Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo la filayo inay fool ka fool isku arkaan

    Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo la filayo inay fool ka fool isku arkaan

    By radiohalgan.comJanuary 26, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dawladda Talyaaniga ayey wararku sheegayaan inay marti galin doonto shir madaxeed ay isugu keenayso madaxda dalalka Afrika.

    In ka badan kala bar dalalka qaaradda ayaa la filayaa inay ka qayb galaan shir madaxeedkaas oo maalmaha soo socda lagu wado inuu ka billowdo magaalada Roma, waxaana la filayaa inay ka qayb galaan oo ilaa hadda casumaadda aqbalay 15 madaxweyne iyo 8 ra’iisul wasaare. Waxaa kaloo jira wakiillo ayagana ka socda dalal kale oo Afrikaan ah, iyo wufuud guud ahaan tiradooda lagu sheegay 57 wafdi.

    Ilaa hadda waxaa la ogyahay in madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedkaas ay ka mid yihiin madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

    Wararku waxay sheegayaan sheegayaan in ujeddada shirku tahay in dawladda talyaaniga ay dalalkaas Afrikaanka ah kala hadasho qorshaha la yiraahdo Piano Mattei – Qorshaha Mattei – oo dadka u dhuundaloola arrintaas ay ku macneeyeen inuu la mid yahay qorshihii Marshal Plan ee dagaalkii labaad ee dunida ka dib dhaqaale ahaan lagu caawiyey Yurub sidii ay burburka dagaalka uga soo kabsan lahayd.

    Qorshaha Piano Mattei ayaa leh qodobbo ay ka mid yihiin horumarinta iskaashiga, dhiirri galinta dibad wax u dhoofinta iyo maal gashiga, waxbarashada, tababarrada mihnadeed, cilmi baarisyada, caafimaadka, beeraha iyo cunnada, iyo qaar kale oo ay ka mid yihiin biyaha iyo tamarta, dhowrista deegaanka, la qabsiga cimilada, casriyeynta iyo xoojinta kaabayaasha iyo qaar kale.

    Walow ajedaha ay qodobadaas ku jiraan, misna ilo ku dhow diblomaasiyiinta qabanqaabada shirka wada waxay noo sheegeen in mushkiladda ka aloosan geeska Afrika aysan meesha ka marnayn. Ma cadda sida la doonayo in loo wajaho, hase yeeshee Talyaanigu β€œwuxuu ka gaabsanayaa sida ay diblomaasiyiintaas sheegeen inuu culays ku saaro in dalalka geeska ee muranku u dhaxeeyo ay wada fariistaan oo ay wada hadlaan” sida ilahaas laga soo xigtay.

    Waxay intaa ku dareen in ay suurtogal tahay in talyaanigu β€œu kala dab qaado dhinacyadaas muddada shir madaxeedku socdo ama ay dhici karto in kulamo aan rasmi ahayn ay yeeshaan, bacdamaa shir madaxeed laga wada qayb galayo, casho sharafna la isugu imaan doono habeenka Axadda, taasoo uu marti qaadkeeda fidiyey madaxweynaha Talyaaniga ”.

    Dalalka gobolka oo Soomaaliyana ku jirto weli kama aysan hadlin, laakinse mas’uul ka tirsan xukuumadda Soomaaliya wuxuu BBC u xaqiijiyey in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka ka qayb galayo.

    • Xanuunnada halista ah ee laga yaabo inuu wax ka taro subagga ay Soomaalidu isticmaasho13 Nofembar 2023
    • Sadio Mane oo aroos weyn u dhigay gabar uu ku tilmaamay inay leedahay sifooyinkii uu doonayey (sawirro)11 Jannaayo 2024
    • Sida feeryahan Ramla Cali dib ugu soo dhacsatay suunka feerka ee horey looga qaaday8 Nofembar 2023
    Abiy iyo Muuse

    Shir madaxeedkan ayaa ku soo aadaya ayadoo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay debciyeen siiqada adkayd ee luqadda ay is dhaafsanayeen wixii ka dambeeyey 1dii Janaayo, markii heshiiska is faham ee xiisadda dhaliyey ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.

    Waxaa kaloo shir madaxeedka ka qayb galaya urur goboleedyo uu ka mid yahay midowga Afrika oo hore ugu baaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada fariistaan oo ay ka wada hadlaan arrimaha u dhaxeeya.

    Sida ay sheegayso Shukri Said oo ah saxafiyad deggan Roma, madaxda hay’ado calami ah oo ay ka mid yihiin midoga Yurub, IMF, bankiga adduunka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay shirkaas ka qayb galaan.

    Dhaqaalaha qorshahan ayaa lagu wada inuu ka yimaado lacago ay bixinayaan dalalka hodanka ah iyo ururrada caalamiga ah ee midowga Yurub uu ka mid yahay, ayadoo sidoo kalena la filayo in Talyaanigu uu ku yabooho 4 – 6 Bilyan oo dollar oo ka mid ah dhaqaalaha qorshayaasha ka soo baxaya shirka lagu fulinayo.

    BBC SOMALIA XIGASHO

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.