Martin Keown ayaa aaminsan in saddex xiddig oo Arsenal ah ay qalad ku lahaayeen goolkii furitaanka ee Liverpool ee Axadii.
Liverpool ayaa u gudubtay wareega xiga ee FA Cup-ka iyaga oo 2/0 kaga badiyay kooxda Arsenal oo joogta garoonkeeda.
Xiddiga Jakub Kiwior ayaa si khaldan isaga dhaliyay goolka furitaanka ah ka hor inta uuna Luis Diaz dhalin goolka 2-aad.
Arsenal ayaa iska khasaarisay fursado badan qaybtii hore ee ciyaarta waxana ay ahaayeen kooxda fiican qaybta hore.
Karoos uu Trent Alexander-Arnold ayaa keentay in uu xiddiga Kiowor si khaldan isaga dhaliyo gool.
Martin Keown ayaa sidoo kale suβaal ka keenay doorka Gabriel MagalhΓ£es uu ku lahaa goolkii laga dhaliyay Arsenal sidoo kale Aaron Ramsadale ayuu ku tilmaamay mid aad u daahay.
βWaxa aa is waydiinayaa hadii Gabriel uu dhinaca kale u fogayn lahaa kubada, waxa uu u muuqday mid bur-burayβayuu Keown yidhi.
βRamsdale waxa uu ahaa mid aad u daahay si uu uga fal celiyo kubada sidoo kale Kiowor waxa ay ahayd in uu qabto shaqo fiicanβayuu sii raaciyay.

