Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Maxay Somaliland ka tiri inay Hargeysa joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo diyaarinaya dhaqan galka heshiiska MoU

    Maxay Somaliland ka tiri inay Hargeysa joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo diyaarinaya dhaqan galka heshiiska MoU

    By radiohalgan.comFebruary 18, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo ku eedeeyey Itoobiya “ inay doonayso inay qaadato dhul Soomaaliyeed”

    Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare ku sugan yihiin Somaliland kuwaas oo wada diyaar garów ay halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda.

    Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cali Maxamed Xasan ‘Cali Mareexaan’ ayaa BBC-da u sheegay ‘in Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafayba ay Itoobiya kala hadlaysay arimo badan oo khuseeya labada dhinac.

    “Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xiriir oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arintaas” ayu yiri wasiir Cali.

    Wasiirka ayaa beeniyey in saraakiil sar sare oo Itoobiyan ah ay ku sugan yihiin Somaliland, balse wuxuu xusay inay jiraan saraakiil sare oo Somaliland oo ku sugan Addisa Ababa.

    Wuxuu sheegay in wafti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa balse mar BBC-du ay wax ka weydiisay inuu sharraxo ujeeddada ay halkaa u joogaan inay la xiriirto heshiiskii is afgaradka ee ay bilowgii bishii janaayo ay la galeen Itoobiya ayuusan si cad u sheegin arintaasi.

    “ Horta wafdiyo Somaliland ah way ku kala maqan yihiin dunida, wax cusubna ma aha in wafdiyo Somaliland tagaan Kenya, Jabuuti, Maraykanka iyo Itoobiya, laakin waftiga wasiirka Arrimaha dibadda way joogaan Addis Ababa, waxay kala hadlayaan wax badan, waxay kala hadlayaan xiriirka labada dhinac balse maaha kaliya heshiiska sida dowlada Soomaaliya uun ay uga dhagan tahay ee wax badan ayaan dunida kala hadalnaa ” ayuu yiri Wasiir Cali.

    Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu arrimaha heshiiskaas is afgaradka ahaa ee ay la galeen Itoobiya u saaray guddi ka kooban siddeed xubnood oo isgu jira waxgarad iyo aqoonyahanno, kuwaas oo hadda gacanta ku haya qorshaha dhamaystirka arintaasi.

    Mar BBC-du waydiisay in xubnahaas kuwo ka mid ah ay hadda joogaan Itoobiya iyo in kale ayuu yiri “ Maya ma joogaan, waxay hadda joogaan Hargeysa”.

    Isagoo ka hadlayey xiliga ay Somaliland rajaynayso in heshiiskii is afgaradka ahaa laga dhigo mid rasmi ah ayuu sheegay “ si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso leh ayaa loo gaba gabayn doonaa dhawaan waxaana la hor gayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa” ayuu intaas raaciyey wasiir Cali.

    Wuxuu sheegay inay Soomaaliya galaan heshiisyo sanad walba laakin ay hadda ku foogan yihiin kaliya heshiis kiro ah oo Somaliland la gashay Itoobiya, “waana dagaal qaawan oo ay dowlada Xasan Sheekh la galeen Somaliland” ayuu BBC-da u sheegay Wasiirka Cali Maxamed.

    Somaliland iyo Itoobiya

    SOMALILAND IYO ITOOBIYA

    Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cali Maxamed Xasan ayaa xusay inay jiraan dano dhaqaale kuwo amni iyo iskaashi oo ay la leeyihiin Itoobiya.

    “Magaalada Wajaale iyo Jigjiga waxay isku jiraan wax aan badnayn, ganacsiga ayaan la leenahay Itoobiya, amaanka xaduudaha ayaan ka wada leenahay wada shaqayn marka waa wax soo socday waana xoojinaynaa” ayuu yiri wasiirku.

    Bishii janaayo kowdeedii ayey Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya magaalada Addis Ababa ku wada gaareen heshiis is afgarad ah kaas oo saxiixiisa ka dib ay si weyn ugu carooratay dowlada Soomaaliya.

    Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ay hadda doonayaan in loo beddelo heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u ogolaato in ay badda ka dhisato dekad ganacsi.

    Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.

    Taa beddelkeeda waxay Somaliland doonaysaa in aqoonsi ay ka hesho Itoobiya.

    Heshiiskaas ayaa heerkii ugu xumaa gaarsiiyey xiriirka Soomaaliya iyo Itooobiya iyadoo Soomaaliya fagaarayaal caalami ah gaysay waxay ugu yeertay in “Itoobiya ay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbananida dhuleed ee Soomaaliya”.

    Muddo bil iyo dheeraad ah oo ka soo wareegtay heshiiski is afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya wada galeen, wali si rasmi ah looguma baddalin heshiis toos ah, laakiin Somaliland ayaa sheegtay in ay arrintaasi dhawaan qabsoomi doonto.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.