Close Menu
    What's Hot

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mucaaradka oo la filayo inay cadeeyaan mowqifkooda kadib casuumada MW Xasan Sheekh

      May 3, 2026

      Warar ku saabsan kala shaki ka dhex jira Xisbiga Haybad-Qaran

      May 1, 2026

      Musharaxad Golaha Deegaanka Dr. Nasro Maxamed Cilmi Codkaaga waa isbeddelka Beledweyne—u Codeey

      April 28, 2026

      Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

      April 11, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Boqorka Baxrayn: Jinsiyadda waa laga qaadi doonaa qof kasta oo khiyaano qaran lagu helo

      May 1, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

      May 12, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Maxaa hakiyay weerarradii isdaba-joogga ahaa ee Saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq lagu qaadayay?

    Maxaa hakiyay weerarradii isdaba-joogga ahaa ee Saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq lagu qaadayay?

    By radiohalgan.comFebruary 20, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Booqasho uu Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq uu ku tagay madaxa Ciidamada Gaarka ah ee Iran ee Quds, ayaa la sheegay inay hakad gelisay weeraradii ay kooxo ay Iran taageerto oo Ciraq ka howlgala ku hayaan ciidamada Mareykanka.

    Hadalkan ayaa wakaalada wararka ee Reuters waxa ay ka soo xigatay ilo Ciraaq iyo Iran ah oo sheegay in arrintan ay muujineyso in xukumadda Tehran ay dooneyso inay ka hor tagto colaad gobolka oo dhan ku fidda.

    Madaxa Ciidamada Quds ee Iran , Ismaciil Qaani ayaa la kulmay wakiillo ka kala socday dhowr ka mid ah kooxha hubeysan, kullankaas oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad 29-kii bihii January, wax ka yar 48 saacadood, markii xukumadda Washiington ay ku eedeysay kooxahaas inay ka dambeeyeen dilka sadex askari oo Mareykan ah oo ku sugnaa saldhig uu Mareykanka ku leeyahay Urdun.

    Mareykanka ayaa afar sano ka hor khaarijiyay ninka jagadan uga horreeyay Qaani, kaddib marki uu la beegsaday weerar loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago ee Drone-ka, meel ku dhow isla garoonka Baqdad.

    Kooxihi uu Qaani la kulmay ayuu u sheegay in daadinta dhiiga ciidamada Mareykanka ay ka dhalan karto jawaab culus oo ka timaada Mareykanka. Sidaas waxaa xaqiijiyay ilaa iyo toban il wareed oo ay Reuters soo xigatay.

    Waxa uu u sheegay madaxdii maleeshiyada uu la kulmay inay isgaabiyaan, si ey uga fogaadaan duqeyn mareykanka uu la beegsado madaxdooda.

    Ila wareedyada ayaa sheegay in mid ka mid ah kooxahaasi ay diiday codsiga Qaani, in kastoo kuwii kale ay ogolaadeen.

    Maalin ka dib kullankaas ayaa kooxda ay Iran taageerto ee Kataib Hezbollah waxay ku dhawaaqday inay joojineyso weeraradii ay Mareykanka ku heysay.

    Tan iyo bishii Feb. 4teedii, ma jirin weeraro lagu qaaday ciidamada Marykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya, marka la bar bar dhigo 20 weerar oo muddo laba todobaad ah lagu qaaday, ka hor inta uu Qaani kooxahaas la kulmin.

    Kooxahan ayaa weeraradooda uga soo horjeeday dagaalka ay Israel ku heyso Gaza.

    Isha: VOA SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.