Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Magacaabista Ra’iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Magacaabista Ra’iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Maxaa ka jira in Israa’iil ay asaastay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas?

    Maxaa ka jira in Israa’iil ay asaastay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas?

    By radiohalgan.comJanuary 19, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wararka ku saabsan in dhaqdhaqaaqa Xamaas uu ahaa mashruuc Israa’iil ay horey u abuurtay ayaa baraha bulshada iyo warbahintaba la wareejinayay – tan iyo markii ay kooxda ay weerareen Israa’iil 7 October . Hadaba maxaa ka run ah sheekadaasi?

    Xubno badan oo Xamaas ka tirsan ayaa diiday oo beeniyay sheegashadaas si la mid ah saraakiisha sarsare ee Israa’iil. Balse warkani waxaa mar si cad u sheegay madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak.

    Sidoo kale, Senetarka Jamhuuriga ee Congress-ka Maraykanka ayaa isna mar soo hadal qaaday arrintan waxaana sidoo kale lagala hadlay saraakiisha amniga gudaha ee Israel,ee Shin Bet.

    Akhwaan Muslimiinta

    Halganka dheer ee Xamaas waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa bartamihii 1940-aadkii ee dhulka falastiiniyiinta, markaas oo laamihii ugu horreeyay ee ururka Ikhwaanul Muslimiin laga aasaasay Gaza, Qudus iyo magaalooyin kale.

    Ka dib dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1967, dhallinyaradii Ikhwaanul Muslimiin kuma qanacsanayn hoggaamiyeyaashooda diinta iyo siyaasadda.

    Dukumentiyada ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa muujinaya in xarakadu ay aad diiradda u saarto dhanka waxbarashada, dhaqanka, bulshada iyo ruuxiga ah, balse aysan ku mashquulin dhaqdhaqaaqyo ciidan.

    Afhayeenka Xamaas

    Afhayeenkii ugu horeeyay ee dhaq dhaqaaqa Xamaas Ibraahim Ghosheh ayaa buuggiisa “The Red Minaret,” ku sheegay in su’aalo badan ay iska weydiinayeen dhalinyarada ururka Ikhwaanul Muslimiin.

    “Sababtoo ah ma aysan soo bandhigin xal cad oo ku saabsan mustaqbalka falastiin, mana aysan ku baaqayn in la bilaabo dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ah ee Islaamka,” ayuu qoray.

    Tani ayaa sababtay in dhalinyaradii Ikhwaanka – oo doonayay inay la dagaalamaan Israa’iil – ay samaystaan ​​koox iyaga u gaar ah oo ka tirsan kooxda. Waxa ay qorsheeyeen in ay is hubeeyaan iyaga oo aan madaxda Ikhwaanka ogayn.

    Waxaa heshiis lala galay dhaqdhaqaaqa Fatxu – oo uu sannado badan hoggaaminayey Yaasir Carafaad – si loo tababaro xubnaha Ikhwaanka.

    Go’aanka lagu bilaabay ururka Xamaas ayaa yimid kadib markii ururka Ikhwaanul Muslimiin uu soo maray caqabado waaweyn – oo ay ku jiraan xubno badan oo ka goostay.

    Ma Israa’iil ayaa abuurtay Xamas si ay Fatax ugula dagalanto?

    Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee muujiyay shakiga arrintan ku saabsan.

    Mubarak ayaa ka soo muuqday cajalad muuqaal ah isagoo askar hadal u jeedinayay tobanaan sano ka hor, “Israa’iil waxay u abuurtay Xamaas inay ka shaqeyso ka hortagga Ururka Xoreynta Falastiin (PLO).

    Ron Paul, oo mar u tartamay madaxtinimada Maraykanka 1988-kii, wuxuu baarlamaanka ka sheegay 2009, “Haddii aad taariikhda dib u raacdo, waxaad ogaan doontaa in Israa’iil ay dhiirigelisay oo ay gacan ka geysatay abuuritaanka Xamaas, ujeeddaduna tahay in laga hortago Yaasir Carafaat.”

    Hassan Asfour, wasiir hore iyo ergadii Falastiiniyiinta ee wadahadalka Oslo 1993, ayaa u sheegay telefishinka BBC 2023, “Xamas waxaa lagu bilaabay heshiis ay wada gaareen qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo Israel -taasi oo ahayd mashruuc Maraykan uu watay oo lagu beddelayo PLO.”

    Ma israa’iil ayaa maalgalisay Xamaas?

