Close Menu
    What's Hot

    Waa kuma Musharaxa maalinta biri ah ku soo wajahan magalada Beletweyne

    July 29, 2026

    Waa kuma Musharaxa maalinta biri ah ku soo wajahan magalada Beletweyne

    July 29, 2026

    Eedaysane Aabihii Bud Ku Dilay ka Dibna God Ku Aasay Oo Gacanta Lagu Soo dhigay.

    July 27, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa kuma Musharaxa maalinta biri ah ku soo wajahan magalada Beletweyne

      July 29, 2026

      Waa kuma Musharaxa maalinta biri ah ku soo wajahan magalada Beletweyne

      July 29, 2026

      Eedaysane Aabihii Bud Ku Dilay ka Dibna God Ku Aasay Oo Gacanta Lagu Soo dhigay.

      July 27, 2026

      Musharax Madaxweynaha Hirshabeelle Mohamed Abdulkadir oo maanta Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Odayaasha Hirshabelle.

      July 26, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Boqorka Baxrayn: Jinsiyadda waa laga qaadi doonaa qof kasta oo khiyaano qaran lagu helo

      May 1, 2026

      Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyey shir looga hadlay adkaynta amniga deegaannada Koonfur Galbeed

      June 23, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      Waa kuma Musharaxa maalinta biri ah ku soo wajahan magalada Beletweyne

      July 29, 2026

      Waa kuma Musharaxa maalinta biri ah ku soo wajahan magalada Beletweyne

      July 29, 2026

      Eedaysane Aabihii Bud Ku Dilay ka Dibna God Ku Aasay Oo Gacanta Lagu Soo dhigay.

      July 27, 2026

      Musharax Madaxweynaha Hirshabeelle Mohamed Abdulkadir oo maanta Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Odayaasha Hirshabelle.

      July 26, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Qarax gaari dameer lagu soo xiray oo lagu weeraray ciidan ka tirsan Boliska Kenya

    Qarax gaari dameer lagu soo xiray oo lagu weeraray ciidan ka tirsan Boliska Kenya

    By radiohalgan.comJanuary 19, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Gaari dameer lagu soo xiray bam ayaan shalay ku qarxay bar kontorool oo ku taalla xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ku dhintay hal askari oo ka tirsan booliska Kenya afar kalena way ku dhaawacmeen, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

    Warbixin ka soo baxday Booliska Kenya oo ay aragtay Wakaalladda Wararka AP, ayaa lagu sheegay in Gaariga uu watay Labo Dameer uuna la socday Nin uu ka gudbay Koontaroolka ay Soomaalidu ku leedahay Buula Xaawo, kadibna uu galay Dhulka Kenya, halkaasoo ay ku joojiyeen Askarta si ay u hubiyaan rarka saaran.

    Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkii waday uu ka booday gaari dameerka oo uu dib ugu soo laabtay xadka Soomaaliya daqiiqado ka hor inta uusan gaarigu qarxin,taasoo keentay in dab xoogan uu ka kaco xadka dhanka waqooyi ee Mandheera.

    Warka ayaa lagu sheegay in ninkii waday Gaari dameerka ay marki dambe xireen Ciidamada Booliska Soomaaliya, xilli uu doonayay inuu baxsado, waxaana la sheegay in Ciidamada Ammaanka ee Degmada Mandheera ay kala xaajoodeen Booliska Buula Xaawo in ninkaas lagu soo wareejiyo Maamulka Kenya.

    Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Al-Shabaab, oo ah koox fadhigeedu yahay Soomaaliya, xiriirna la leh Al-Qaacida ayaa la aaminsan yahay iney ka dambeysay.

    Xarakada Al-shabaab ayaa wacad ku martay inay ka aargudan doonto Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011-kii si ay ula dagaalamaan Al-shabaab. Kooxdan ayaa gudaha Kenya ka geystay afduubyo xiriir ah oo loo geystay dad reer galbeed ah oo khatar ku ahaa dalxiiska dalka; tiirka muhiimka ah ee dhaqaalihiisa.

    Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka noqday howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee xoojiyey dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-Shabaab. Hawlgalka Midowga Afrika ayaa sannadkii hore bilaabay dhimista ciidamadooda, iyadoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ahaa in gacanta dowladda Soomaaliya lagu soo celiyo.

    Sanadihii la soo dhaafay, weerarrada Al-Shabaab ee Kenya waxa ay ku koobnaayeen qaraxyo miinooyinka lagu aaso oo inta badan lala beegsado ciidamada Milateriga iyo Booliska. Isniintii, shan askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay ka dib markii gaari ay wateen uu haleelay qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay oo marayey deegaanka Lafey Mandera.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waa kuma Musharaxa maalinta biri ah ku soo wajahan magalada Beletweyne

    July 29, 2026

    Waa kuma Musharaxa maalinta biri ah ku soo wajahan magalada Beletweyne

    July 29, 2026

    Eedaysane Aabihii Bud Ku Dilay ka Dibna God Ku Aasay Oo Gacanta Lagu Soo dhigay.

    July 27, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Waa kuma Musharaxa maalinta biri ah ku soo wajahan magalada Beletweyne

    July 29, 2026

    Waa kuma Musharaxa maalinta biri ah ku soo wajahan magalada Beletweyne

    July 29, 2026

    Eedaysane Aabihii Bud Ku Dilay ka Dibna God Ku Aasay Oo Gacanta Lagu Soo dhigay.

    July 27, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.