Author: radiohalgan.com

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in duqeyn culus laga fuliyay deegaanka Kuukaayle ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Bayaanka ayaa lagu tilmaamay in howlgalka lagu beegsaday xubno ka tirsan AS iyo gaadiid dagaal oo ay wateen. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, howlgalka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya ka caawiyay saaxiibada caalamiga, iyadoo la gaarey ujeedkii laga lahaa. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Read More

Inta la xaqiijiyay 15 qof ayaa ku geeriyootay, halka 29 kale ay dhaawacyo soo gaareen, kadib markii xalay shil tareen ka dhacay magaalada Shiniile ee Gobolka Sitti sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida, Mustaf Maxamed Cumar. Tareenka ayaa sawirro laga soo qaaday muujinayaan burburka tareenka oo ka baxay wadada, iyadoo gargaarka degdega ay goobta ka qaadeen dadka dhaawacyada ah. Jidkaan tareen ayaa ah mid duugoobay oo muddo dheer ka hor uu dhisay gumeystihii Farasiiska, waxaana uu tagaa magaalada Dirirdhaba. Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo shacabka ay dhibaatadu saameysay, isagoo yiri:“Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo dadka ku naf…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha. Madaxweynaha ayaa ku boorriyay Wasiirrada in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee AS lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka. Sidoo kale, waxaa la…

Read More

Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal xuduudeed oo khasaare culus sababay . Labada dal ee Afgaanistaan iyo Pakistan ayaa mid walba sheegtay inuu kan kale u geystay khasaare weyn kadib dagaal culus oo ka dhacay xadka labada dal. Afgaanistaan waxay sheegtay inay dileen 58 askari oo Pakistani ah, halka Pakistan ay sheegtay inay qabsatay 19 saldhig xuduudeed oo Afghan ah. Labada dhinac ayaa mid walba sheeganaya guul ciidan, balse xaaladda xadka ayaa weli kacsan. Dagaal ma keeno nabad wada hadal ayaa furaha xal waara.

Read More

Xog gaar ah: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaka waqti hore gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia. Safarka Madaxweynaha oo ahaa mid aad xogtiisa loo qariyay, majirin wax masuuliyiin dowladeed ah la socday. Diyaarad gaar ah ayuu ku tegay Madaxweynuhu, waxaana la socday Kaaliyihiisa gaarka ah, Madaxa Habmaamuuska iyo illaalo kooban. Madaxweyne Xasan ayaa saacad kaddib ku laabanaya Muqdisho. Sida aan ogaanay safarka Madaxweynaha waxaa laga qariyay Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa, waxaana garoonka ka qaaday Raysal Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed oo waqtigan ay xafiiskiisa uga socdaan wadahadallo gaar ah. Xogta safarka oo faahfaahsan iyo wax laga wadahadlayo waxaad mardhow ka helaysaan  radiohalgan.com

Read More

Dowlada Soomaaliya ayaaxaqiijisay in kooxda weerartay godka Jilicow ay isticmaalay gaadhi loo ekeysiiyay kan Nisa. War kasoo baxay ayaa lagu yidhi: “Maanta abaaro 4:40 galabnimo, koox ka tirsan AS ayaa weerar naf-halignimo ah ku qaaday xarunta Godka Jilicow, oo ka mid ah xarumaha hay’adda NISA. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa isticmaalay gaari ay u ekaysiiyeen gaadiidka ciidamada hay’adda. Qaar ka mid ah kooxda ayaa la toogtay, waxaana haatan socda howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxdan weerarka soo qaaday. Wixii warar ah ee ku soo kordha howlgalka, dib ayaan ka soo gudbin doonaa.”

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadday xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid lagu carqaladeynayo nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku tilmaamay fal argagixiso oo lagu doonayo in lagu cabsi geliyo bulshada iyo lagu dhaawaco hay’adaha ammaanka dalka. “Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka kooxda argagixisada ah ee AS ay ku qaaday xarunta Godka Jilacow ee Magaaladda Muqdisho. Duullaankaan waa mid lagu wiiqayo nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Madaxweynihii hore ayaa tacsi u…

Read More

Qarax xooggan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho kadib saacado uun markii dowladda ay qaaday tallaabo dib loogu furay in ka badan 50 waddo oo horay loogu xiray sababo amni dartood, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha caasimada. Qaraxa ayaa ka dhacay aagga xarunta Madaxtooyada, gaar ahaan xarunta Godka Jilacow ee hay’adda NISA, iyado qaraxyo iyo rasaas xooggan weli laga maqlayo aagga Godka Jilacow, waxaana soconaya iska hor imaad u dhexeeya ciidanka amniga iyo xubnaha AS ee weeraray halkaasi. Weerarka ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo lagu dhuftay bar-koontarool oo ku taalla halkaasi, kadibna waxaa xigay…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay weerar ku bilaabmay gaadhi qarax laga soo buuxiyey kaas oo lala eegtay xaruunta nabad sugidda gobolka Banaadir ee Godka Jilic halkaas oo aan sidaa uga fogayn xaruunta Soomaaliya looga taliyo ee Villa Soomaaliya. Koox hubaysan ayaa gudaha u gashay xaruunta iyada oo la soo werinayo in ay ilaa hadda halkaas ka dhex dagaallamayaan oo ay dedaal ugu jiraan sidii ay u sii deyn lahaayeen maxaabiista u xidhan arrimaha argagaxisannimo ee halkaas lagu hayo. Warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa soo tebinaya in xaruunta uu shir uga…

Read More

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa qaaday tallaabo ay soo dhaweeyeen shacabka magaalada Muqdisho, ka gadaal markii uu soo bandhigay dhallinyaro la sheegay in ay suurad xumeeyeen sawirka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, kaas oo Muqdisho ka socda. Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaallo ay iska soo duubeen dhallinyaro lagu qayaasay in ay ka yar yihiin 20 sanno, kuwaas oo garoonka dhexdiisa ku adeegsanaya Toorrey, iyaga oo muuqaallo isaga soo duubaya, xilli ay ku fara kaciyaaraan, taas oo halis galinayso naftooda, iyo tan taageerayaasha. Dhallinyaradaan ayaa isugu faanaya hab jalliin ay ku baratamayaan, muqaallada ay…

Read More