaare soo gaarey rayid iyo ciidan. Israa’iil…
Sidee Iran ugu guuleysan karta dagaalka Israa’iil iyo reer galbeedka? Dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil ayaa galay waji cusub oo khatar ah, kadib weerarro is-daba joog ah oo labada dhinac ah, kuwaas oo saameeyay gudaha Telaabiib, Tehran iyo goobo kale oo istaraatiiji ah. Inkastoo Israa’iil ay leedahay awood ciidan iyo sirdoon oo sare, hadana Iran ma ahan dal si sahlan lagu cabburin karo. Waxa ay leedahay xulafo hubeysan, juqraafi muhiim ah, awood weerarrada dhinaca Internetka (cyber) iyo dhaqaale, taasoo keeni karta in dagaalka uu yeesho wejiyo kala duwan. Qormadan wuxuu si qoto dheer u falanqeynayaa meelaha ay…
Iran oo lagu eedeeyay qorsheyn weerar ka dhan ah Saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe Wakaaladda wararka ee Fars News Agency oo ah mid si dhow ula xiriirta dowladda Iran ayaa sheegtay in milatariga Iran uu diyaarinayo qorshayaal weerar ah oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla gobolka Bariga Dhexe. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in tallaabadan ay tahay mid jawaab u ah “gardarada Mareykanka” iyo taageerada tooska ah ee uu siiyo Is”r, gaar ahaan dagaalka ka socda Gaza. Inkasta oo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Iran ama taliska ciidanka ee xaqiijinaya weerarka la sheegay, hadallada…
Iran oo ku dhawaaqday in ay ka baxday wadadii diblomaasiyadda. Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay inay Iran , ka leexatay waddada diblomaasiyadda Iran waxa ay isku diyaarinaysaa in ay ka hortagto cadowgeeda, isagoo intaa ku daray in Iran ay diyaar u ahayd inay wadahadallo cusub la furto Mareykanka si loo xalliyo khilaafaadka u dhaxeeyo Iran iyo Mareykanka, Wasiirka ayaa warkiisa ku soo gabagabeeyay weerarrada Israa’iil , waxay nagu qasbeen in an ka leexano waddada diblomaasiyadda.”
WAR CUSUB:- Amiirka Qatar ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka oo ay ka wadahadleen arrimaha soo kordhay, gaar ahaan weerarka Israel ay ku qaaday Iran. Inta uu socday baaqa, Amiirka Qatar waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii xaalada loo dejin lahaa, xal diblumaasiyadeedna loo gaari lahaa. Trump ayaa u xaqiijiyay Amiirka Qatar in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada xalinta xiisada si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida gobolka.
DEG DEG: ISRΑEL waxay mamnuucday duubista muuqaallada caawa weerarada! Xukuumadda Israel ayaa si rasmi ah u mamnuucday in la duubo ama la baahiyo muuqaallada iyo sawirrada laga qaaday meelaha ay weeraradu saameeyeen gudaha dalka, gaar ahaan aagagga uu ku dhacay weerarkii Iran. Maxaa ka dambeya mamnuucistan? Qarin khasaare: Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in go’aankan uu la xiriirinayo dadaal ay dowladda ugu jirto in aysan bannaanka u soo bixin wax muujinaya burbur ama khasaaro gudaha ah. Ka hortagga faafinta macluumaad sir ah: Waxaa laga cabsi qabaa in muuqaalladaasi ay si toos ah gacan ugu gali karaan Iran ama xulafadeeda, taasoo…
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qorsheynaya inuu safar ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, taasoo noqon doonta Dalkii saddexaad ee uu booqdo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii November 2024. Safarradii uu dhawaan ku tagay Jabuuti iyo Kenya, Cirro wuxuu kulammo la yeeshay madaxda labadaas dal, gaar ahaan Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto. Inkastoo ay jiraan xagal-daacyo siyaasadeed oo Kenya ka dhacay, haddana safarradaasi waxay ahaayeen kuwa wax-ku-ool ah, oo looga gol lahaa in la dhiso xiriirro diblumaasiyadeed oo cusub, oo dhexmara Soomaaliland iyo Dalalka Jabuuti iyo…
Mareykanka ayaa lagu qasbay inuu ballaariyo howlgalka uu ku difaacayo Isra,iiiiiil, kaddib markii gantaallada Iran ay awood u yeesheen inay si toos ah u gaaraan xarumaha; wasaaradda difaaca , Mossad, taliska dhexe ee ciidanka iyo dhismaha hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil. Wax kasta oo horey u dhacay , hadda waxaan ku sheegi karaa inay Iran qaaday weerar dhab ah iyo adeegsiga gantaallo leh madaxyo qaraxyo culus geysan kara!
