Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Waa maxay faa’iidada miraha qoondarka (flaxseeds)?

    Waa maxay faa’iidada miraha qoondarka (flaxseeds)?

    By radiohalgan.comJanuary 17, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Miraha qoondarka oo afka qalaadna lagu yiraahdo flaxseeds (ama linseeds) waxay ka yimaadaan dhirta flax, oo saynis ahaan loo yaqaanno Linum usiatatissium.

    Waxaa jira labo nooc oo mirahan ah: dahabi iyo bunni. Nafaqada ku jirtaa waa isku mid, balse wax yar ayay midab ahaan ku kala duwan yihiin, iyadoo labaduna ay sida looska u dhadhamaan, haddana qoondarka dahabiga ah ayaa yara macaan halka kuwa bunniga ah ay leeyihiin dhadhanka sida in la dubay.

    Qoondarka ama flaxseeds caadi ahaan waxaa la helaa iyagoo miro dhan ah, la shiiday amaba bur laga dhigay. Sidoo kale waxaa jirta saliid laga sameeyay.

    Qoondarka ayaa ka baxa dalka UK, iyo sidoo kale qeybo dunida ka mid ah, mar walbana waa laga helaa dukaamada. Geedka Flax ayaa soo saara ubax shan fiid leh kaasoo dillaaca xilliga kuleylaha, kaddibna waxay sameeyaan qolof wareegsan oo hoy u noqda miraha qoondarka.

    Marka ay qoloftu isu beddesho jaalle, miraha ayaa dibadda usoo baxa, waana u diyaar markaas in la gurto.

    Miraha qoondarka kuleyl iyo qabowba waa lagu cuni karaa, iyadoo lagu darsanayo cabitaannada iyo boorashka, maraqa iyo doolshada. Haddii aad isticmaaleyso saliidda qoondarka, waxaad ku darsan kartaa saladhka iyo maraqan.

    15g (1 qaaddo) flaxseeds shiidan ah waxaa ku jira:

    • 76Kcal/318KJ
    • 4g borotiin
    • 6g dufan
    • 9g carbohydrate
    • 3.3g fibre
    • 0.2mg vitamin B1
    • 0.2mg copper
    • 57mg magnesium
    • 1.1mg bir

    Miraha qoondarka waxaa lagu yaqaannaa inay ku badan tahay fibre-ka iyo maaddada omega-3. Maaddaama mid dhirta ku saleysan uu yahay, omega-3 laga helo flaxseeds wuxuu ku yimaadaa habka ALA (alpha linolenic acid), taasoo laga yaabo inaysan waxtar u lahaan sida omega-3-ga xayawaanka laga helo balse weli cunnada ayaa lagu darsan karaa, gaar ahaan haddii aadan cunin saliidda kalluunka.

    Waa maxay faa’iidooyinka caafimaad ee flaxseed?

    1. Waxay gacan ka geystaan ka hortagga inay halbowleyaashu xirmaan

    Daraasado xayawaan lagu sameeyay ayaa muujinaya in saameynta ka hortagga hurka ee miraha qoondarka ay u muuqdaan inay saameyn faa’iido u leeyihiin kolastraoolka uuna gacan ka geysan karo yareynta inay dufan ku ururto derbiyada halbowleyaasha, taasoo yareyn karta qulqulka dhiigga.

    2. Waxay gacan ka geystaan joogteynta cadaadiska dhiigga oo caafimaad leh

    Daraasado lagu sameeyay xayawaanka iyo bani’aadamka ayaa muujinaya in miraha qoondarka ay gacan ka geystaan hoos u dhigidda dhiig-karka, iyagoo leg faa’iidooyin ka hortagga hurka jirka.

    3. Waxay gacan ka geystaan xakameynta sokorta dhiigga

    Miraha qoondarka ama flaxseeds ayaa la ogaaday inay hoos u dhigaan glucose-ta dhiigga.

    4. Waxaa laga yaabaa inay ka hortagaan kansarka naasaha

    Waxaa jiray daraasado lagu sameeyay bani’aadamka iyo xayawaankaba oo muujinaya in miraha qoondarka ay leeyihiin ka hortagga kansarka naasaha, waxaa tan sabab u ah maaddooyinka ku jira sida omega-3 oo caadiyan ka hortaga hurka jirka.

    5. Waxaa laga yaabaa inay gacan ka geystaan kobcinta maskaxda dhallaanka

    Daraasad sanadkii 2011 lagu sameeyay xayawaanka ayaa lagu ogaaday in cunnada ay hooyadu cunto ee ay ku jirto flaxseed ay gacan ka geysatay koboca caafimaadka leh ee maskaxda dhallaanka.

