Jowhar: 17, Janaayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loohu soo dhoweeyay Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar kusoo dhoweeyay Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Wasiiro Xildhibaano, Maamulka Gobolka, kan Degmada Jowhar, Saraakiisha Ciidamada amniga, masuuliyiin iyo boqolaal qeybaha kala duwan ee bulshada ah.
Madaxweynaha oo socdaal shaqo ku tagay Magaalada Nayroobi ayaa halkaas kula kulmay qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka oo uu kala hadlay horumarinta deegaanada iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Hirshabeelle.
Madaxweynaha waxaa socdaalkaan ku wehliyay Gudoomiye Ku Xigeenka Baaelamaanka Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale.
-DHAMAAD-