Close Menu
    What's Hot

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Tahriibayaal Soomaali ay ku jirto oo ku xayiran Garoonka Diyaaradaha ee Madrid

    Tahriibayaal Soomaali ay ku jirto oo ku xayiran Garoonka Diyaaradaha ee Madrid

    By radiohalgan.comFebruary 3, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Isbaanishka ayaa sheegay in dhowr boqol oo muhaajiriin magangalyo doon ah ay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha ee Madrid ee dalka Spain, ayna ku sugan yihiin xaalada xun, maadaama ay seexdaan “meel cariir ah oo aan munaasab ahayn”.

    Muhaajiriintan oo inta badan ka yimid dalalka Senegal, Somaaliya iyo Morocco, ayaa qaar badan oo ka mid ah waxa garoonka diyaaradaha ee Madrid ay ka sameysteen teendhooyin yar yar oo ay seexdaan, halka kuwo kalana ay ku nool yihiin xaalad ciriiri ah, ayaga oo dhex jiifta meelo aan nadiif ahayn.

    Dadka muhaajiriinta oo qaar badan oo ka mid ah ay u socdaan dalalka Laatiin Ameerika si ay uga sii gudbaan Mareynkanka ayaa si caadi ah ugu nool gudaha garoonka, ayaga oo dharka ku dhaqda musqulaha caadiga ah ee garoonka ku yaal sida ay tilmaameen Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Spain.

    Guddiga Kaalmada Qaxootiga ee Spain (CEAR) ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in tirada dadka codsanaya ilaalinta caalamiga ah marka ay ka soo degeen garoonka caalamiga ah ee Madrid,ee Barajas, ay korortay tan iyo sanadkii hore.

    “Garoonka diyaaradaha Barajas ayaa wajahaya dhibaatada weyn oo ay ku hayaan dadka magangalyo doonka ah ee sii kordhay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga Kaalmada qaxootiga ee Spain.

    Afhayeenka gudiga CEAR Elena Munoz ayaa tiri “dadku waxay ku seexdaan joodariyaal dhulka yaal oo halkii xabbo dhowr qof ay wadaagaan, kuwo kale ayaa kartoonno isaga jiifta”.

    Waxaa jiray ilaa 400 oo qof oo ku xayirnaa garoonka usbuucii hore, “in badan oo ka mid ah ayaa yimaada maalin kasta,” sida uu sheegay Munoz guddiga Kaalmada Qaxootiga ee Spain.

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Isbaanishka ayaa sheegay in aysan bixin karin xog sax ah oo ku saabsan tirada dadka soo galootiga ah, balse waxaa uu yiri” duulimaadyada yimaada Spain waxaa ay isku badelleen kuwo sida dadka muhaajiriinta ah”.

    Sida ay sheegtay wasaaraddu, waxaa jira saddex qol oo loogu talo galay dadka soo galootiga ah ee magangelyo doonka ah, iyadoo mid afraadna si degdeg ah loo dhisi doono.

    Tallaabooyinka ay dowladda Spain qaaday.

    Dowladda Spain oo ka duulaysa sidii ay uga hortagi lahyed qulqulka muhaajiriinta soo gaaray dalkaasi ayaa qaaday tallaabooyin dheeraad ah. Waxaa ay sheegtay inay kordhisay ciidanka ilaalinta xarumaha garoonka ,tirada booliiska, saraakiisha xuduudaha iyo shaqaalaha nadaafadda ee garoonka ka howgala.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in la soo rogay shuruudo looga baahan yahay muwaadiniinta u dhashay dalalka qaar, sida Kenya iyo Senegal, kuwaas oo looga baahan yahay in ay heystaan dal ku galka Spain xataa haddii ay dal kale u socdaan oo ay transit yihiin.

    Muhaajiriinta Afrikaanka u badan ayaa waxaa inta badan ay yihiin kuwo u socda dalalka Laatin Ameerika, ayagoo marka ay gaaraan Spain dalbada dal ku galka Brazil iyo waddamo kale kuwaas oo laga rabo Visa in ka badan 20 bari .

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga oo booqatay garoonka iyo goobaha ay ku sugan yihiin dadka soo galootiga ah ayaa sheegay in halkaasi ay ka jirto xaalada caafimaad xumo oo aad u liidata

    Sidoo kale hay’adda Laanqeyrta cas ayaa walaac ka muujisay xaalada noololeed ee dadka, waxayna go’aansatay inay si ku meel gaar ah u joojiso adeegyadii ay ka bixin jirtay garoonka.

    Socdaalka sharci darrada ah iyo magangelyada ayaa noqday arrimo siyaasadeed oo lagu muransan yahay Yurub, Maraykanka iyo waddamo kale tobankii sano ee la soo dhaafay iyada oo muhaajiriin badan ay safarro khatar ah ku galeen badda Mediterranean-ka iyo xudduudda Mareykanka iyo Mexico.

    2023-kii wuxuu ahaa sanadkii soo galootiga ugu badnaa ay gaareen dalka Spain.

    ISHA: BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.