    Baaritaan dheeri ah ayaa loo baahan yahay si loo go’aansado inay faa’iido u leedahay bani’aadamka, balse waxaan ognahay in cunidda omega-3 ay sare u qaaddo waxbarashada, xusuusta iyo qulqulka dhiigga ee maskaxda.

    6. Waxay gacan ka geysan karaan ka hortagga calaamadaha caado go’a

    Flaxseeds waxaa ku jira maaddooyinka phytoestrogens, oo la mid ah kuwa oestrogen ee aadmiga laga helo. Maaddooyinkan phytoestrogens ayuu jirku u beddelaa kuwo faa’iido u yeelan kara inay ka hortagaan calaamadaha caado go’a.

    7. Waxay maqaarka ka dhigaan mid caafimaad leh

    Daraasad sanadkii 2010 la sameeyay ayaa lagu ogaaday in haweenka isticmaala saliidda flaxseed ay isku arkeen isbeddel dhanka jirka ah iyadoo qalleylka maqaarka uu ka ba’ay uuna qoyaan yeeshay

    8. Waxay gacan ka geysan karaan hoos u dhigidda miisaanka

    Miraha qoondarka waxaa ku badan maaddada fibre, inaad cuntana waxay hoos u dhigeysaa abitaytka maaddaama aad dareemi doonto inay calooshu ku buuxdo oo aad dheregsan tahay, taasna waxay keeneysaa hoos u dhac miisaanka ah.

    Waa maxay sida ugu caafimaadka badan ee loo cuni karo flaxseed?

    Miraha qoondarka oo la shiiday ayaa ah kuwa faa’iidada ugu badan laga heli karo, intii la cuni lahaa iyagoo dhan dhan, maaddaama maaddada omega-3 ee ku jirta laga heli karo jirka marka la cuno.

    Miraha qoondarka oo dhan dhan caadi ahaan waxay sii ahaanayaan kuwo aan shiidneyn.

    Saliidda miraha qoondarka ayaa waxaa ku jira xaddi sare oo omega-3 ah marka loo eego kuwa la shiiday, balse miraha la shiiday waxaa iyagana ku jira faybar badan.

    Ku darso 1-2 tbsp boorashkaaga subixii

    Ku darso 1-2 tbsp cabitaanka

    Ku darso 1-2 tbsp maraqa digaagga ama kalluunka

    Ku darso 1-2 tbsp si aad ugu adkeyso

    Miraha qoondarku ma u fiican yihiin qof walba?

    Waa suurtogal inaad xasaasiyad ku qabi karto miraha qoondarka. Haddii ay jirto calaamad walba oo falcelin xasaasiyad muujineysa sida neefta oo kugu adkaata, barar wejiga ah, carrabka amaba faruuryaha, kaddib degdeg dhaqtar ugu tag maaddaama tan ay khatra ku tahya naftaada.

    Dadka isticmaala dawooyinka xiidmaha dhiigga yareeya amaba qaata dawada dhiig-karka ayaa lagula talinayaa inay dhaqtarkooda la tashadaan kahor inta aysan cunnadooda ku darsan flaxseeds.

    Miraha qoondarka ayaa gacan ka geysan kara hoos u dhigidda sokorta dhiigga waxaana dadka lagula talinayaa haddii ay dawo u qaataan sokorowga, inay la tashadaan dhaqtarkooda.

    Waxaa kaloo jira walaac ah in mirahan qoondarka ay sun noqon karaan maaddaama ay ku jirto maaddada cyanide. Si kastaba, waa haddii aad maalintii cunto wax ka badan hal kiilo oo flaxseeds ah marka walaacan uu imaanayo, balse qaadashada 1-2 tbsp maalintii (qiyaastii 15-30g) waxba ma dhibeyso.

    Mowduucyada la xiriira

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Sama fale Cabdicasiis Muudeey oo u dhaq-dhaqaaqa caawinta bulshada dan yarta ah ayaa weli wada caawinta iyo afurinta qoysaska danyarta ah ee beledweyne ku sugan. (SAWIRRO)

    March 19, 2024

    Sida khuuradu u dhibaateyn karto guurkaaga iyo xalka looga bogsan karo

    March 19, 2024

    DEG DEG: Sacuudiga oo ku dhowaaqay maalinta ugu horreysa ee bisha Ramadaan

    March 10, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.