Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Hirshabelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) aayna wehliyaan Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe, Taliyaha Booliska Hirshabelle Kor. Xasan Dhicisoow Xasan iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin maamulka degmada Jalalaqsi iyo qeybaha bulshada ayaa wafdigaasi kusoo dhaweeyay degmada Jalalaqsi.
Wafdigan ayaa socdaalkooda waxa uu salka ku haayaa sidii Heshiis loo kala dhaxdhigi lahaa beelo walaalaha oo dagaal uu ku dhaxmaray deegaanno dhaca xuduudka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Waxaa xusid mudan in muddo 5-maalin ah howlo nabadeyn ah degmada Jalalaqsi u joogo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin waxaana lagu wadaa in howsha nabadeynta ah ee uu bilaabay wada jir loo dhameystiro.