Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Jamie Carragher Oo Magacaabay Tababaraha Uu Doonayo In Loo Dhiibo Liverpool

    Jamie Carragher Oo Magacaabay Tababaraha Uu Doonayo In Loo Dhiibo Liverpool

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Halyeyga Liveprool ee Jamie Carragher ayaa ka hadlay go’aanka tababare Jurgen Klopp uu kaga tegayo kooxdiisa Liverpool, waxaana uu tilmaamay macallinka uu la doonayo in uu noqdo beddelkiisa ee ay tahay in maamulka Liverpool ay magacaabaan.

    Jurgen Klopp ayaa soo afjaraya sagaal sannadood oo uu joogay Anfield, waxaana layaab ku noqotay taageereyaasha markii uu Jimcihii muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu go’aansaday inuu ka tago kooxda marka uu xilli-ciyaareedkani dhamaado, isaga oo ku sababeeyey inay dhamaatay tamartii uu shaqada kusii wadi lahaa

    56 jirkan oo Liverpool u qaaday Champions League, Premier League, FA Cup, Carabao Cup iyo Club World Cup ayaa tababaraha Liverpool noqday sannadkii 2015, isaga oo waqtigaas beddelay Brendan Rodgers.

    Tiro tababareyaal waaweyn ah ayaa lala xidhiidhinayaa Liverpool, waxaana ka mid ah Roberto De Zerbi, Zinedine Zidane iyo Xabi Alonso oo isagu ah shaqsiga ugu cadcad maadaama ay kooxdiisa Bayer Leverkusen wacdaro ka dhigayso horyaalka Bundesliga, sidoo kalena uu hore ugu soo ciyaaray Liverpool oo uu ka mid ahaa xiddigihii sannadkii 2005 u qaaday Champions League.

    Halyeygii Liverpool iyo xulka England difaaca uga ciyaari jiray ee Jamie Carragher ayaa waxa uu sheegay in labada tababare ee kusoo baxaya Liverpool ay yihiin Xabi Alonso iyo Roberto De Zerbi oo uu sheegay inay shaqooyin cajiib ah ka hayaan kubadda cagta, balse waxa uu hu’ga saartay Alonso.

    “Waxa aad ka firkirtaan tababareyaasha uu lasoo shaqeeyey Xabi Alonso, waa Rafa Benitez oo Liverpool ay wada joogeen, Jose Mourinho, Carlo Ancelotti iyo kuwo kale. Hadda waxa uu shaqo cajiib ah ka qabanayaa Bayer Leverkusen, waa tababaraha ugu da’da yar ee shaqada ugu fiican ka haya kubadda cagta, shakina kuma jiro.” Ayuu yidhi Jamie Carragher.

    Waxa uu intaa ku daray: “Mid kale waa Roberto De Zerbi ee Brighton jooga oo shaqo fiican qabanaya. shaqadiisu waa mid u dhow heerka Jurgen Klopp.

    “Laakiin waxa aad eegtaan waxa uu Xabi Alonso ka qabanayo Bayer Leverkusen, waxay la tartamayaan Bayern Munich. Bal eeg waxa uu De Zerbi qabanayo, waxa uu isku dayayaa inuu la tartamo kooxaha sare ee horyaalka Premier League, xilli-ciyaareedkii horena shaqo aan caadi ahayn ayuu qabtay.”

    Intaa kaddib ayuu Jamie Carragher sii kala doortay Xabi iyo De Zerbi, waxaanu yidhi: “Anigu waxa aan dooran lahaa Xabi Alonso.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Thierry Henry Oo Sheegay Sababta Uu Bellingham Uga Niyad Jabsanyahay Mbappe.

    November 6, 2024

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Mudane Yusuf Cabdi Farax ayaa maanta magaalada Baladwayne ka furay qorshe howleedka nabadda iyo amniga

    November 5, 2024

    Carragher Oo Saadaaliyay Shaxda Ruben Amorim Ee Man United.

    November 5, 2024
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.