Muqdisho, janaaya, 09, 2024:- Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Hir-shabelle oo Magaalada Muqdisho ugu qeybgalay Shir looga hadlyay quudinta Ardyada.
Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Dowladda Hir-shabelle Mudane Amin Muqtaar Axmed, ayaa Magaalada Caasimada Muqdisho maanta ugu qeybgalay shir muhiim ah oo looga hadlyay quudinta Ardyada Hir-shabelle (feeding Students School of Hirshabelle)
Shirkaan oo sido kale ay kaqeybgaleen masuliyiin kale oo Wasaaradda kamid ah ayaa si xoog ah looga doodayay horumarinta Adeega quudinta Ardyada si gaar ah degaanadii dhawaan kooxada Argagaxisada laga kiciyay ee Hir-shabelle oo siweyn ay Ardyada ugu baahanyahiin iyo waxii ka qabsoomay sanadkii hore mashruucaan.
Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta oo si qoto-dheer u sharax muhiimada gaarsiinta barmamajidkan quudinta Dusiyada ayaa dhan kale ugu mahadceliyay haay’adaha howshaan kaqeyb qaato ee soo agaasimay shirkan.
-DHAMAAD-