Close Menu
    What's Hot

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Dowlad Goboleedyada wakhtigu ka dhamaaday waa inay qabsadaan Doorasho dadban”, Golaha Mustaqblka Soomaaliyeed.

      February 21, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Dowlad Goboleedyada wakhtigu ka dhamaaday waa inay qabsadaan Doorasho dadban”, Golaha Mustaqblka Soomaaliyeed.

      February 21, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » “Messi Ayaa Iga Codsaday Shaadhkayga, Waxa Aan Is-weydiiyey ‘Muxuu Ku Falyaa?’ Markii Dambe Ayaan Fahmay”

    “Messi Ayaa Iga Codsaday Shaadhkayga, Waxa Aan Is-weydiiyey ‘Muxuu Ku Falyaa?’ Markii Dambe Ayaan Fahmay”

    By radiohalgan.comJanuary 28, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Eloy Room waa goolhayaha kaliya ee uu xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi weydiistay garankiisa kaddib markii ay dhamaatay ciyaar saaxiibtinimo oo uu xulka qaranka Argentina 7-0 ku xasuuqday Curacao bishii March ee sannadkii hore.

    Goolhayaha kooxda Vitesse ayaa badbaadiyey kubbado badan oo xulka Argentina uu goolasha kusii dheeraysan lahaa, waxaana uu qaybtii hore sameeyey bandhig heersare ah isagoo Lionel Messi ka joojiyey darbado xooggan iyo kubbado xeeladaysan oo uu masaafo dhow kaga ganay.

    Markii ay ciyaartu dhamaatay ayuu Lionel Messi oo garankiisa ay isku haysteen ciyaartoyda Curacao ka dalbaday Eloy Room oo 34 jir inuu siiyo gara kiisa, waxaanay taasi layaab ku noqotay goolhayahan oo isaguna si degdeg ah ugu siibay.

    Eloy Room oo ka sheekaynaya dhacdadan ayaa yidhi: “Qof walba waxa uu doonayay shaadhka Messi. Sidaa daraadeed wax rajo ah kama qabin in aan anigu helayogarankiisa. Cuco Martina oo ah kabtankayaga ayaa ka hor ciyaarta igu yidhi: ‘waxa aan doonayaa garanka Messi!’… Markaa anigu waxaan haystay dookh ah inaan garanka ka beddesho goolhaye Emiliano Martinez. Waa goolhaye heer caalami ah, waanan ku qasbanaa inaan iska illoobo Messi.

    “Qaybtii hore waxa aan kubbado badan ka badbaadiyey Messi, markii aanu kusii soconay qolka labbiska waqtiga nasashada ayaan arkay Messi oo agtayda socda, waanan ka faa’iidaystay fursadda anigoo ku idhi: ‘Ma isiin kartaa garankaaga marka ay ciyaartu dhamaato?’. Wuxuu iigu jawaabay, ‘Haa, waa caadi. Waan samayn doonaa marka ay ciyaartu dhamaato.’ Wali waxa aan rumaysnaa in aanay dhacaynin sababtoo ah qof walba ayaa doonayay inuu weydiistay, aniguna waxba kama filaynin.

    “Qaybtii labaad ayaan sidii hore oo kale kubbado badan oo laadad toos ahaa uga badbaadiyey Messi. Markii ay ciyaartu dhamaatayayaan arkay isaga oo jooga hortayda xerada ganaaxa dhaxdeeda, waxaanan ku idhi: ‘Hey, ma isiin kartaa garankaaga?’ wuxuu igu yidhi: “Haa, waa sax.’ Wuu sii jeedsaday oo garankiisa ayuu iisoo saaray. Waxa aan is-weydiiyey ‘Sidee ayey ku dhacday in Messi garankiisa ku siiyo.’

    “Kaddib wuu iisoo jeedsaday oo wuxuu igu yidhi: ‘si fiican ayaad u ciyaartay, waxa aad tahay goolhaye fiican.’ Markii uu iga sii tegayay, ayuu Messi igu yidhi: ‘Laakiin adiguna garankaaga ma isiin kartaa?’ Waxa aan isweydiiyey: ‘Muxuu Messi ku falayaa garankaaga? Waan siiyey, waanan gacan qaaday.”

    Eloy Room oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray: “Ma aanan fahamsanahay waxa uu ku falayo garankayga, laakiin mar dambe ayaan fahmay markii uu ciyaartoyga reer Argentian ee aanu u wada ciyaari jirnay Columbus Crew ii sheegay in Messi uu urursado garamada qiimaha u leh isaga. Waxa uu gurigiisa ku haystaa garamo badan. Waxa laga yaabaa in uu garankaygu ku jiro, sababtoo ah waxa aan ahaa goolhayaha uu ka dhaliyey goolkiisii 100aad ee uu u dhaliyo xulka qarankiisa Argentina. Waxa laga yaabaa in garankaygu uu ku jiro kuwa uu kaydsaday.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Yusuf Garay ayaa Yiri Farriimaha Saddexda ah ee Galdogob

    February 9, 2026

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Thierry Henry Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League Xilli Ciyaareedkan.

    April 11, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.