Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay, ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, u dalbay xildhibaanno badan iyo qoysaskooda fiisaha midowga Yurub ee loo yaqaan Schengen. Axmed Macallin Fiqi ayaa la sheegay in xildhibaanno ka badan 25 xubnood iyo qoysaskooda dalka Kenya uga dalbay fiisaha Schengen, waxaana xildhibaannadan yihiin kuwii wasiirka ka difaacay mooshinkii xil ka qaadista ee laga soo gudbiyay. Xildhibaannada Wasiirka Arrimaha Dibadda ku abaalmarinayo fiisaha Schengen, ayaa waxaa sidoo kale kamid ah xildhibaanno markii hore kamid ahaa kuwii saxiixay mooshinka , balse markii dambe is baddelay sheegeyna in laga been-abuurtay saxiixooda. Xogaha aan…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Jubbaland gaar ahaan Wasaaradda Amniga gudaha waxaa ciidamada looga mamnuucay in ay ilaalo u noqdaan musharrixiinta faraha badan ee kusii qulqulaya Magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar ah u Dowlad-Goboleedkaas. Ciidamada heer federaal & kuwa heer Dowlad-Goboleed ayaa lagu wargeliyay in ay joogaan goobaha ay ku shaqeeyaan, ciddii amarkaas qaadan weysa ayay Wasaaradda Amniga sheegtay in ay ka qaadayso tallaabada ku habboon. Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Amniga Gudaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in musharrixiinta u tartameysa kuraasta kala duwan ee doorashadooda dhowaan uu Dowlad-Goboleedka Jubbaland qabanayo wargelin sameeyaan si loogu diyaariyo ilaalo. Qodobka…
Waxaa magaalada Buuloburde ka qabsoomay kulan looga hadlay amniga magaalada Buuloburde, iyada oo kulanka ay qeyb ka ahaayeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka dagmada Buuloburde ee ku sugan gobolka Hiiraan. Kulanka, ayaa waxaa shir gudoominayay ku simaha taliyaha qaybta 27-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed Gaashaanle dhexe Cabdullahi Barre. Sidoo kale, kulanka ayaa gaashaanlaha waxa uu saraakiisha ka dhagaystay xaaladda guud ee gobolka, halka uu maraayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo deegaannada ay ku sugan yihiin. Dhanka kale, Taliyaha ayaa ku bogaadiyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ka howlgala dagmada iyo deganada ku hareereysan.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnan ayaa shaacisay in mudada 13-ka bil ah ee uu socdo dagaalka u dhaxeeya Xisbullah iyo Isra’il gudaha Lubnan lagu dilay in ka badan 3,000 oo ruux. Tiradan ayaa laba jeer ka badan dadki reer Lubnan ee lagu dilay dagaalki Xisbullah iyo Isra’il dhex maray 20 sano ka hor. Ilaa iyo hadda ma jiraan calaamado muujinaya dhamaadka dagaalkan. Isra’il waxay sheegtay in ay waddo howlgallo ay ku beegsaneyso kaabayaasha Xisbullah meelo badan oo ka mid ah Lubnan, halka Xisbullah ay sii waddo gantaallada culus ee ay ku garaaceyso waqooyiga Isra’il. Gantaaladaasi waxay billowday maalinti ay Hamaas weerartay koofurta…
Malaayin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaada ah u dareeraya goobaha ay yaalaan sanaadiiqda cododka, si ay u soo doortaan madaxweynaha xukumi doona afarta sano ee soo socota Trump ayaa ku billaabay magaalada Reading ee cirifka koofureed ee Pennsylvania. Harris ayaa iyaduna joogtay magaalada Allentown oo 30 mile un u jirta Reading. Trump ayaa u sheegay dadka gobolkaasi “in haddii uu ku guuleysto codkooda ay arrintu ku dhamaan doonto in uu ku guuleystay madaxtinimada Mareykanka.” Harris ayaa iyaduna ku boorrisay dhammaan dadka gobolka Pennsylvania in ay codeeyaan, taasoo dhinac u ridi doonta macnana u sameyn doonta doorashadan…
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa caawa kashifay qorshe uu wado madaxweyne Xasan Sheekh oo safar aan la shaacin dalka uga maqan. Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in maanta uu magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya. Wuxuu sheegay in wadfigaas uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Kenya ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka. “Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya isla Markana Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane…
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qeyb-galay shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo ka dhacay magaalada Glasgow ee dalka UK. Shirkaan ayaa looga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo la-dagaalanka argagixisada. Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa halkaasi ka sheegay in wada-shaqeynta booliska caalamka ay tahay mid fure u ah nabad-gelyada iyo xasilloonida. Waxa uu intaas kusii daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay door muhiim ah ka qaadato iskaashigan si loo xaqiijiyo amniga caalamka oo dhan. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada amniga, gaar ahaan tiknoolajiyada biometirka…
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta afar diyaaradood u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfut Galbeed. Diyaaradahan oo sida shixnado gargaar mucaawino ah ayaa waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dirtay hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA, taas oo dowladda federaalka u qaabilsan arrimaha gargaarka iyo taakuleynta. Ujeedka gargarkaan ayaa lagu sheegay in shacabka magaladaas uga gaashaantaan abaarta cabsida laga qabo, waxaana hore gargarkaan Soomaaliya ugu deeqay dowladda Shiinaha. Agasimaha waaxda gargaarka SODMA Sahra Cali Yuusuf oo warbaahinta kula hadashay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa sheegtay in gargaarkan looga jawaabayo baaqii madaxda qaranka iyo…
Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankooda shanaad ee wadajirka ah. Waxaa shir guddoomineysay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenadda Baarlamaanka labadiisa aqal. Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta qoondada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2025 oo uu Golaha horgeeyay Guddiga Maaliyadda ee Labada Aqal. Waxaa warbixinta akhrinta sedaxaad ee miisaaniyadda 2025 Xildhibaanadda la wadaagay Xildhibaan Cabdulqaadir Xuseen Cabdi (Uurdoox) oo ah xoghayaha Guddiga Miisaaniyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka. Intaasi dib Xildhibaanadda Labada Aqal…
Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasiir ku-xigeen cusub u Magacaabay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Wareegto ka soo baxday xafiiska raisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay Cabdirashiid Maxamed Ducaale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Xilkan ayaa waxaa iska casilay shalay Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo ka soo jeeda degaanada Jubbaland kaasoo qoraal uu soo saaray ku eedeeyey Xukuumada Xamse Barre inay ka leexatay wadadii saxda aheyd, isla markaana ay baal martay dastuurkii lagu soo doortay. Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa la sheegay inuu ka mid yahay taageerayaasha Axmed Madoobe oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo madaxda DF.…