Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

    August 18, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

    August 18, 2025

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

      August 18, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

      August 18, 2025

      Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

      August 16, 2025

      Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

      August 15, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

      August 18, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

      August 18, 2025

      Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

      August 16, 2025

      Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

      August 15, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa kuma Cabdiraxmaan Kulmiye oo ay maanta Somaliland xukun ku ridday?

    Waa kuma Cabdiraxmaan Kulmiye oo ay maanta Somaliland xukun ku ridday?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 9, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Garsoorka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sannad iyo badh xadhig ah ku xukumay Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, oo kamid ahaa shakhsiyaad ay Somaliland sheegtay inuu la shaqeynayay sirdoonka Soomaaliya.

    Hay’adda Sirdoonka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabatey Cabdiraxmaan 17-December 2023.

    Qoraal lasoo dhigay barta X ee hay’adda NIA ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan uu hay’adda NISA ee Soomaaliya “u qaabilsanaa khalkhal galinta amniga iyo siyaasadda”.

    Hay’adda NIA ayaa bishii December ee sanadkii hore sheegtay in ay qabteen labo nin oo ay ku sheegeen in ay yihiin sirdoodnka Soomaaliya gaar ahaan shaqsiyaad la shaqeyn jiray taliyihii hore hay’adda ee nabad sugidda Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin.

    Qoraal ay hay’adda ku soo daabacday boggooda X ee horay loo oron jiray Twitter, ayaa lagu sheegay in raggaasi hore u fuliyeen falal ka dhan ah jiritaanka Somaliland. Labada nin ayay ku sheegtay hay’addu magacyadooda Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdilaahi.

    Wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan kama aysan bixin hay’addu laba nin ee ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen.

    Maxaan ka naqaan Cabdiraxmaan Kulmiye?

    Sida ay noo sheegeen qoyskiisa oo ay BBC du xiriir la sameysay, Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo haysta shahadaada PhD, ayaa horay u soo noqoday Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland.

    Cabdiraxmaan ayaa ah nin ku takhasusuay cilmiga noolaha badda iyo dhammaan kuluumeysiga.

    Ciise Maxamud Dhollowaa oo saaxiib la ah isla soo shaqeyeen oo ku sugan magaalada Melbounre ee dalka Australia ayaa BBC u sheegay in uu si wanaagsan u garanayo Cabdiraxmaan.

    Wuxuu sheegay in uu aqoon dheer u leeyahay Dr. Cabdiraxmaan warbixino ku saabsan cilmiga noolaha baddana uu qoray.

    “Axadii la soo dhaafay ee labada bisha ayaa iigu dambeysay, waxaan ka hadalnay arrimo shaqsiyadeed, wuxuuna ii sheegay in uu hay’ado caalami ah uu la shaqeeyo”. ayuu BBC da u sheegay Ciise.

    Sidoo kale wuxuu sheegay aqoonta uu u leeyahay in ay uga filan tahay inuu ku qiimeeyo shaqsiyadiisa.

    “Muddo ayaan is naqaan, waxaan wada deggannahay magaalada Melbourne, Puntland waa ka soo wada shaqeynay, shaqsi ahaan ayaan u aqaan, ma ahan nin waxaas aqoon u leh,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    Mar aan weydiinay waxa ay kala socaan xaaladiisa markii la xiray wuxuu Ciise noo sheegay.

    “Dad aan ehel nahay oo u tagay ayaa noo sheegay in uu fiican yahay oo aysan ka muuqan wax dhibaato ah”.

    BBC Somali waxay la xiriirtay hay’ada NISA ee Soomaaliya si aan wax uga waydiino kiiska loo haysto labada nin ee ay Sirdoonka Somaliland ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen, balse waxay si hor dhac noogu sheegen “in aysan ragaasi ku jirin galka hay’adda NISA, baaritaanna ay ku wadaan kiiska,”

    Sidoo kale xiriir aan la sameynay hayadda sirdoonka Somaliland ayaan suuragalin inaan helno.

    Dadka ay qabatay hay’adda NIA

    Waxaa jira dad badan oo loo haysto eedeymo kala duwan oo bishii u dambeysay ay ha’yadd NIA sheegtayt in ay soo qabatay. Qabashada Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdilaahi ayaa tii ugu dambeysay ee baahisay hay’adu.

    Marar kala duwan oo ay BBC isku dayday inay wax ka waydiiso qabashada dad ay ajnabi kamid yihiin oo ay sheegtay hay’addu inay gacanta ku dhigtay ayaa guul darro ku dhamaaday.

    Isniitii afarta bishan December ayey sheegtay ha’yadda in ay qabatay saddex nin oo lagu eedeeyay in ay xogaha amniga Somaliland siin jireen khaatumo.

    Saddaxda nin ayey magacyadoodu ku sheegtay hay’adda Cabdifitaax Cali Cabdi, Cabdifitaax Xasan Cilmi iyo Cabdirashiid Muxumad Ibraahim.

    Hay’adda waxay kaloo hore u sheegtay in ay gacan ku dhigtay labo boqol oo taayar oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka kuwaas oo loo waday dhinaca Laasacaanood.

    Warar kale ee hay’adda hore u sheegtay waxaa ka mid ahaa in laba gaari oo u rarnaa Khaatumo iyo darawaldooda ay qabatay. Waxyaabaha saarnaa ma aysan faahfaahin hay’ddu.

    Sidoo kale waxay hore u sheegtay in saanad militeri oo ay kamid yihiin kabo ciidan ay ku qabteen gobolka Togdheer waxayna ku sheegtay in loo waday Khaatumo.

    Waxyaabaha kale ee hay’adda dhawaan ay sheegtay waxaa ka mid ah in 18 gawaari ahoo aan nambarka taarikada laheyn oo waday falal qorsheyn ay qabteen.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

    August 18, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

    August 18, 2025

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

    August 18, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

    August 18, 2025

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.