    Sannadkii 1981-kii, New York Times waxa ay daabacday waraysi uu wargeysku la yeeshay guddoomiyihii ciidammada Israa’iil ee wakhtigaas, Yitzhak Segev, isaga oo yiri, “Dadka Islaamka xagjirka ah waxa ay helaan qayb mucaawino ah oo Israa’iil ay siiso, dawladda Israa’iil waxa ay i u qoondeysay miisaaniyad dawladda militariga-na taageero ayya ka bixisaa masaajidda.”

    Wuxuu yiri: “Lacagtan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo xoogagga la tartamaya dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin (PLO).”

    Wareysi ay dhawaan daabacday Hay’adda Isreal Broadcasting Corporation, Yaakov Perry, oo horay uga tirsanaan jiray Shin Bet, ayaa yiri: “Waxaan ahaa madaxa ururka intii u dhaxeysay 1988 ilaa 1995, waxaan goob joog u ahaa kor u kaca dhaqdhaqaaqa Xamaas.

    “waxaan xusuustaa in qiimeynteena ay ahayd. – Tani waa koox bulsho oo keliya, ka shaqeynta bixinta baahiyaha dadka, laakiin dad badan oo Israa’iil ah ayaa ku eedeeyay Shin Bet inay taageerto dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Hamas oo ay ugu beddesho PLO, laakiin taasi run maaha.” ayuu intaa ku daray.

    Aasaasaha Xamaas, Sheekh Axmed Yaasiin ayaa sheegay in Israa’iil ay bixisay mushaaraad si ay isugu dayaan in ay nolosha caadiga ah ku soo celiyaan dadka ka dib markii ay qabsatay Gaza.

    “Waxa aan shaqadayda macalinimo ku qaadan jiray 240 Lira oo Israa’iil ah bishii, 40 lirana waxa aan ku qaadan jiray shaqadii muxadarooyiinka ee masjidka”. ayuu yiri.

    Cilmi baare ka tirsan machadka Truman ee jaamacadda Hebrew ee magaalada Jersulam, horena uga tirsanaan jiray sirdoonka Israa’iil sannadihii 1970-meeyadii, Roni Shaked ayaa BBC-da u sheegay, “Israa’iil weligeed ma maalgeliso Islaamiyiinta, waxay siisay shatiyo ay ku shaqeeyaan hay’ado, balse ma aysan bixin dhaqaale”.

    Roni Shaked waxa uu yiri “Taasi waxa laga yaabaa in ay u sahashay Ikhwaanul Muslimiinka (Xamas ka hor) in ay koraan, laakiin Israa’iil markii horeba ma aysan taageerin dhaqdhaqaaqooda aan rabshadaha wadan”

    Qorayaasha Israa’iil ee Ehud Yaari iyo Zeev Schiff waxay buuggooda Intifada ee 1990 ku yiraahdeen, “Israa’iil waxay isku khiyaantay awoodda ay ku maamusho Muslimiinta xagjirka ah, waxayna u adeegsatay inay wiiqdo saameynta Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Falastiin.

    La dagalanka Israa’iil
    Isbeddel weyn oo ku yimid xeeladaha Ikhwaanul Muslimiinka ee ka dhanka ah Israa’iil ayaa dhacay 1983. Shir ka dhacay Jordan, waxay go’aansadeen “in loo ogolaado xubnahooda ku sugan Daanta Galbeed iyo Gaza inay abaabulaan hawlgallo millatari,” sida uu qabo afhayeenkii ugu horreeyay ee Xamaas, Ibrahim Ghosheh.

    Sanad ka dib, Israa’iil waxay xirtay dhammaan ciidamadii ka socday Gaza, oo uu hoggaaminayay Axmed Yaasiin, waxayna gurigiisa ka heshay 80 hub noocyo kala duwan ah.

    Hase yeeshee Yaasiin ayaa la sii daayey dhawr bilood ka dib sannadkii 1985-kii, taas oo qayb ka ahayd heshiis ballaaran oo lagu sii daayey saddex askari oo Israa’iili ah.

    Axmed-yaasiin waxa uu dib u bilaabay doorkii hogaamineed ee dhaq-dhaqaaqa ciidamada muddo sanad ah kadib markii la sii daayey.

    Xamaas ma waxaa abuurtay Israa’iil?

    Israa’iil ma aysan abuurin Xamaas, laakiin dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka iyo colaadda Falastiin iyo Israa’iil ayaa ah sababta ugu weyn ee abuuritaanka Xamaas.

    Waxaa laga yaabaa in wax laga wadahadlo in Israa’iil ay indhaha ka qarsatay dhaq-dhaqaaqa intii ay dhidibada u taagneyd, mise waxaa dhici karta in Israa’iil ay isku daydo in ay Xamaas u adeegsato danaheeda inta ay sii kordhayaan oo ay xoog ku yeelanayaan Falastiiniyiinta.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.