Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa lagu dilay, tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal malayshiyaad beeleed ku dhex maray degaano ku teedsan xadka gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Dagaalka malayshiyaadkan ayaa salka ku haya muran dhul beereed, sida uu sheegay maamul gobaleedka Hirshabelle.
Wariyaha VOA ee magaalada Baledweyne Xuseen Xasan Dhaqane ayaa xaalada sida ay tahay ka wareystay wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure
Hoos ka dhageyso:-